Dad dhaqan ka dhigtay in malaayin qof ay cunto ku hor cunnaan

Xigashada Sawirka, Empics
Weliggaa ma maqashay qof ay daawanayaan malaayin qof xilli uu cunteynayo, waxaa uu qofka soo galaya muuqaal toos ah xilli ay hortaallo cunto badan, waxay dhaqan u noqotay dad badan oo ku nool Kuuriyada Koonfureed.
Inta badan dhaqamada qaar , marka ay dadka cunteynayaan waxaa la arkaa iyagoo la joogo qoysaskooda ama asxaabtooda si ay u wada shakeystaan.
Bal kawaran haddii aad goob gaar ah ku cunteyso adigoo malaayin qof ay ku daawnayaan?
Caadadan oo loogu magac daray 'Mukbang' waxay dadka dareema kalinimada isaga bixiyaan cidlada marka ay cunteynayaan.
Mukbang waa cuntada ugu horreysa
Muuqaalkan ayaa waxaa la bilaabaay sannadkii 2010-kii, waxaa ku sheekeystaa dadka cunteynayaa oo soo galaa muqaal toos ah.

Xigashada Sawirka, KKIMTHAI
Ereyga Mukbang waxaa uu kasoo jeedaa luqadda Kuuriya, waxaa loola jeedaa 'Cun', qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa waxay soo dhigaan muuqaal iyagoo cunteynayaa oo ka shekeynaya sheekooyin xiiso leh.
Waxaana kamid ah dadkaasi, xiddiga reer Kuuriya ee Banzz , waxaa muuqaalladiisa daawada malaayin qof halka boggiisa Youtube-ka ay ku xiran yihiin 3 Milyan oo qof.
Waxaa uu sameeyaa muuqallo xilli ay ag taallo cunto badan oo kala nooc nooc ah isagoo malaayin qof maddadaalinayo.
Ninkan ayaa waxaa uu qaata cunto badan muddo saacado ah.
Cunto-jaceylka
Cuntada waxay kaalin muhiim kaga jirtaa xoojinta dhaqanka Kuuriya.

Xigashada Sawirka, Valery Sharifulin
Dadka reer Kuuriya waxay leeyihiin cadooyin dhanka Internet-ka ah oo gaar ah oo ay kusoo bandhigaan baraha bulshada ama warbaahinta gaar ahaan soo bandhigidda dhaqanka soo jireenka ah ee cuntada jeceylka, sidaasi waxaa yiri Jeff Yang, oo ah nin dhaleeceeya dhaqamada dadka Aasiyaanka iyo Mareykanka.
Dadka qaar ayaa lacag ka sameeyaa
Cadooyinkan ayaa isku baddalay ganacsi uu qofka lacag kaga sameyn karo Internet-ka, waxay dadka qaar ka helaan muuqallada cuntooyinka $10,000 doolar bil kasta.
Waxay lacagta ka sameyaan inta qof ee daawata, xilli malaayin qof ay si weyn u jecel yihiin daawashada muuqaalladan noocan ah.
Dhaqanka qofka uu muuqaallada cuntooyinka tooska ah kusoo bandhigayo Youtube-ka ee oo ay bilaabeen dadka u dhashay Kuuriyada ayaa waxaa uu hadda caan ka noqday Mareykanka, waxaa ay bilaabeen dadweynaha Mareykanka inay sameystaan muuqaallo u gaar ah oo ay ku soo bandhigayaan cuntooyinka xilli uu qofka cunteynaya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Yelena Mejova oo ka tirsan jaamacadda Qadar ayaa waxay sheegtay in cuntooyinka lagu soo bandhigo luqad gaar ah oo ka turjumeyso dhaqanka bulshooyinka kasoo jeeda Kuuriyada.
La dagaallanka kelinimada
"Qaar kamid ah dadka kasoo jeeda Kuuriyada waxay saacado dheer ku qaataan kalinimo, waxay u baahan yihiin meel isku maddadaaliyaan" ayuu yiri Yang oo ka faalooda dhaqanka bulshooyinka ku nool qaaradda Aasiya iyo Mareykanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sannadkii 2017-kii, daraasad la sameeyay ayaa lagu sheegay in 5.6 milyan oo qof oo ku nool Kuuriyada Koonfureed ay ku nool yihiin guryaha kaligood.
Marka , waxaa dalkaasi ku badan dadka sida kalinimada ah ku nool.
Cunto siinta dadka
Muuqaalka loogu magac daray Mukbang, waxay cuntada ku dhiirogelinayaa dadka aanan sida badan cuntada u qaadan si ay sare ugu qaadaan dheelitirka cuntooyinka.
Gabdhaha soo bandhiga muuqaalladan ee cunteynayaa ayaa waxay ka daawasho badan yihiin midka ay soo dhigaan ragga.

Xigashada Sawirka, HyuneeEats
"Haweenka quruxda badan ayaa si weyn uga soo muuqdaa muuqaallada Mukbang, dhaqanka Kuuriyada Koonfured waxaa uu dhigaya in gabadha ay ahaato mid deggan oo ku adag dhaqankeeda" ayuu yiri Yang.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muranka ka dhashay arrintani
Dadka dhaleeceeya muuqaallada muujinayo dadka cunteynayaa ayaa waxay sheegayaan inay dhiiragelinayaan in dadka qaar ay qaataan cunnooyin xadh-dhaaf oo dhibaato ku yeelan karo caafimaadkooda.
Heerka cayilka dadka ku nool dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa sare u kacay oo waxay gaartay boqolkiiba 34.8 sida ku xusan daraasad lasoo bandhigay sannadkii 2016-kii, marka loo barbardhigo sannadkii 1998-kii oo heerka cayilka dalkaas uu gaarayay boqolkiiba 26.
Sannadkii lasoo dhafaay, wasaaradda caafimaadka ee Kuuriyada Koonfureed waxay shaaca ka qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo cuntooyinka badan ay dadka dalkaasi qaataan si loo siiyo tallooyin wax ku ool ah oo waxtar u leh caafimaadka.
Ha'yadda dhaqaalaha iyo horumarinta waxay saadaalisay in tirada dadka cayilan ee dalka Kuuriyada Koonfureed ay labo laabmi doonaan meesha lagu gaaro sannadka 2030-ka.
Dalkaasi, kumanaan qof ayaa baraha bulshada soo dhigaa muqaallo toos ah xilligga ay cunteynayaan.










