Itoobiya oo 2027 marti-gelineysa shirka cimilada ee COP32

Xigashada Sawirka, Getty Images
Itoobiya ayaa sheegtay Talaadadii inay martigelin doonto shirka cimilada ee Qaramada Midoobay ee COP32 ee sanadka 2027, taasoo meesha ka saaraysa dalab ka yimid Nigeria si ay u hesho door saameyn leh oo u oggolaanaya inay qaabayso ajandaha iyo natiijooyinka shirka.
Doorashada degdegga ah ee martigelinta sanadka soo socda ee COP31 ayaa weli ah mid aan la xalin, si kastaba ha ahaatee, iyadoo labadaba Australia iyo Turkiga ay ku tartamayaan.
Waddamada COP martigeliyay waxay qaataan door madaxtinnimo taasoo u oggolaanaysa inay dejiyaan yoolalka shirwaynaha oo ay soo bandhigaan arrimaha cimilada iyaga u gaarka ah, iyo sidoo kale mowqif muhiim ah oo lagu xalliyo khilaaf kasta oo ka dhasha wada xaajoodyada.
Kulan loo dhan yahay oo sanadkan ka dhacay dalka Brazil, Itoobiya ayaa xaqiijisay in dalalka Afrikaanka ah ay ku adkeeyeen in shirweynaha 2027 lagu qabto caasimaddeeda Addis Ababa, sida ay markii ugu horreysay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters Isniintii.
"Waxaan si qoto dheer uga mahadcelinaynaa aaminaadda iyo kalsoonida la siiyay shacabka iyo dowladda Itoobiya," ayuu yiri danjiraha Itoobiya u fadhiya Brazil, Leulseged Tadese Abebe, oo ka hadlayay shirka guud ee COP30.
"COP32 ayaa door weyn ka ciyaari doona hagidda ficilka cimilada tobankan sano ee muhiimka ah."
Shirmadaxeedka COP waxaa si wareegto ah loogu qabtaa gobollada aduunka go'aankuna waa inuu noqdaa mid ay ku midaysan yihiin dhamaan waddamada gobolka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Go'aanka ayaa weli u baahan in si rasmi ah loo gaaro, laakiin tan hadda waxaa loo arkaa mid rasmi ah.
Shirka sanadkan waxaa lagu qabanayaa magaalada Amazon ee Belem. Xulashada martigelinta sanadka soo socda ee kooxda "Galbeed Yurub iyo kuwa kale" ayaa hakad ku jiray muddo bilo ah, iyada oo aan Turkiga iyo Australia midkoodna taageereyn.
Australia waxay gudbisay dalabkeeda COP31 iyadoo la kaashanaysa Jasiiradaha Baasiifigga, kuwaas oo ka mid ah meelaha ugu nugul adduunka ee isbeddelka cimilada.
Waddamada ku jira kooxda Galbeedka Yurub ayaa lagu boorriyay Isniintii inay sida ugu dhakhsaha badan u xalliyaan khilaafkooda. Haddii aan la xallin karin, shirka waxaa lagu qaban doonaa Bonn, Germany, halkaas oo hay'adda cimilada ee Q.M.
"Waa inaan sameynaa, laakiin ma doonayno," Xoghayaha Dawladda Jarmalka ee Wasaaradda Deegaanka Jochen Flasbarth ayaa u sheegay suxufiyiinta.
Isbeddelka cimilada iyo Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhaqdhaqaaqyada bani'aadamku waxay sababaan in heerkulka adduunka uu sare u kaco, taasoo khatar weyn ku ah dadka iyo deegaanka.
Arrimuhu waxay u badan tahay inay ka sii daraan tobannaanka sano ee soo socda, laakiin saynisyahannadu waxay ku doodayaan in tallaabo degdeg ah ay weli xaddidi karto saamaynta ugu xun ee isbeddelka cimilada.
Qaaradda Afrika ayaa qaaradaha kale ee caalamka uga nugul isbaddalka cimilada ee haatan laga dareemayo adduunka.
Sida ay sheegayaan khubarada cilmi Sayniska, arrintaasi ayaa loo aaneynayaa afar arrimood oo ay ka mid yihii:
- Bulshada ku nool Afrika ayay inta badan nolashooda ku tiirsan tahay cimilada maadaama nolasha boqolaal milyan oo qof oo Afrikaan ah ay ku tiirsan tahay roobka.
- Cimilada qaaradda oo aan isku mid ahayn aadna u kala geddisan, arrintaa oo sababtay in isbaddalka cimilada Afrika laga fisho waxyaabo badan oo la yaab leh.
- Heerka isbadalka cimilada ee laga filan karo qaaradda Afrika ayaa ah mid baaxad leh oo ballaaran. Koonfurta iyo woqooyiga Afrika ayaa ah labada meelood ee caalamka oo dhan haatan la filayo in roobabkii ka di'i jiray ay aad u yaraadaan.
- Ugu dambeyn, heerka la qabsiga iyo u dulqaadashada isbadalkaasi cimilada ayaa ah mid aad u hooseeyo marka loo fiiriyo dunida inteeda kale; saboolnimo ayaa la degtay dad badan, halka dowladuhuna ay ku guuldarreysteen in arrintan isbadalka cimilada ay muhiimad gaar ah siiyaan.













