Midowga Afrika oo ka hadlay qabsashada ciidamada dowladda Soomaaliya ee Aadan Yabaal

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Khubaro cadeysay in kooxda ISIS ay sameysteen ayna isticmaaleen hub Kimiko ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, ISIS

    Khubarada Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay jiritaanka cadaymo muujinaya adeegsiga hubka Kiimikada oo ay adeegsadeen kooxdii la magac-baxday dowladda Islaamka ee maamuli jirtay deegaano ka tirsan Ciraaq intii u dhaxeysay sanadihii 2014 iyo 2019.

    Warbixinta , khubarada ayaa lagu sheegay in ISIS "ay samaysay oo ay soo saartay gantaallo, hoobiye kiimiko, rasaas kiimika ka smaeysan baasuukayaal, madaxyo kimiko, iyo qalab kiimiko ah oo kuwa qarxa."

    Baarayaasha waxay xooga saareen baaridda weerar ka dhacay magaalada Taza Khurmato ee dalka Ciraaq 8 March, 2016.

    Waxay xaqiijiyeen inay ururiyeen "caddayn badan" oo ay ku jiraan "diiwaanka mushahaarka dagaalyahanadii ISIS iyo cadeymo kale".

    Warbixintu waxay ku nuuxnuuxsatay "dhibaatooyinka caafimaad ee wali haysta dadka deggan Taza Khurmato, taasi oo ay ka mid yihiin cudurrada daba-dheeraada, kansarka, iyo dhibaatooyinka la xiriira caafimaadka taranka."

  2. Wakiilka midowga Afrika ee Soomaliya oo ballanqaad u sameyay dowladda Soomaaliya

    .

    Xigashada Sawirka, OPM

    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine.

    Sida lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiiska rai'sul wasaaraha ayaa waxaa ay labada dhinac ka wadahadleen arrimaha amniga, dadaallada dib-u-xoreynta, iyo doorka ATMIS ee dagaalka lagula jiro Al-shabab.

    Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine ayaa ammaanay guulaha la taaban karo ee ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka soo hooyeen dagaalka lagula jiro Al-shabab.

    Waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqay guushii ugu dambeysay ee Shabab looga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe. Mr Souef ayaa ballan qaaday in ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab.

  3. Aljazeera oo maxkamadda ICC u gudbisay dacwad ka dhan ah Israa'iil

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Shireen Abu Aqla ayaa lagu toogtay xerada qaxootiga Jenin xilli ay halkaasi ka soo waramaysay bishii May

    Telefishinka Aljazeera ayaa maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee ICC u gudbiyay dacwad ka dhan ah ciidamada Israel taasi oo ku aadan dilka wariyahii Aljazeera Shireen Abu Akleh.

    Ciidanka Israa’iil ayaa qirtay inay u badan tahay in askartoodu ay toogteen bishii May, balse waxay geerida weriyaha ku tilmaameen mid aan ula-kac ahayn.

    Rai'sul wasaare Yair Lapid, ayaa gabi ahan-ba meesha ka saaray in baaritaan dibadda ah arrintan lagu sameeyo.

  4. Dhibaatada ay wajahaan qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee Minnesota ee isticmaala maandooriyayaasha

    Waxaa laga dayrinayaa dhibaatada ay qaar ka mid ah dhalinayarada Soomaalida kala kulmaan isticmaalka mukhaadaraadka gaar ahaan si khaldan u qaadashada dawooyin loogu talagalay xanuun bi'inta culus.

    Gudoomiyaha gobolka Minnesota ayaa isagoo ka falcelinaya arrintaasi waxa uu golihiisa sare ee kala taliya balwadaha ku daray gabar Soomaali ah oo bulshada ka wacyigelisa dhibaatada ay leedahay isticmaalka maandooriyayaasha.

    Guud ahaan waddanka Mareykanka waxaa sanadkan laga diiwaangeliyay in ka badan 70 kun oo qof ay u dhinteen isticmaalka dawooyinka lagu sarqaamo.

    Faafaahinta warkan waxaa soo koobaya Siyaad Siciid Saalax.

