Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kusii dhawaanaya degmada Aadan Yabaal

Wararka deg degga ah

Tebin toos ah

  1. Jabhaddii Tigreega oo la sheegay in in badan oo dagaalyahannadoodii ahi ka baxeen furimihii dagaalka

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Madaxa ciidamada fallaagada Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in boqolkiiba lixdan iyo shan ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka.

    Arintaan ayaa ku soo beegmaysa bil kadib markii heshiis xabad joojin ah ay la saxiixdeen dowlada.

    Tadesse Werede, oo ah madaxa guud ee ciidamada Tigreega ayaa sheegay in ay u dhaqaaqeen goobo cayiman. Inkastoo ay saxiixeen heshiis hub ka dhigis ah, Jabhadda Xoreynta Tigrayga ayaa sheegtay inaysan ka tanaasuli doonin hubkeeda haddii aysan ciidamada Eritrea iyo kuwa ka socda gobollada deriska la ah Itoobiya aysan ka bixin Tigrayga.

    Maalmihii la soo dhaafay shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamada Eritrea iyo maleeshiyaadka xulafada la ah ay sii wadeen dilalka iyo tacadiyada dadka rayidka ah ee Tigrayga.

  2. Dalka haysta kooka Afrika iyo England ayaa caawa la filayaa in midkood ka hadho Koobka Adduunka

    Afar kooxood oo kale ayaa ku hirdamaya boosaska wareega siddeedda ee Koobka Adduunka ee Qatar ka scoda habeenkan caawa ah. Xulka difaacanaya koobkaas ee France ayaa haatan la ciyaaraya xulka dalka Poland.

    Halka caawa tobanka habeennimo afrikada berina ay England Iyana markii ugu horeysay wajihi doonto kooxda heysata horyaalka Afrika ee Senegal.

    Ciyaarta u dhaxaysa England iyo Senegal ayaa si weyn isha looga hayaa, xilli labada dhinacba dhanka kale sheegeen in aanay sahlan doonin. Labadooda ka guulaysta ayaa la filayaa in uu sideedda kula kulmi doona France iyo Poland kii soo badiya.

  3. Iran oo sheegtay in ay kala direen 'booliskii ilaalinta akhlaaqda'

    Xeer ilaaliyaha guud ee Iran ayaa shir diimeed ka sheegay in la kala diray booliska diinta ee dalkaasi. Hadalka Mohammad Jafar Montazeri ma aysan xaqiijin hay'adaha fulinta sharciga ee Iran. Kooxdan loogu yeedhi jirey ‘Booliska akhlaaqda’ ayaa loo sameeyay si ay u dhaqan geliyaan hab-labiska iyo anshaxa Islaamiga ah.

    Rabshado ayaa ka dhacayey Iran tan iyo markii Mahsa Amini oo laba iyo labaatan jir ah ay dhimatay ka dib markii lagu eedeeyay inay jabisay xeerka adag ee dharka dumarka.

    Weriyaha BBC-da ee laanta Persian-ka ee a (Siavash Ardalan) ayaa sheegay in kaladirista bilayska diinta aysan macnaheedu ahayn in sharciga xijaabka uu isbedeli doono.

    Waxa uu sheegay in tallaabadan ay noqon doonto mid aad u yar, isla mar ahaantaana ay soo daahday, kolka loo eego baaxadda dibadbaxyada sii socda.

  4. Dalka Indonesia oo uu ka dhacay qarax Volcano

    Buundada Gladak Perak, oo dib loo dhisay ka dib qaraxyadii sannadkii hore, ayaa si xun u burburay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Buundada Gladak Perak, oo dib loo dhisay ka dib qaraxyadii sannadkii hore, ayaa si xun u burburay

    Buurta Volcano Semeru ee dalka Indonesia ayaa qaraxday, waxaana cirka isku shareeray dambas, taasoo keentay in dadka laga daadgureeyo jasiiradda Java ee dalkaasi.

    Maamulka ayaa kor u qaaday heerka digniinta foolkaanada ama qaraxa, heerkii ugu sarreeyey, taasoo la micno ah in dhaqdhaqaaqiisu uu kordhay.

    Lama soo sheegin wax dhaawac ah, balse ku dhawaad ​​2,000 oo qof, ayaa laga daad gureeyay agagaarka Foolkaanaha.

    Dadka ayaa lagu booriyay inay ka fogaadaan ugu yaraan 8 km (5 mayl) goobta, sababtoo ah "bus badan", ayaa ka kacday buurta Semeru.

    Kordhinta heerka khatarta ah ee saddex ilaa afar, ayaa waxay sidoo kale la macno tahay in khatartu ay halis gelinayso guryaha dadka, afhayeen u hadlay xarunta Indonesia ee Foolkaanaha iyo Yaraynta Khatarta Juquraafiga (PVMBG), ayaa u sheegay warbaahinta qaranka.

