Cayilka Xad dhaafka ah: Labo waxyaabood oo cayilka sababa, si fududna la isaga ilaalin karo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hay'adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa ka digtay in carruurta iyo dadka waaweynba ay cayilka u sababaan cuntooyinka lagu dalbado telefoonnada iyo ciyaaraha dhinaca online-ka.
Warbixin ay soo saartay hay'adda ayaa lagu sheegay in cayilka uu kusii badanayo dalal ka mid ah qaaradda Yurub.
Ma jiro waddan ku yaalla Yurub oo ay ka yaraanayaan tirada dadka sii cayilaya ilaa laga gaadho sanadka 2025-ka, sida ay hay'addu shaacisay.
Waxaa lasoo tebiyay in 60% ka mid ah dadka waaweyn iyo saddex meelood meel ka mid ah carruurta ay haysato dhibaatada cayilka, arrintaas oo uu sii xoojiyay cudurka safmarka ah ee corona.
Hay'adda Caafimaadka adduunka ayaa ku talisay in la xaddido iibinta iyo suuq gaynta cuntooyinka aan caafimaadka lahayn ee ay carruurta isticmaalaan iyo in la dhimo qiimaha raashinka caafimaadka leh. Sidoo kale waxay hay'addu ku talisay in dhammaan dadka lagu dhirrigeliyo inay jimicsi sameeyaan.
WHO ayaa xogteeda ku saabsan cayilka ee sanadka 2022-ka ku sheegtay in Yurub ay gaartay heer la mid ah kii cudurka safmarka ah maadaama Mareykanka oo kaliya uu uga sarreeyo tirada dadka cayilka la dhibaatoonaya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qiyaastii 1.2 milyan oo dhimasho ayuu sanad walba cayilka ka sababaa gudaha qaaradda Yurub, sida ay qiyaastay hay'addu, taasoo ah 13% ka mid ah tirada guud ee dhimashada ee sanadkii ka dhacda qaaraddaas.
Waxaa intaas sii dheer in sanad kasta uu cayilka horseedo in dad gaadhaya 200,000 oo ruux uu ku dhaco cudurka kansarka, marka la eego Yurub oo keliya.
Jirka oo culayskiisu bato, baruurtuna ay xad dhaaf ku noqoto waxaa ka dhasha cudurro badan oo ay ka mid yihiin 13 nooc oo kansar ah, sokorowga iyo xanuunnada sambabbada. Warbixinta ayaa lagu sheegay in xitaa uu dadka qaar u sababo curyaannimo.
Hans Kluge, oo ah agaasimaha heer gobol ee WHO u qaabilsan Yurub ayaa sheegay in cayilka uusan lahayn wax xuduud ah.
"Isdhex gal wayn ayaa ka jira dalalka goboleenna, balse dhibaatada isku mid ayay u haysataa. Hase yeeshee waan baddali karnaa waddada uu ku socdo cayilka innagoo dhisayna barnaamijyo caafimaad," ayuu yidhi.
Heerka laga qaaray tiknoolijiyadda iyoadeegyada aaladaha casriga ah ayaa saamayn ku yeeshay dabeecadaha raashin cunidda ee qaaradda Yurub, sidaas awgeedna warbixintan waxay ku baaqaysaa in arrintaas si gaar ah isha loogu hayo.
Barnaamijyada telefoonka ee loo yaqaanno apps-ka ee lagu dalbado raashinka ayaa kaalin wayn ka qaata cunto cunidda xad dhaafka ah iyo isticmaalka raashinka ay ku badan yihiin sokorta iyo xayrta.
Daraasad horay looga sameeyay waddanka Britain ayaa muujisay in cunista raashinka diyaarsan uu qofka ka heli karo ilaa 200 oo calories maalin walba, marka la barbar dhigo raashinka lagu diyaariyo gudiga.
Laakiin warbixinta Qaramada Midoobay ee la hor geeyay Golaha Midowga Yurub ayaa sidoo kale lagu sheegay in adeegyada online-ka loo isticmaali karo dhanka fiican oo ah in lagu dalbado raashinka caafimaadka leh.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Arrinta labaad ee cayilka keenta waa ciyaaraha online-ka ee fadhiga badan laga dhaxlo, waxaana lala xiriiriyay cayilka ku badan carruurta, maadaama aysan dhaqdhaqaaq samaynin inta ay ciyaarahaas ku mashquulsan yihiin.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa aaminsan in tiknoolojiyadda qudheeda loo adeegsan karo horumarinta jimicsiga jirka iyo kan maskaxda ee dhallinyarada reer Yurub.
Saamaynta uu cayilka ku yeeshay Yurub
Waxaa la il daran:
8% ka mid ah carruurta ay da'doodu ka yar tahay 5 sano.
29% ka mid ah carruurta ay da'doodu u dhaxayso 5 ilaa 9 sano.
25% ka mid ah dhallinyarada u dhaxeeya 10 jir ilaa 19 jir.
Dalalka qaar, sida Britain, waxaa laga hirgeliyay shuruuc loogu talo galay in lagula dagaallamo cayilka. Tusaale ahaan makhaayadaha ayaa lagu khasbay in ay raashinka laga iibsado ku caddeeyaan tirada baruurta iyo sokorta ee laga heli karo.
Waxaa sidoo kale jira qorshe telefishinnada looga mamnuucayo xayaysiimaha lagu sameeyo raashinka ay sokortu ku badan tahay. Haddii sharcigan la hirgeliyo waxaa telefishinnada mamnuuc ka noqon doona inay xayeysiimaha noocaas ah sameeyaan waqti ka horreeya 9pm ee fiidnimo.