    Qoraalka Codka, .
  5. Weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay Jarmalka

    Jarmalka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Gabar 14 jir ah ayaa geeriyootay mid kale oo 13 jir ahna dhaawac daran ayaa soo gaaray kaddib markii uu weerar ku qaaday nin toorrey ku hubeysnaa xilli ay u socdeen iskuulkooda oo ku yaalla koofurta Jarmalka.

    Booliiska ayaa sheegay in ninka laga shakisan yahay uu shalay ka soo baxay xero qaxooti oo ku taalla xaafadda Illerkirchberg.

    Gabadha weyn ayaa dhaawaca ugu geeriyootay isbitaalka.

    Booliiska Jarmalka ayaa xiray ninkan oo 27 jir ah, oo sida ay sheegeen an magangalyo-doon ka soo jeeda Eritrea.

    Gabadha 13 jirka ah oo dhaawac daran uu ka soo gaaray weerarka ayaa waxay wararku sheegayaan in haatan la dabiibayo oo nafteedu aysan khatar ku jirin.

    Ninkan ayaa weerarka kaddib dib ugu laabtay xerada, booliiska ayaana sheegay inay ku qabteen mindi loo maleynayo inuu weerarka u adeegsaday.

  6. Baarlamaanka Indonesia oo ansixiyay xeer mamnuucaya galmada guurka ka hor

    Indonesia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Baarlamaanka waddanka Induniisiya ayaa ansixiyay isbedello ballaaran oo muran badan dhaliyay, kaas oo lagu sameeyay xeerka dambiyada ee dalkaas oo mamnuucaya galmada guurka ka hor, xaddidayana xorriyadda hadalka.

    Lammaanayaasha aan is-qabin ee isku taga ayaa wajihi doona xarig muddo sanad ah.

    Waxaa kale oo sharci darro noqon doonta in la dhaleeceeyo madaxweynaha iyo afkaarta dowladda Indonesia.

    Kooxo dhowr ah oo u badan dhalinyaro ayaa ku mudaaharaaday bannaanka baarlamaanka ee magaalada Jakarta.

    Sida sharciga qabo lammaanaha aan guursan ee lagu qabto galmo waxay muteysan karaan xabsi ilaa hal sano ah. Waxaa sidoo kale laga mamnuucay inay wada noolaadaan - falkaas oo sababi karo xabsi ilaa lix bilood ah.

  7. Al-Shabaab oo dad shacab ah ka afduubtay deeganadii lagala wareegay

    Dawladda Soomaaliya ayaa ururka Al-Shabaab ku eedeysay inay si ula kac ah u barakiciyeen dadkii daganaa degmada Aadan Yabaal, kahor inta aanay isaga bixin magaaladaasi.

    Ciidamada Dawladda oo ay la socdaan miliishiyooyin degaanka ah ayaa Al-Shabaab kala wareegay degmada Aada Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe kadib dagaallo ka dhacay tuulooyin hoos yimaada magaaladaasi.

    Qoraalka Muuqaalka, .
  8. Daawo: Khudabddii uu madaxweyne Xassan Sheikh maanta jeediyay

    Qoraalka Muuqaalka, .
  9. Maxkamadda sare ee Pakistan oo amar ka soo saartay weriye caan ahaa oo lagu dilay Kenya

    Arshad Sharif

    Xigashada Sawirka, EPA

    Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa u magacawday guddi ka kooban shan garsoore si ay u kormeeraan baaritaanka lagu hayo dilka wariye caan ah oo lagu toogtay dalka Kenya.

    Arshad Sharif ayaa bishii October ee sanadkan waxaa toogasho ku dilay ciidamada booliska xili uu ku sugnaa dalka ku yaala bariga Afrika, iyadoo boolisku ay sheegeen inuu ahaa kiis lagu qaldamay.

    Mr Sharif ayaa ahaa nin si weyn u dhaleeceeyay ciidamada Pakistan, waxaana dilkiisa uu caro xoogan ka dhaliyay guud ahaan dalka Pakistan.

    Maxkamadda ayaa shaacisay guddiga ka kooban 5-xubnood oo uu hoggaamin doona guddoomiyaha maxkamadda sare Umar Atta Bandyal. Bayaan ka soo baxay maxkamada ayaa lagu sheegay in ay jawaabo ka dalbatay wasaaradaha arrimaha dibadda iyo gudaha ee Pakistan.

