Faa'iidada iyo dhibaatada ay leedahay cirbadda la isku caateeyo

Cirbadda la isku caateeyo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cirbadda la isku caateeyo

Daawooyinka miisaanka lumiya waxay sare u qaadi karaan dhaqaalaha iyagoo ka caawinaya dadka aadka u cayilan inay dib ugu soo laabtaan shaqada, sida ay sheegtay dawladda Ingiriiska.

Laakiin khubaro ka socota Nidaamka Caafimaadka Qaranka (NHS) ayaa ka digay in tirada bukaannada doonaya dawooyinkaan ay aad u badan yihiin taasina ay culeys ku kordhin karto adeegga caafimaadka.

Sidee daawooyinku u shaqeeyaan sideese waxtar u yeelan karaan?

Waxaa jira laba nooc oo daawooyin ah oo lagu iibiyo suuqyada 'semaglutide' oo magaca astaanta u ah ee lagu iibiyo uu yahay Vegovi iyo 'tirzepatide' oo lagu iibiyo magaca Monjaro.

Semaglutide waxaa sidoo kale loo isticmaalaa daaweynta sonkorowga, Ozempic.

Vegovi iyo Monjaro waxaa loo qaataa cirbad ahaan si asbuucle ah kadib marka jirka lagu sameeyo qaliin, cirbadahaan ayaana laga yaabaa in lagu mudo gacanta qaybteeda sare, bowdada iyo caloosha.

Daawooyinka ayaa sii daaya hormoon lagu magacaabo glucagon, peptide-1 (GLP-1) kaas oo ka shaqeeya xakamaynta rabitaanka cuntada.

Hormoonkaan waxa lagu sii daayaa mindhicirka marka wax la cuno ka dib waxa uu dadka dareensiiya dhereg.

Monjaro waxaa kale oo ay saamaysaa hoormoon kale kaas oo ku tiirsan gulukooska lagu magacaabo insulinotropic polypeptide (GIP), kaas oo saameeya shaqada jirka kana caawiya nidaaminta dheelitirka tamarta jirka.

Dadka qaata daawooyinkan waxay caadi ahaan bilaabaan inay miisaankooda lumiyaan dhowr toddobaad gudahood.

Tijaabooyin caafimaad ayaa muujinaya in isbeddelada cuntada iyo jimicsiga, kuwa isticmaala Vegovi ay lumin karaan ilaa 10 boqolkiiba miisaankooda hal sano gudaheed.

Cirbadaha lagu dhimo miisaanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cirbadaha lagu dhimo miisaanka
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tijaabooyinka qaar ayaa muujinaya in kuwa isticmaala Monjaro ay lumiyaan miisaan badan.

Vegovi hadda waxa kaliya oo laga heli karaa NHS-ta England, Wales iyo Scotland, laakiin Monjaro ayaa noqon karta mid la heli karo dhawaan.

Vegovi waxaa lagula taliyaa dadka isticmaalaya inay yihiin kuwo iska dhimaya miisaan dheeraad ah, dadka u qalma in daawadaan ay qaataan ayaa ah kuwo la kulmay dhaqaatiir ayna yihiin kuwo miisaankooda saa'id yahay.

Dadka wadne xanuunka qaba, ee aadka u buuran ama dhexdhexaadka ah, ayaa sidoo kale la siin karaa dawadaan.

Bukaan socodka waa inay raacaan qorshe cunto oo gaar ah waana inay sidoo kale jimicsi sameeyaan, marka loo eego tilmaamaha NHS, dawadan waxaa la siin karaa laba sano oo keliya.

Ra'iisul wasaare Keir Starmer ayaa BBC-da u sheegay in kaniiniga cuntada xaddida ee la siiyo dadka aadka u buuran ee aan shaqada tagin ee UK ay muhiim u tahay dhaqaalaha dalka iyo caafimaadka bulshada.

Laakiin khubarada miisaan dhimista ayaa ka digay in NHS-ta ay horeba uga yaraatay sahayda daawadaan.

Cirbaddaan waa in loo isticmaalo oo keliya qayb ka mid ah qorshe daaweyn oo dhammaystiran.

Kaniiniyada miisaan dhimista si gaar ah ma loo heli karaa? lacagtoodana waa intee?

Labada daawo waxaa laga iibsan karaa suuqyada, daawooyinkaan ayaana laga heli karaa dukaamada waaweyn, farmashiyeyaasha iyo rugaha caafimaadka waddooyinka qaarkood.

Qaliinku inta badan qiimihiisu wuxuu u dhexeeyaa £200 iyo £300, taas oo ku xiran inta uu le'eg yahay.

Daawadaan waa in aan laga iibsan ilo aan sharciyeysnayn.

