Muxuu u baahan yahay qof Soomaaliya jooga si uu qoys cusub u yagleelo?

Aroos

Xigashada Sawirka, Getty Images

Guurka waa midowga lamaane, hadafkoodu yahay in ay nolol wadaagaan, waana qeyb ka mid ah jiritaanka aadamaha. Waxaa jira caaddooyin iyo dhaqamo kala duwan oo ku sabsan guurka, balse bulshada soomalida guurka ,waa maalin farxad leh, qof walbana uu ku hammiyo inta uu nool yahay in uu mar uun gaaro.

Inkasta oo ay tahay hammiga qof walba in uu qoys cusub yagleelo hadana waxaa jira caqabado badan iyo dafuuro kala duwan oo hortaagan dhalinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahan, bulsho ku nool dal kasoo kabanaya colaad sokeeye, heerka shaqo la'aantuna ay tahay mid aad u sareeysa.

Hadaba qofka jooga soomaaliya muxuu u baahan yahay oo dhaqaale ah si uu u guursado?

BBC ayaa la hadashay dad kala duwan oo qaarkoodo dhawaan qoyeses cusub yagleelay, halka kuwa kalana ay ka shaqeeyaan huteellada, Carwooyinka alaabta guryaha la dhigto iyo goobaha dumarka lagu qurxiyo.

Mid ka mid ah dhalinayarada oo dhawaan qoyes cusub ku yagleelay Maagalada Muqidisho ayaa BBC u sheegay in guurka iyo dhaqaalaha ku baxay uusan ahyeen mid sahlan.

"Saaxiibow dhismaha reerka cusub marka la joogo soomaaliya waa kala duwan tahaya qof walbana sida uu isgu rabo ayuu u sameeysan karaa, balse aniga waxaa iga baxay dhismaha reerka lacaga badan oo ku dhawo 10’000 oo dollar," ayuu BBC u sheegay.

Aroos

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kala duwanaashaha guurka ee Soomaalia

Waxaa jira kala duwanaanasho ku sabsan dhaqaalaha ku baxa dhismaha qoyeseska cusub,waxaana taas ay ku xiran tahay heerka dhaqaale lamaanaha iscalmaday.

mid ka mid ah mulkiilayaasha carwooyinka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in ay kala duwan yihiin alaabta arooska oo ay jiraan kuwa qaali ah iyo kuwa qiimo ahan hooseeya.

„waa kala duwan tahay alaabta arooska loo gato, qaar qaali ah ayaa jira kuwa raqiis ahan waa iibina marka qofka midka isga awoodo ayuu gadanayaa ,kuwa qaaliga ee orjinaalka waa 1000, fadhiga halka jiifka uu ku dhawa yahay intaas oo kale”

Dhamaan dadka aan la hadlnayay ayaa isku raacsan in qarashka ku bixi kara yagleelida qoyes cusub ee soomaliya ay u dhaxeeyna karto ,100’00- kun ilaa 5 kun oo dollarka Mareykanka ah, oo ay ku jiraan,dhaman wax walba ,sida alaabta guriga ,soorayada,damaashadka habeenka arooska iyo qurxinta caruusada,wallow ay jir karaan dad intaas ka yar ay ka baxado.

Abshir Axmed Geedi oo k mid ah masuuliyiinta xarunta hormarinta qoyseska ee Guryosamo ayaa BBC u sheegay in qarashka dhisamaha qoyes cusub ay ku xiran tahay „qanacsanaanta labada qof iyo kala duwanaanashaha Goballada dalka ee qiimaha alaabaha „

Qoys

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sidee dhismaha qoysas badan uu qeyb ugu yahay faqriga ka jira Soomaaliya

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya oo ku sabsan heerka saboolnimada iyo sinaan la,aanta bulshada 54.4 dadka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin heerka ugu hooseey faqriga ayga maalinkii isticimaal wax ka yar 2 dollar ,taas oo ka dhigan in sanadkii qofka Soomaliga ah uu isticmaalo lacaga dhan $754 .

warbixinta waxay daaha ka qaaday 78.4 boqolkiiba dadka reer guuraaga ah ay yihiin ugu saboolka .

Warbixinta waxaa lagu iftiimiyay in uu jiro xariir u dhaxeeya kororka qoyeska Soomaalida ay qeyb ka tahay farqiriga ayda oo qoyesaska caruurta badan dhalay ay ka saboolsan yihiin kuwa caruurta yar haysta .