  10. Ruushka oo mowjado gantaallo ah ku garaacay bartilmaameedyo ku yaalla Ukraine

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qeyba badan oo ka tirsan waddanka Ukraine ayaa ku soo dhacay koronto la'aan kaddib markii ciidammada Ruushka ay mowjado gantaallo ah ku garaaceen bartilmaameedyo ku yaal waddanka Ukraine.

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in in ka badan 70 gantaal hawada lagu qabtay kahor inta aanay ku dhicin bartilmaameedkii ay ku socdeen, waxa uu intaasi ku daray in afar qof la dilay.

    Arrintaan ayaa imaanaysa xilli lagu wado inuu dhaqan galo xayiraado Midowga Yurub ku soo rogtay shidaalka Ruushka.

    Waxaa sidoo kale la filayaa inuu dhaqan galo in 60-dollar lagu jaangooyo barmiilkiiba shidaalka Ruushka.

    Tallaabadan ayaa waxaa Jimcihii ku heshiiyay Midowga Yurub, dalalka hodanka ah ee G-7 iyo Australia.

    Waddamada ree Galbeedka ayaa doonaya inay inay xaddidaan awoodda Moscow ay ku sii wadi karto duullaanka ay ku hayso waddanka Ukraine.

  11. Midowga Afrika oo ka hadlay qabsashada ciidamada dowladda Soomaaliya ee Aadan Yabaal

    Iyada oo ay dowladda Soomaaliya shaacisay in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ay Al-shababa kala wareegeen degmada Aadan Yabaal, ayaa bayaan uu soo saaray Midowga Afrika waxa uu ku bogaadiyay ciidamada dowladda qabsashada degmadaasi.

    .

    Xigashada Sawirka, Midowga Afrika

  12. Faahfaahin ku saabsan nin Soomaali ah oo muddo 5 maalmood ah Canada lagu la'yahay

    Qaar kamid ah bulshada Soomaalida ee magaalada Edmoton ee waddanka Canada ayaa dhigay dibadbax ay booliska uga dalbanayaan in ay baadigoobaan Cali Xuseen Jibriil oo muddo 5 maalmood ah halkaas lagu la'yahay.

    Cali oo kamid ahaa waxgaradka Soomaalida ee magaaladaasi, ayaanan la arag tan iyo kowdii bishan, iyadoo ehelkiisana ay BBCda u sheegeen in illaa iyo haatan la helay gaarigii iyo taleefankii uu watay oo kaliya.

    Haddaba Durraan Xasan-Yare ayaa la kulmay ehelka iyo qaar kamid ah hogaamiyayaasha Soomaalida ee magaalada Edmonton kaddibna warbixintan ayuu halkaas inooga soo diray.

    Qoraalka Codka, .
  13. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali.

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee deegaanada Soomaalida, gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.

  14. Kooxda Al-Nassr oo lacag aad u fara badan ku raadieneysa Ronaldo

    RONALDO
    Qoraalka sawirka, RONALDO

    Naadiga ka tirsan Sacuudiga ee Al-Nassr ayaa doonaya in ciyaaryahanka Christiano Ronald uu u ciaayaro marka uu koobka Adduunka dhammaado ka dib.

    Naadiyo kala duwan ayaa muujiyey in ay xiiseynayaan ciyaaryahahankanlaakiin kooxdan Sacuudiga ee Al-Nassr ayaa ugu lacag badan oo sheegay in ay siinayaan 200 milyan oo Euro sanad kaSta .

    Ronaldo oo 37 jir ah yaa haatan xor ah ka dib markii heshiskii uu kula jiray kooxda Manchester United a joojiyey bishii hore markii uu bixiyey wareysi muran dhaliyey.

    Wuxuu dhaliilay Naadiga isagoo sheegay in anu wax xushmad ah u heynin tababaraha kooxda Erik Ten Hag.

    Hadda wuxuu mashquul ku yahay oobka Adduunka mana daneynayo in uu go’aan gaaro ku saabsan qorshihiisa mustaqbalka ilaa uu ka dhammaado.

