Haweenay muddo raadinaysay waalikeed oo ogaatay in aabaheed uu saaxiib kula ahaa Facebook

Georgia

Tamuna Museridze, waxay u neefsatay si qoto dheer markii ay rabtay inay samayso wicitaan ay muddo ku taamaysay ka dib markii ay ogaatay inay ahayd mid la soo korsaday.

Ugu danbay markii ay awood u yeelatay inay tixracdo haweenay ay aaminsan tahay inay noqon karto hooyadedii dhashay, waxay kale oo ay ku baraarugsanayd inay tani noqonayn dhammaadka dib sheekadda midowga ah ee caadiga ahayn.

Laakiin waxa aynan filayn ayaa ahaa in dhanka kale haweeyanayda ay telefoonka kula hadlaysay ay ahayd mid xanaaqsan oo dhaxamaysan.

“Waxay bilowday inay codka kor u qaado, iyadoo ku qaylinaysa inaysan waligeedba wax ilma aysan dhalin. Mana aysan rabin inay ma qasho wax aniga igu saabsan” Tamuma oo dib u milicsanaysa ayaa sharaxaysa inay la yaabtay jawaabta in ka badan intii ay xanaaqi lahayd.

“Waxaan u diyaar garoobay wax walba, laakiin falcelintiisa waxay ka waynayd wax kasta oo aan qiyaasi karayn."

Markii Tamuna, oo 40 jir ah, ay taleefan u dirtay hooyadii iyada dhashay bishii Agoosto, waxay ogaatay inay suuragal tahay in hooyadeed aysan dooneyn inay nolosheeda ku jirto, laakiin ma ayna rabin in ay arrinta halkaas kaga harto. Waxay rabtay inay ogaato xaaladdaha ku gadaaman koriimadeedi. Waxaana jiray hal shay oo muhiim ah oo ay hooyadeed siin kartay kaas oo ahaa magaca aabaheed.

Baadigoobka Tamuna, wuxuu bilowday sanadkii 2016-kii, iyadoo kala hagaajinaysa guriga hooyadeed oo dhimatay, way argagaxday markii ay heshay warqadii dhalashada oo uu ku yaalla magaceeda laakiin uu khaldan yahay taariikhada dhalashada, markaas ayey ku bilabaatay shakiga ah inay ahayd qof la soo korsaday.

Ka dib markii ay cilmi baaris sameysay, waxay abuuratay koox Facebook ah oo loo yaqaan Vedzeb, ama "Waxaan raadinayaa," iyadoo rajaynaysay inay hesho waalidkii iyada dhalay.

Hase yeeshee, taas beddelkeeda, waxay kashiftay musuqmaasuq ku saabsan ka ganacsiga carruurta ee Georgia, kaas oo saameeyay kumanaan nafood sanado badan.

Waalidiinta ayaa lagu khiyaameyey iyagoo aaminsan in caruurtay yaryar ee ay dhaleen ay dhinteen kadibna carruurtaas la iibiyo.

Tamuna, waa wariye shaqadeedu ay isku keentay boqolaal qoysas, inkastoo ilaa hadda aysan awooddin inay xalliso sirta asalkeeda iyo inay isweydiisay haddii iyadana la xaday markay ahayd ilmo.

“Waxaan ahaa wariyaha sheekadan, laakiin waxay sidoo kale ahayd howlgal ii gaara”

Tamuna
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Horumarka raadinteeda ayaa yimid xagaagii, markii ay heshay fariin loo soo mariyey kooxdeeda Facebook. Waxay ka timid qof ku nool miyiga Georgia, oo sheegtay inay garanaysay hweenay uur qarisay oo ku dhashay Tbilisi bishii Sebtembar 1984.

Taasi waxay ahayd qiyaastii wakhtiga ay Tamuna dhalatay, taariikh ay si fagaare ah sheegtay.

Qofkaas ayaa aaminsanaa in haweeneydaasi ay tahay hooyada dhashay Tamuna, waxa muhiimka ah ayaa ahaa inay siisay magaceeda.

Tamuna, ayaa isla markiiba ka eegtay dhanka Internet-ka, balse markii ay wax ka weyday, waxa ay go’aansatay in ay facebook soo dhigto taleefoon ay ku weydiineyso in uu jiro qof yaqaan.

Haweeney ayaa si dhaqso ah uga jawaabtay, iyadoo sheegtay in haweeneyda qarisay uurka ay tahay eedadeed. Waxayna Tamuna ka codsatay inay tirtirto qoraalka, laakiin waxay ogolaadeen inay sameeyaan tijaabo DNA.