Baaritaan ay BBC-da samaysay bishii Nofeembar 2023 ayaa lagu ogaaday in iibiyeyaasha internetka ay dawo ahaan u iibinayeen 'semaglutide' iyada oo uusan dhakhtar qorin.

Daawada ayaa sidoo kale laga helay goobaha la isku qurxiyo ee Manchester iyo Liverpool.

Waa maxay dhibaatooyinka ka dhasha cirbadaha miisaan dhimista?

Cirbadaha miisaan dhimista

Xigashada Sawirka, Sawirada Getty

Qoraalka sawirka, Dhibaatooyinka ka dhasha cirbadaha lagu dhimo miisaanka

Dadka cirbadaha isku duro waxaa laga yaabaa inay la kulmaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin lallabbo, matag, dhiig bax, calool istaag, iyo shuban, sidoo kale dadka qaar ayay timaha ka daataan.

Inta badan dhibaatooyinka ka dhasha cirbadaha ayaa la xakameyn karaa waqti ka dib. Dadka qaar ayaa sheegaya inay joojiyeen isticmaalka dawada waxyeelada ay leedahay awgeed, waxaana dhici karta halis ku timaada kaadiheysta iyo kelyaha.

Waxa ay khubaradu ka digayaan in dawooyinkani ay sababi karaan dhibaatooyin halis ah haddii si khaldan loo isticmaalo.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in la arkay dhibaatooyin halis ah oo nafta halis gelin kara sida caabuqa xameetida.

Taasi waa sababta ay khubaradu u sheegeen in daawadan la isticmaalo oo keliya ka dib marka lala tashado dhakhtarka.

Maxaa dhacaya haddii aad joojiso isticmaalka kaniiniyada dhimista miisaanka?

kaniiniyada dhimista miisaanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maxaa dhacaya haddii aad joojiso isticmaalka kaniiniyada dhimista miisaanka?

Waxaa jirta khatar ah in miisaanku dib u soo laabto haddii la joojiyo daawooyinka miisaanka lumiya, sababtoo ah joojinta daaweynta waxay sababi kartaa rabitaan ah inaad ku soo noqoto qaab nololeedkaaga caadiga ahaa.

Taasi waa sababta ay khubaradu ku talinayaan in dadku beddelaan cuntada iyo jimicsiga oo ay xoojiyaan caadooyinka wanaagsan xilliga daaweynta.

Wasiirka caafimaadka Wes Streeting ayaa ka digay khatarta ah in la sameeyo "dhaqan ku tiirsanaanta" daawooyinkan.

Cilmi baaristu waxay muujinaysaa in dadka ay ku kororto miisaan dheeraad ah sannad gudaheed marka ay joojiyaan daawooyinka.

Waa maxay caafimaad qabka BMI, muxuusa yahay cayilka?

Qofka jirkiisa uu ku badanyahay dufanka iyo baruurta waxaa loo yaqaan buurni.

Waxaa lagu qiyaasaa dadka Ingiriiska ee qaangaarka ah afartii qofba mid ka mid ah uu buuran yahay.

Habka ugu badan ee lagu kala saaro miisaanka dadka waa in la xisaabiyo tusmada cufka jirkooda ama BMI, waana mid lagu ogaan karo marka miisaanka qofka ee laba jibbaaran loo qaybiyo dherarkiisa.

Inta badan dadka waaweyn, xiriirka ka dhexeeya BMI iyo miisaankooda ayaa ah sida soo socota:

  • Kuwa ka hooseeya 18.5 - Ayaa ah kuwo ku jira miisaanka ugu hooseeya
  • 18.5 ilaa 24.9 - Waxa ay ku jiraan miisaan caafimaad leh
  • 25-29.9 - Waa kuwo ku jira heerka miisaanka sare
  • 30 ilaa 39.9 - Ayaa ah kuwo ku jira heerka buurnaanta
  • 40 ama ka badan - Waxa ay ku jiraan heerka buurnaanta sare
  • Dadka Aasiya, Shiinaha, Bariga Dhexe, Afrikada madow ama Afrikada Carbeed waxay u baahan yihiin inay isticmaalaan dhibcaha BMI hoose si ay u cabbiraan miisaanka iyo buurnaanta:
  • 23-27.4 - miisaanka sare
  • 27.5 ama ka badan - Miisaankaaga ayaa kaa weyn

BMI waxay leedahay xaddidaadyo dhowr ah, sababtoo ah miisaanka la qiyaasay, maaha baruurta.

Tusaale ahaan, dadka murqaha badan waxay yeelan karaan BMI sare xitaa iyaga oo aan lahayn heer sare oo dufan jireed ah.