    Ronaldo 145 gool ayuu dhaliyey 346 kulan oo uu u saftay United isagoo Real Madrid 2009 ka hor inta aanu ku sooo laaban Old Traffolrd isagoo ka yimid Juventus 20021kii

  15. Sudan oo heshiis la saxiixay laakiin mudaaharaadyadii ay weli socdaan

    SUDAN
    Qoraalka sawirka, SUDAN

    Isbaheysiga Dimoqraadiyad doonka ah ee ciidanka Xorriyadda iyo kooxda kale ee Change -ama isbedel ayaa saxiixay heshiis bilow ah oo ay la galeen militariga si loo soo celiyo xukunkii rayidka ahaa ka dib afgambigii dhacay sanadkiihore.

    Heshiiskan ayaa oggolaanaya xukun ku meel gaar ah oo middo labo sano lagu gaaro doorashooyin.

    Laakiin bannaanbaxyo looga horjeedo heshiiska ayaa ka bilowday caasimadda , Khartoum kuwo kale ayaa Iyana lagu wadaa dalka oo dhan in ay ka dhacaaan , iyadoo dadku ugu baaqayaan in kuwa afgambiga hoggaaminayey lala xisaabtamo.

    Sudan ayaa la kulantay afar sano oo degenaansho la’aan siyaasadeed

    Ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore Cumar Al -Bashir markii ay dhaceen bannaanbaxyo waaweyn.

    Midowga Afrika , dowladaha Carabta iyo kuwa reer Galbeedka ayaa ka dambeeyey wada xaajood dhexmaray militariga iyo rayidka si deggenaanshihii loo soo celiyo loona joojiyo bannaanbaxyada loona badbaadiyo dhaqaalaha Sudan ee burburaya .

    Qaar ka mid ururada ayaa diiday heshiiska kuna adkeysanaya in lala xisaabtamo militariga madaxdooda siiba Gen Abdel Fattah al-Burhan oo afgembiga horkacayey.

    Heshiiska kuma jirto in isbedelo lagu sameeyo dhinaca ammaankadad badana waxay ka welwelsan yihiiin in ciidamada weli ay aad u awood badan yihiinoo ay awoodaan in ay hor istaagaan hannaankii loogu socday Dimoqraadiyadda

  16. Daqliga Shirkadda Apple's iPhone oo hoos u dhacay

    IPHONE
    Qoraalka sawirka, IPHONE

    Shirkadda sameysa Apple's iPhone ayaa sheegtay in daqliga soo gala uu hoos u dhacay in ka badan 11% sanadba sanadka xiga sababtoo ah shibaato dhinaca wax soo saarka oo ku timid wershadda ay ku leeyihiin dalka Shiinaha .

    Shirkadda Foxconn ayaa sheegtay in xannibaadda Coronavirus ee la saaray wershaddda oo ku taalla Zhengzhou ay keentay in daqligu hoos u dhaco qiyaastii 30% intii u dhaxaysay bilalaha Oktober iyo November .

    Foxconn waxay sheegtay in ay rajeyneyso in shirkadda ugu weyn caalamka ee soo saarta Iphone is ay sis ii waddo wax soo saar buuxa Bishan dhammaadkeeda ama horraanta sanadka dambe

  17. Caasimadda iyo magaalooyinka Muhiimka ah ee Haiti oo ay gacanta ka hayaan kooxo hubeysan oo maliishiyaad ah

    HAITI
    Qoraalka sawirka, HAITI

    Kooxaha Xuquuqda aadanaha ee dalka Haiti ayaa u sheegay BBCda in kooxo burcad ah ay haatan gacanta ku hayaan in ka badan kala bar caasimadda dalkaa iyo hareeraheeda .

    Dadka u ololeeya xuquuqda ayaa u sheegay BBCda in boqolaal qof lagu dilay rabshado la xiriira burcadnimo bilihii uu dambeeyey ,iyadoo kumanaan kalena ay ka baxsaden magaalada

    Hay’adaha Gargaarka aya sheegaya in jidadka gala ama ka soo baxa magaaalo madaxda Port au Prince ay burcaddu gacanta ku hayaan.

