Maxaan ilaa iyo hadda ka ognahay wixii ka dhacay Aadan Yabaal?

Xigashada Sawirka, Abdishukri Haybe
Dagaal xooggan ayaa laga soo tabiyay aroornimadii hore ee saakay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe Dhexe ee Soomaaliya, dagaalkan ayaana u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo ururka al-Shabaab. Warar kala duwan oo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin ayaana kasoo baxaya dagaalkan.
Ciidamada Soomaaliya ayaa magaaladan ka qabsaday ururka al-Shabaab bishii December 2022, xilligaas oo uu socday guluf balaadhan oo ka dhan ah ururka al-Shabaab waana wajigii koowaad ee howlgallada uu hoggaaminaayay madaxweynaha Soomaaliya. Qabsashadaan ayaana ahayd mid muhiim u ah dowladda Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in sanadkii 2016 bishii April 16-keedii ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM gaar ahaan ciidamada Itoobiya ay magaalada qabsadeen balse muddo kadib ayay ururka al-Shabaab dib u qabsadeen degmada Aadan Yabaal.
Ururka al-Shabaab ayaa degmadaan gacanta ku hayay muddo dheer ka hor intayna kala wareegin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 2022.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Xorreynta degmadaan oo ahayd mid muhiim u ah gulufkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay kadib markii dib loogu doortay xilka madaxtinnimo sanadkii 2022 ayaa waxaa qeyb weyn ka qaatay ciidamada deegaanka ee "Macawiisleey" kuwaas oo ka barbar dagaallamay ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dib u qabsashadan ayaana ahayd mid dowladda Soomaaliya iyo ciidamada deegaanku si weyn ugu taamayeen iyada oo degmadani ururka al-Shabaab ahayd degmo muhiim u ah halka ay dhacdo owgeed. Waxay degmadani dhanka bari ka dhacdaa caasimadda Muqdisho meel u jirta 220km, waxayna ku taallaa xadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Maanta ayay degmadu markale ku waaberiisatay weerar la sheegayo in ay soo qaadeen ururka al-Shabaab – waxaa la werinayaa oo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin in taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Odowaa Yuusuf Raage uu ku sugnaa degmada Aadan Yabaal waxaa sidoo kale la sheegay in guddoomiyaha Maxkmaadda Derajada Koowaad ee ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute uu isna ku sugnaa isla magaaladaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqday isla degmadan Aadan Yabaal 18-kii bishii Maarso ee sanadkaan, intuusan ka bixin magaalada Muqdisho Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka badbaaday qaraxa kaas oo dhacay xilli madaxweynuhu kasii baxayay magaalada kuna sii jeeday ciidamada dagaalka kula jira al-Shabaab ee ku sugan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa labaduba sanadkan dhexdiisa booqday kadib markii ururka al-Shabaab laga qabsaday degmaadan.
Illaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan dhacay, dowladda Soomaaliyana wax war ah kamasoo saarin dhacdadaan. Qoraal la sheegay in uu kasoo baxay ururka al-Shabaab balse ayna BBC-du xaqiijin karin ayaase muujinaya ururka oo sheeganaya in ay qabsadeen magaalada.
Muuqaallo ayaa sidoo kale baraha bulshada lagu baahiyay kuwaasoo muujinaya gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ururka al-Shabaab oo dhex socda meel lagu sheegay in ay tahay magaalada, walow iyaguna ayna ahayn kuwo si madax bannaan loo xaqiijin karo.
Mid kamid ah sababaha illaa hadda aan loo xaqiijin karin xaaladda saxda ah ee magaalada ayaa ah in isgaadhsiinta degmada Aadan-Yabaal ay go'antahay oo khadka caadiga ah ee wicitaanka taleefanku uusan shaqaynaynin.













