Ma dhici kartaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Al Shabaab sannad gudihiis uga takhaluso

Madaxweyne Xasan

Xigashada Sawirka, Reuters

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey Royal United Services Institute, London, ayaa sheegay in Soomaaliya oo dhan muddo hal sano ah looga saari doon kooxda Al-shabaab.

Dhamaadka sannadka soo socda ee 2024-ka oo ah waqtiga uu cayimay Madaxweyne Xassan Sheekh in dhamaan dalka looga saarayo Al -shabaab waa xiliga uu ku egyahay sharciyada ciidanka Midowga Afrika ATMIS oo la filayo inay ka baxaan waddanka.

Roobabka mahiigaanka ah iyo daadadkii ugu dambeeyay ee dadka badan ay ku dhinteen ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah dalka ay ayuu xusay Madaxweyne Xasan Sheekh in ay hakad ku keeneen dagaalkii socaday.

Markii dib loo soo doortay madaxweyne Xasan sheekh ayaa wuxuu ku dhawaaqay dagaalka ka dhan Al - shabaab oo gacanta xilligaas ku haysay qeybo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartaha Soomaliya, isaga oo xusay in hal sano dalka looga saari doono.

Al Shabaab

Xigashada Sawirka, Reuters

Xillgaas wixii ka dambeeyay Ciidamada xoogga oo kaashanaya maleeshiyaadka deegaanka ayaa qaaday dagaal cusub, ayga oo kooxda ka saaray magaalooyin badan oo horey gacanta ay ugu hayeen,walow markii danbe kooxda ay dib u qabsatay qaar ka mid ah magalooyinkii laga saaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Wajigii hore dagaalka kooxda looga qabtay magaalooyin Istaariiji ah oo ku yaal koonfurta iyo bartamaha, wuxuuna hadalkaas u jeediyey dadakii dhegeysanayey oo ajanabi u badnaa.

Horumarka laga sameeyay wajigii hore ee dagaalka ayuu sheegaya in uu ah mid “dhiirigalin leh”.

Wuxuu kaloo sheegay inuusan jirin wadahadal u dhaxeeya dawladiisa iyo kooxda Al Shabaab.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Howgalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ayaa istaagay tan iyo markii ay bilowdeen robabka mahiigaan .

Haddaba sidee ayay suurgal u tahay in Al shabaab dalka hal san looga saaro.

Axmed Cabdullahi Kaboole oo ka faalloodda arrimaha amniga oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in ay adag tahay in Al -shabaab dalka looga saaro halka sano ee madaxweynaha uu qabtay hadii aan wax laga baddelin qaabka dagaalku uu hadda u socdo.

"Ma aha wax macquul ila ah in Al Shabaab dalka looga saaro hal sano waayo waxaan oganahay in ay jiraan caqabado badan oo ay ka mid yihiin roobabka dalka da’ay iyo daadadka xoogga leh, khilaafka siyaasiga ah iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada oo aan mideeysan hadii ay yihiin kuwa jooga Puntland, Jubbaland iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri.

Ciidanka ATMIS ayuu sheegay haddii ay ka baxaan Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2024 -ka ayadoo aan Al shabaab laga saarin guud ahan waddanka ay dhici karto khatar weyn taas oo khasbi doonta in si kale loo wajaho Al Shabaab.

“Hadii ay ciidanka ATMIS baxaan marka la gaaro 2024-ka hadii aan la sameey sadex arrin midkood waxaa dhici doon khatar weyn oo sida Afgaanistaan oo kale ay suurt gal tahay in ay dhacdo hadii aysan daka Soomaaliyeed isku imaan xilgaas ka hor oo aysan heshiis ka gaarin arimaha ay isku hayaan oo aan xooggana la saarin dagaalka ka dhan ah Al shabaab” ayuu yiri Axmed Kaboole.