Sida magaaladii ay nooleynayeen loogu dhex dilay ganacsatadii Dhuusamareeb

DHUUSOMAREEB

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA

Qoraalka sawirka, Labada Marxuun ee lagu dilay Dhuuso mareeb

Dilkii labada Sheekh ee Dhuusomareeb ka dhacay fiidnimadii Talaadada ayaa noqday mid argagax ku reebay bulshada.

Banaanbax lagu muujinayo sida looga xumaaday dilka labada nin ayaa maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. Shacab, ardeyda iskuulada iyo maamulka degmada ayaa isugu soo baxay goob fagaare ah.

"Dadkii xalay dhibaatada geystay, waxay dileen caasimadda Galmudug," ayuu yiri Gudoomiye degmada.

Sheekh Xasan Diirshe Cade Iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ahaa ganacstado aad looga yaqaanay deegaanadaas ayaa lagu tilmaamay dilkooda mid ka abuuray gobolka Galgaduud.

Labada marxuun ayaa lagu dilay meel ka baxsan xaruntooda, iyagoo wada socda ayaana raga dilka gaystay rasaas ku fureen.

Banaanbaxyo ayaa lagu qabtay garoonka ciyaaraha ee Dhuusomareeb kaas oo ay bulshadu ku muujiyeen sida ay ugu xun yihiin dilalka lagu beegsanayo dadka haldoorka u ahaa bulshada.

Dhuusamareeb

Xigashada Sawirka, .

Ganacsigooda Dhuusamareeb

Sida uu BBC-da u sheegay Cabdiqaadir Cali Maxamuud ‘Furre’ oo ah gudoomiyaha ganacsatada Dhuusomareeb, labada nin ee la dilay ayaa ku soo kordhiyey ganacsiga magaalada agabka guryaha iyo xafiisyada la dhigto kuwaas oo casri ah.

“Magaalada oo koraysay ilaa intii Galmudug si dhamaystiran u soo guurtay, waxaa ganacsigoodu ahaa mid isugu jiray agabka qurxinta xafiisyada iyo qalabka elektarooniga ah ” ayuu yiri Furre.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sidoo kale labada marxuun waxay hore ugu mid ahaayen ganacstada Gaalkacyo iyo Cadaado iyaga oo u soo guuray Dhuusomareeb markii maamulka Galmudug uu soo dagay caasimadiisa Dhuusmareeb.

Maxamed Xaaji Biir oo hore u soo noqday Wasiirkii arimaha gudaha ee maamulkii Ximan iyo Xeeb, saaxiibna ay ahaayen ragga la dilay ayaa BBC-da u sheegay in dilka labadan ganacsatada ah si isku mid ah looga dareemay deegaannada, Galmudug loona baahan yahay in looga falceliyo si wadajir ah, si looga baaqsado inay dib u soo laabtaan falkan oo kale.

Biir ayaa sheegay in ganacsade Sheekh Xasan Diirshe uu mudo dheer ku lahaa ganacsi magaalada Gaalkacyo oo ka mid ahayd meelaha dilalka aanooyinka ugu badan ay ka dhacaan. Wuxuu intaa ku daray in ay nasiib daro tahay in lagu bartilmaameedsado Dhuusomareeb oo ka mid ah magaalooyinka ugu amniga badan Galmudug.

Wuxuu intaas ku daray in hadda ay soo badanayaan dadka 'wax magaradka ah' ama 'daroogada isticmaala' ee bartilmaameedsanaya hal doorka bulshada, iyagoo u maraya aano qabiil ama kooxo danbiiyalaal ah.

Doorkoodii bulshada

Galinkii danbe ee shalay waxay labada marxuun qayb ka ahayeen shir ku saabsan sidii ganacstada Dhuusomareeb ay door uga qaadan lahaayeen sidii magaalada looga saari lahaa biyo badan oo ay dhigeen roobab xoog leh oo ka da’ay magaalada toddobaadyadi la soo dhaafay.

Waxa uu Furre xusay inay kaalimaha ugu horreeya kaga jiraan u gargaaridda bulshada, xilliyada masiibooyinku dhacaan, taageerida dadka nugul iyo u ololaynta horumarinta bulshada Dhuusomareeb.

“Xiligan aan joogno waxaa wali muuqda doorkoodii biyo saarka magaalada iyaga ayaana ka mid ahaa raggii ugu firfircoonaa si loo sameeyo kanaalo magaalada biyaha ka saara. Wax kasta oo looga baahdana waxay ahaayeen rag laga helo gurmad iyo gacan taakulaba” ayuu intaas raaciyey Gudoomiye Cabdirisaaq Furre.

Gudoomiyaha ganacsatada Dhuusomareeb waxaa kale oo uu sheegay in arintan ay ugub ku tahay magaalada, taasna saamayn ku yeelanayso ganacsiga iyo maalgashigii lagu samayn lahaa magaalada.

“Annaga ganacsatada ah waxay noo saamaynaysaa si xun, waana na xanuujisay waayo haddii falalka noocaan oo kale ah ay yimaadaan waa la kala shakinayaa, uma fiicna ganacsiga soo korayey” ayuu BBC u sheegay Furre.

Dhuusomareeb ayaa ka mid ha magaalooyinka biyo fadhiisidka leh marka la galo xili roobaadyada taas oo qorshaha hadda ee la doonayo in xal loogu helo ay qayb ka ahayeen labada ganacsade ee la dilay.

Maanta ayaa Sheekh Xasan Diirshe iyo Siciid Tahliil Maxamed lagu aasay degmada Cadaado, wararkuna waxay sheegayaan in aan la hayn raggii dilkooda ka dambeeyey.