    Ururka ayaa sheegay in buundada duntay dib u dhis lagu sameynayo, kadib markii uu qaraxii Volcana-ha uu burbur xooggan soo gaarsiisay.

    Dambaska foolkaanaha oo lagu daray roobab mahiigaan ah, ayaa gaarey tuulooyinka u dhow goobta qaraxu ka dhacay, waxaana la daad gureeyay 1,969 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo waayeel, ayay lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxaya Hay'adda Kahortaga Musiibooyinka Qaranka (BNPB).

    Ugu yaraan lix tuulo, ayay saamaysay, ayaa sidoo kale lagu sheegay warka.

  5. Haweeney malaayiin doollar oo magdhow ah ka dooneysa shirkad baastada sameysa

    Baastada Macaroni

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Baastada Macaroni

    Qof ku nool gobolka Florida ee dalka Maraykanka, ayaa shirkadda Kraft ka gudbiyey dacwad.

    Dacwaddan, ayuu ruuxan ku doonayaa in shirkadda laga qaado lacag dhan shan milyan oo Dollar oo magdhaw ah.

    Sababta ayey ku sheegtay in wakhtiga diyaarinta ee baastada Macaroni-da aanu ku jirin wakhtiga lagu xusay tilmaamaha ku dul qoran baakadda alaabadan.

    Xirmada alaabta la yiraahdo 'Velveeta Shells and Cheese' oo ay soo saartay shirkadda Kraft Heinz ee cuntada, ayaa sheegaysa in baastada Jiiska lagu diyaarin karo saddex daqiiqo iyo bar.

    Si kastaba ha ahaatee, Amanda Raminez ayaa dacwad ka gudbisay bishii hore, iyadoo ka cabatay in waqtigu furista baakadda aaney shirkaddu ku darin waqtiga karinta.

    Qareenada Raminez, ayaa sidoo kale ku dooday in shirkadu ay joojiso xayaysiinta loo soo gudbiyo macaamiisha ee "marin habaabinta" ah.

  6. Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kusii dhawaanaya degmada Aadan Yabaal

    Ciidanka dowladda Soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Ciidanka dowladda Soomaaliya

    Ciidamada Dawladda Soomaaliya oo ay taageerayaan maleeshiyooyin deegaanka ah, ayaa kusii dhawaanaya degmada Aadan Yabaal.

    Degmadan, ayaa kamid ah kuwa u dambeeya ee katirsan gobolka Shabeellada Dhexe, oo ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab, marka laga reebo degmada Ruun Nirgood, oo ay iyadana gacanta ku hayaan Alshabaab.

    Dagaallo goosgoos ah ayaa saaka laga soo weriyay deegaanno hoostaga Aadan Yabaal.

    Waxaa kamid ah meelaha la isku fara saaray tuulada Juxay, oo qiyaastii dhawr iyo labaatan km u jirta degmada.

    Illaa hadda wax war ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaallada saaka ku dhexmaray daafaha Aadan Yabaal ciidamada dawladda, iyo kuwa Al-Shabaab.

  7. Deegaankii lagu dhisay Boqortooyada Sucuudiga oo loo aqoonsaday goob taariikhi ah

    Guryaha At-Turaif

    Xigashada Sawirka, UNESCO

    Qoraalka sawirka, Guryaha At-Turaif

    Guryaha dhoobada ah, masaajidda iyo guryaha At-Turaif, ayaa u ah udub dhexaad taariikhda Sacuudi Carabiya.

    Waxay ahayd meeshii ugu horreysay ee Boqortooyada Sucuudiga lagu aasaasay, in ka badan laba boqol iyo konton sano ka hor.

    Fikirka Wahaabiisimka ee diinta Islaamka - oo mar awood u lahayd sida Boqortooyada, laakiin haatan aad loo shiiqiyey - ayaa iyadana halkan laga gudbin jiray fariimahooda.

    Dib u naqshadeynta gobolka Najd, ayaa wuxuu ku badbaaday guryihii hore ee ​​​​ugu fiicnaa ee deegaanka.

    Hey’adda UNESCO, ayaa waxay ku dartay liiska dhaxalka adduunka guryahan.

    Laakiin sannado badan, goobtu waxay ahayd deegaan la dayacay, oo burburay - maadaama dalxiisku uu ahaa mid aan ka jirin Sucuudiga.

    Sannadihii u dambeeyay, ayaa arrimahani wax badan ay iska badaleen.

    At-Turaif ayaa hadda looggu tala galay iney noqoto goob muhiim ah, oo laga hirgaliyo mashaariic horumarineed.