Intii ay sugaysay natiijada, Tamuna waxay wacday hooyadeed.

Todobaad ka dib, natiijadii baaritaanka DNA-da ayaa soo baxday, taasoo tilmaamaysa in Tamuna iyo haweeneyda Facebook-ga kala xirirtay ay runtii ilmo adeer ahaayeen. Sida cadaymuhu muujiyeen.

Tamuna, waxay ku guulaysatay inay hooyadeed ku qanciso inay runta qirto oo ay u sheegto magaca aabaheed. Wuxuu ahaa nin lgu magacaabi jiray Gurgen Khorava.

"Labadii bilood ee hore waxay ahaayeen kuwo naxdin leh, ma rumaysan karin in waxan oo dhami ay iigu dhacayan.," ayay dib u xasuusataa, "Waa rumaysan kari waayay inaan helay iyaga."

Markii Tamuna, heshay magaca Gurgen, waxay si degdeg ah isku dayday inay isaga ka raadiso Facebook. Waxaa soo baxday in sheekada Tamuna uu isagu kala socday Baraha Bulshada, sheekadeedan waxaaa si ballaaran looga ogaa gudaha Georgia.

Tamuna, waxay sii naxday markii ay ogaatay in aabaheed ay muddo saddex sano ah uu ka mid ahaa liiska dadka ay saaxiibka ku ahaayeen Facebooga. Wuxuu ahaa isagu mid aan ogayn inuu qeyb ka yahay sheekadeeda.

“Anigu xitaa ma ogayn inay hooyaday ay uur lahayd” ayey ti Tamuna. "Waxay isaga xitaa ku ahayd la yaab weyn.”

Waxay si dhakhso ah u qorsheeyeen inay ku kulmaan Zugdidi, magaalada uu ka soo jeedo ee ku taalla galbeedka Georgia, oo qiyaastii 260 kiiloomitir oo u jirta Tbilisi, halka iyadu ku nooshahay.

Tamuna

Markii ay dib u milicsato, Tamuna, waxay u maleyneysaa inay ahayd xaalad naxdin leh, laakiin markay u sii socotay albaabka beerta Gurgen, waxay dareentay degenaansho la yaab leh.

Markii uu ku soo baxay Gurgen, oo 72 sano jir ah, waa la isku booday kadibna intii ay hakiyeen is laab galinta ayuu midba kan kale eegay isagoo dhoola cadaynaya.

"Waxay ahayd wax la yaab leh, isla markii uu i eegay wuxuu ogaaday inaan ahay gabadhiisa," ayay dib u xasuusataa. "Waxaan lahaa shucuur badan oo isku dhafan," ayey tiri Tamuna.

Waxay qabtay su'aalo badan oo aanay garanaynin meesha ay ka bilaabi lahayd. " Waan wada fariisanay annagoo midba kan kale eegayey iyo inaan isku dayno inaan helo wax na mideeya” ayey tiri.

Labadoodu markii ay wada hadleen waxay garteen inay wadaagaan wax badan oo xiiso leh.

Tamuna

Gurgen, wuxuu hoorrey u ahaa qoob ka ciyaare caan ah oo ka tirsan Georgia State Ballet, wuxuuna ku faraxsanaa inuu barto gabadhaha ay dhashay gabadhiisa Tamuna, gabdhaha uu awooha u yahay.

“Labadooduba waxay jecel yihiin in la jaaso, ninkayga xittaa sidaas oo kale” ayey tiri iyadoo dhoola cadaynaysa.

Gurgen, wuxuu ku casuumay qoyskiisa oo dhan gurigiisa si ay ula kulmaan Tamuna oo uu baray koox badan oo qaraabo cusub ah sida gabdho walalaheed ah, kuwo ilmo abti yihiin iyo ilma adeeradeed. Qoysku waxay isku raaceen inay si xooggan isugu egyihin.

“dhammaan carruurtiisa, waxaan ahaa qofka ugu eg aabahay” ayey tiri Tamuna.

Waxay wada qaateen galab dhan iyagoo wadaagaya sheekooyin, cunaya cunto dhaqameed Georgian ah, isla markaana heesaya, Gurgen-na wuu ciyaarayey.

Inkastoo ay Tamuna la kulantay aabaheed, wali waxaa jira shaki korsiimo. Sida kumamnana kale oo Georgiyan ah kuwaas oo laga xaday hooyooyinkood xilligii dhalashada lana iibiyey.