    Xiisadda ayaa sii xumaanaysay tan iyo markii la dilay madaxweynaha dalkaas Jovenel Moise.Sanadkii hore

    Rai’iisul wasaaraha Haiti Ariel Henry ayaa weydiistay caalamku in aygacan siiyaan dalkiisa .

    Afhayeen u hadlay mucaaradka Doctor Jean Buteau, ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan Haiti

    Dowlada shaqeyneysa ayaa meesha ka maqan iyadoo dadkuna ay dhibaatada ku laba laabantay ..

    In ka badan kala dadka oo ah 4.7 milyan oo Haitiyaan ah ayaa haatan wajahaya gaajo aad u daran ..

    Magaalada waxaa ku gaajeysan 20 kun oo qof , sida ya sheegtayyy aramada Midoobay , sidoo kalena duucaaunka ayaa meelaha qaar ka jira.

    Dadka waxaa waddooyinka laga afduubtaa aroortii xilliga shaqada ay u ocdaankuwo kalena casarkii iyo xilliga maqribnimada.

    Baarlamaankii dalkaas ma shaqeeyo, madaxweynaha sanadkii hore ayaa la dilay , dowlad rasmi ahana lama hayo iyadoo ra’iisul wasaaraha haatan uu yaahay nin aan awood laheyn ..ciidankuna hataan waa sii howlgabeen

  18. Qaraxyo ka dhacay gudaha Ruushka

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, PLANET LABS PBC

    Dhowr qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen qaraxyo ka dhacay labo salhdig militari oo Ruushka ku yaalla.

    Taangi shidaal ayaa qarxay waxaana ku dhintay saddex qof iyadoo ay ku dhaawacmeel lix kale, qarax ka dhacay meel u dhow magaalada Ryazan, koofur-bari Moscow, sida ay ku warrantay warbaahinta Ruushka.

    Labo qof oo kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay saldhig militari oo ku yaalla gobolka Saratov.

    Lama oga waxa sababay qaraxyada. Labada goobood ayaa boqollaal kiilo mitir u jira xadka Ukarine.

    Gantaallada riddada dheer ee Ruushka ayaa la rumeysan yahay inay ku jireen saldhigga ku yaalla Saratov.

  19. Muqdisho: Mid ah ka mid ah ganacsatadii maanta meheradahoodii xiray oo la hadlay BBC

    Maanta waxa xirnaa mehradaha iyo dukaamada ku yaala wadada u dhaxeysa isgoysyada Sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdsho.

    Ganacsatada ayaa ka cabanaya inay waayeen cid wax ka iibsata, kaddib markii ciidamada amaanku xireen isu socodka gaadiidka wadada hormarta xarumahooda ganacsi.

    Wadadan ayaa muddo ku dhaw labo billood, waxay ciidamada dawladdu ka celinayeen gaadiidka dadweynaha iyaga oo aan sheegin sababta sidaas loo sameeyay.

    Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa wareystay Mowliid Axmed Iimaan oo kamid ah ganacsatada meharadaha ku leh inta u dhaxeysa Sayidka iyo Dabka.

    Qoraalka Codka, .
  20. Xayiraado Midowga Yurub ku soo rogtay shidaalka Ruushka oo lagu wado inay dhaqan galaan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaa lagu wadaa inuu dhaqan galo xayiraado Midowga Yurub ku soo rogtay shidaalka Ruushka.

    Waxaa sidoo kale la filayaa inuu dhaqan galo in 60-dollar lagu jaangooyo barmiilkiiba shidaalka Ruushka.

    Tallaabadan ayaa waxaa Jimcihii ku heshiiyay Midowga Yurub, dalalka hodanka ah ee G-7 iyo Australia.

    Waddamada ree Galbeedka ayaa doonaya inay inay xaddidaan awoodda Moscow ay ku sii wadi karto duullaanka ay ku hayso waddanka Ukraine.

    Reer galbeedku waxa ay rajaynayaan in ay yareeyaan awooda Moscow ee ah in ay dagaal ku qaadaan Ukraine. Laakiin cunaqabateynta waxaa gaashaanka u daruuray Kremlin-ka looga arrimiyo Ruushka. Ukraine ayaa dhankeeda se soo dhaweysay tallaabada Midowga Yurub.