    Mashaariicdan, ayaa waxa ku bixi doona balaayiin doollar, iyadoo katirsan degmada Diriyah – iyadoo xudun u noqon doonta dalxiisayaasha, halka dhanka kalana ay noqoneyso halka shucladda u sida boqortooyada Sucuudiga.

  8. Ciyaar yahanad xijaabka ka dhacay oo ciqaab adag la kulantay

    Elnaz Rekabi
    Qoraalka sawirka, Elnaz Rekabi

    Guriga qoyska ciyaar yahanadda, Elnaz Rekabi, ee reer Iran, ayaa lagu soo waramayaa in la dumiyay.

    Rekabi, oo 33 jir ah, ayaa jebisay xeerka labiska ee dalka Iran, markii ay iyada oo madax qaawan ku tartamaysay tartan fuulista goobaha, oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

    Elnaz, ayaa markii dambe raali gelin ka bixisay in xijaabkeedu uu u dhacay "si aan ula kac ahayn".

    Warbaahinta BBC-da, ayaa ogaatay in raalli gelinta Rikabi ay ahayd mid "lagu qasbay".

    Rikabi ,ayaa noqday geesiyad ay indhaha ku hayaan dad badan oo reer Iran ah, xilli dalkaasi ay ka dhaceen dibadbaxyo loogga soo horjeedo waajibka ah in ay xirtaan xijaabka.

  9. Ciidamo kumanaan gaaraya oo isku gadaamay magaalo ku taalla dalka El Salvador

    Soyapango waa meel la yaqaan oo ay ku xooggan yihiin kooxaha dembiilayaasha ah

    Xigashada Sawirka, PRESIDENT NAYIB BUKELE

    Qoraalka sawirka, Soyapango waa meel la yaqaan oo ay ku xooggan yihiin kooxaha dembiilayaasha ah

    Ku dhawaad ​​10,000 oo askari, ayaa isku gadaamay magaalada Soyapango ee dalka El Salvador, kuwaasoo qeyb ka ah howlgallada ballaaran ee ka dhanka ah kooxaha burcadda ah, sida uu ku dhawaaqay madaxweyne Nayib Bukele.

    Dhammaan waddooyinka soo gala magaalada ayaa la xiray, waxaana ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay guryaha ka baarayeen rag burcad ah.

    Saraakiisha ayaa sidoo kale joojinayay qof kasta oo isku dayaya inuu ka baxo magaalada, iyagoo hubinaya waraaqaha aqoonsiga.

    Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgalo ballaaran oo lagu baacsanayo kooxaha burcadda ah, kadib markii ay bateen rabshado horraantii sanadkan.

    Wasiirka cadaalada ayaa sheegay in ilaa hadda la xiray 12 qof.

    Soyapango, waa mid kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn El Salvador, waxaana ku nool in ka badan 290,000 oo qof.

    Magaalada - oo ku taal 13 km (8 mayl) galbeed ee caasimadda San Salvador - ayaa muddo dheer loo aqoonsan yahay inay tahay xudunta dhaqdhaqaaqa burcadda.

    "Illaa hadda, degmada Soyapango gabi ahaanba waa lagu hareereysan tahay," Madaxweyne Bukele ayaa sidaasi ku soo qoray Twitter.

    "Kooxaha soo saarista booliiska iyo ciidamada waxaa loo xilsaaray inay mid mid u soo saaraan dhammaan xubnaha burcadda ah ee weli halkaas ku sugan."

    Waxa uu intaasi ku daray in dadka caadiga ah “aysan jirin wax ay ka cabsadaan jirin” wuxuuna sheegay in howlgalladaasi ay qeyb ka yihiin “Howlgalka ka dhanka ah dambiilayaasha, ee aan lgu wax yeelley neyn muwaadiniinta daacadda ah”.

  10. Ardeyda manhajka cusub ee Kenya oo sidooda kusii wadanaya waxbarashada

    Ardeyda dugsiyada hoose

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Ardeyda dugsiyada hoose

    Ardayda wax ku baranaysay manhajka cusub ee dalka Kenya ee haatan uun dhamaysatay lixda fasal ee dugsiga hoose, ayaa la shaaciyay inay sii wadan doonaan waxbarashada dugsiga hoose.

    Warbixin ka soo baxday madaxtooyada dowladda Kenya, ayaa ku tala bixisay in imtixaanaadkii dhawaan laga qaaday ardayda fasalka lixaad, aanan loo isticmaali doonin in looggu gudbo wajiga koowaad ee dugsiga sare.

    Taa badelkeedana waxaa imtixaankaas loo isticmaali doonaa in lagula socdo horumarka dhanka waxbarashada ee ardaydu samaynayaan.

    Sidoo kale imtixaankan, ayaa ardayda talooyinka la siinayo lagu jaan goyn doonnaa waxa ay u baahan yihiin.

  11. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.