Hindiya oo tallaabo ka qaadeysa maqaayadaha cunnada candhuufta ku tufa iyo kuwa kaadi ku walaaqa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xisbiga xukuma Hindiya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa ku dhawaaqay inay soo rogeen ganaaxyo culus iyo xabsi ay wajihi karaan dadka cuntada kariya ee ku sugan labada gobol ee uu xisbigu ka taliyo.
Xisbiga ayaa tilmaamay in dadka sameeya cuntooyinka ay ku wasakheeyaan waxyaabo ay kamid yihiin candhuuf, kaadi iyo waxyaabo kale oo caafimaadka iyo nadaafadda halis ku ah.
Gobolka lagu magacaabo Uttarakhand oo ku yaalla waqooyiga dalkaas ayaa ganaaxi doona 100,000 oo rupees una dhiganta 1,190-dollar, halka gobolka dariska la ah ee Uttar Pradesh, lagu wado in laga soo saaro sharciyo adag si wax looga qabto cuntooyinka lagu tilmaamay inay ka hor imaanayaan caafimaadka.
Awaamiirta dowladda ayaa daba socday faafinta muuqaallada aan la xaqiijin ee baraha bulshada oo muujinaya dadka cuntooyinka ku sameeya hareeraha waddooyinka iyo maqaayadaha yaryar kuwaas candhuuf ku tufaya cuntada.
Muuqaallada ayaa caro ka abuuray baraha bulshada, iyadoona qaar badan oo kamid ah dadka ay walaac ka muujiyeen badqabka caafimaad ee cuntada gobolladaan.
Muuqaal kamid ah kuwa aadka u faafay ayaa la sheegay in haweeney ay kaadi ku dartay cunto, waxaana markii hore lagu sheegay inay tahay Muslim, balse booliiska ayaa markii dambe u aqoonsaday inay tahay Hinduu.
Wargayska Indian Express, ayaa dhaleeceeyay qawaaniinta laga soo saaray gobolka Uttar Pradesh, waxa ayna arrinkaan ku tilmaameen mid lagu beegsanayo dad tiro yar oo aan markii horeba amni heysan.
Caadooyinka cuntada ayaa mowduuc xasaasi ah ka ah dalka Hindiya, waxaana jira dhaqamo kala duwan oo salka ku haya diimaha iyo nidaamka dalka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marar kala duwan ayaa waxaa dalkaas ka dhacday isku dhacyo u dhaxeeya bulshooyinka kuwaas oo la xiriira dhaqanka iyo cuntada.
Hay'adda badbaadada Cunnada ee magaceeda loo soo gaabiyo (FSSAI) ayaa cuntada aan badbaadada lahayn ku tilmaamtay inay keenayso ku dhawaad 600 milyan caabuq ah iyo 400,000 oo dhimasho ah sannadkii.
Khubarada ayaa soo xiganaya sababo kala duwan oo la xiriirta baadbaado la'aanta cuntada dalkaas, oo ay kamid yihiin inaysan jirin dhaqal galin ku filan oo dhanka shuruucda ah, wacyigalin la'aan, goobaha lagu kariyo oo aad ciriiri u ah, suxuunta ama maacuunta oo ah kuwo wasaqeysan iyo biyaha la isticmaalayo oo iyana wasaqeysan.
Kadib muuqaaladii muranka dhaliyay ee faafay Uttarakhand, ayaa looga dhawaaqay ganaaxyo culus oo qabanaya dadka lagu helo danbiyada noocaas ah, sidoo kale in booliiska ay dabagal ku sameeyaan shaqaalaha hoteelka iyo in CCTV-yada lagu rakibo madbakhyada ama jikooyinka.
Mid kamid ah wasiirada gobolka Uttar Pradesh, oo lagu magacaabo Yogi Adityanath ayaa sheegay in la joojiyo dhacdooyinka noocaan ah, booliiskana ay xaqiijiyaan shaqaale kasta.
Gobolkaan ayaa sidoo kale qorsheenaya in qasab laga dhigo in xarumaha cuntada lagu soo bandhigo magacyada milkiilayaashooda, cunto kariyayaasha iyo kuwa dalabka qaadana ay xirtaan afxir iyo gacmogashi, sidoo kale in kaamiro lagu xirto goob kasta oo laga cunteeyo.

Xigashada Sawirka, Amit Saini
Bishii Luulyo, Maxkamadda Sare ee Hindiya ayaa joojisay amarro ka soo baxay maamullada gobolada Uttarakhand iyo Uttar Pradesh, kuwaas oo wax looga qabanayay dadka cuntooyinka ku sameeya hareeraha waddooyinka, maxkamadda ayaana amarradaas ku tilmaamtay kuwo aan caddaalad ahayn oo lagu bartilmaameedsanayo dadka muslimiinta ah, ayna saameyn xun ku yeelan doonto ganacsigooda.
Arbacadii, booliiska magaalada Barakanki ayaa xiray milkiilaha maqaayadda Mohammad Irshaad oo lagu eedeeyay inuu candhuuf ku tufay (rooti fidsan) xilli uu diyaarinayay.
Mr Irshaad ayaa lagu eedeeyay inuu khalkhal galiyay nabadda iyo wada noolaanshaha diinta, sida uu sheegay wargeyska Hindustan Times.
Horaantii bishaan, booliiska magaalada Mussoorie, ayaa xiray labo nin oo lagu kala magacaabo Naushad Ali iyo Hasan Ali oo lagu eedeeyay in ay ku tufeen digsi xilli ay shaah karinayeen, waxaana lagu eedeeyay in ay sameeyeen caro dadweyne oo ay halis galiyeen caafimaadka, ayuu yiri The Hindu.
Muuqaalada raggaan oo candhuufeynaya cuntada, ayaa lagu baahiyay baraha bulshada maalmo ka hor intaan la xirin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hogaamiyayaasha mucaaradka ee labada gobol ee BJP ayaa dhaleeceeyay awaamiirtan cusub, iyagoo sheegay in loo adeegsan karo beegsiga muslimiinta, dowladuna ay u adeegsaneyso amaradaan si ay uga weeciso dhibaatooyinka kale ee muhiimka ah sida shaqo la’aanta iyo sicir bararka cirka isku shareeray.
Sarkaal ka shaqeeya badbaadada cuntada ayaa BBC-da u sheegay in saraakiisha badbaadada iyo booliiska ay billaabeen baaritaano ay ku sameynayaan goobaha lagu cunteeyo.
Khabiir dhanka sharciga ah sidoo kalena saxafi ah oo lagu magacaabo V Venkatesan ayaa sheegay in loo baahan yahay xeerar cusub iyo sharciyo ku saabsan badbaadada cuntada in si sax ah looga doodo fadhiga golaha.
Dalka Hindiya marar badan waxaa ku soo laalaabtay dhibaatooyin ka dhashay dhaqanka iyo cuntooyinka iyadoona Muslimiinta ku nool dalka Hindiya ay la kulmeen eedeymo la xiriirta dhaqamada bulshada inkasta oo marar badan been abuur lagu tilmaamay.













