Trump miyuu guulaystay? Goormee ayaa natiijada doorashadaaa la shaacinayaa

Donald Trump ayaa la saadaalinayaa in uu saddex ka mid ah 7-da gobol ee muhiimka ah ku guuleysan doono doorashada madaxtinimo ee dalka Mareykanka, taas oo ka dhigan in uu qarka u saaran yahay in uu dib ula wareego Aqalka Cad.
Natiijooyinka la saadaaliyay ee saddexda gobol ee kala ah - North Carolina, Georgia iyo Pennsylvania - ayaa imaanaya iyadoo saadaashu waxay muujinaysaa in ugu yaraan hal gobol oo kale uu u janjeero dhanka madaxweynihii hore ee Jamhuuriga.
Wali waxaa wakhti ka dhiman yahay xilligii la heli lahaa natiijada tartanka Trump iyo Kamala Harris.
Natiijooyinka waxa loogu dhawaaqaa gobol-gobol, BBC-dana way idinla socodsiinaysaa hadba sida ay wax u socdaan.
Maxaa ka dhacaya gobolada aan codkoodu dhinacna jirin?
Tartanku waxa ay natiijadiisu soo dhawaanaysaa hadba sida ay u soo baxdo natiijada todoboda gobol ee aan codkoodu dhinacna jirin, kuwaas oo ka hor maalinta doorashada khubarada aaminsan in Harris ama Trump midkood uu guulaysan karo ay sii saadaalinayaan cidda guuleysanayesa.
Soo banbixidda ayaa aad u badneed maalmihii bilwoga codeynta hadii ay yihiin kuwa dadku is arkayaan iyo kuwa dhanka email ka ahba, iyada oo gobolada qaar la dhaafay rikooro hore.
Waxaa xusid mudan in codadka weli la tirinayo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira saadaalino muujinaya sida codbixinta goboladan muhiimka ah ay u socoto.
- Donald Trump waxaa loo saadaaliyay in uu ku guulaysto:
- North Carolina, oo ah gobolka ugu horeeyay ee ka tirsan kuwa todobada ah.
- Georgia, oo uu si dirqi ah ugu guulaystay Biden sanadkii 2020
- Pennsylvania, oo ah natiijooyinka xoogaa waqti ah qaadan doonaan
Teump ayaa u muuqda in uu ku horeeyo:
- Wisconsin, oo ah meel iyadana natiijada guudi waqti qaadato
Tartanka ayaa aad ugu dhow:
- Michigan, oo aan natiijada rasmiga ah la filaynin ilaa dhamaad malinka arbacada ah
- Arizona, oo ah natiijada guudi qaadan karto maalmo
- Nevada, oo iyana natiijada guudi maalmo qaadan karto
Tani maxay ka sheegaysaa waqtiga la rajeynayo natiijada?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Guusha Donald Trump ee la saadaaliyay inuu ka gaarayo saddexda gobol ee aadka loogu loolamay ayaa ka dhigeysa mid ku sii siqaya inuu ku guuleysto doorashada.
Tartannada madaxtinimo ee qaar, musharrax guulaysta ayaa lagu dhawaaqaa goor dambe oo habeenka doorashada ah, ama subaxda dambe.
Natiijooyinka ayaa lagaga dhawaaqay gobollo badan oo uu ka dhacay tartan aad u adag si ka dhaqsi badan sidii ay u saa daaliyeen warbaahintu - taas oo u sahashay warbaahinta in ay guul saadaaliyaan Trump ama Harris.
Laakiin waxay qaadan kartaa maalmo ama xitaa toddobaadyo in natiijada ugu dambeysa ee doorashada oo faahfaahsan si rasmi ah loogu xaqiijiyo gobol kasta.
Caqabado sharci ayaa sidoo kale suurtagal ah in ay soo ifbaxaan. In ka badan 100 dacwadood ayaa horay loo gudbiyay, inta badan Jamhuuriygu waxay ku doodayaan in ay isu qalmaan cod-bixiyaasha iyo tirada codadka.
Tirintu waxay qaadan kartaa wakhti, iyadoo loo baahan doono in la hubiyowarqadaha cod bixinta iyada lana barbar dhigo tirada codbixiyayaasha saxda ah. Dhamaan warqadaha ayaa hubin lagu sameyn doonaa.
Dhanka kale, tirinta codadka ayaa sare u kacday meelaha qaar, waxaana ka mid ah meelahaas muhiimka ah ee Michigan, tiro yar oo codad ah ayaa lagu soo diray boostada marka loo eego doorashadii ugu dambeysay, oo ahayd xilligii uu jiray cudurka faafa ee Covid.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump ma madaxweynaa?
Guuleystaha doorashada ayaa loo dhaarin doonaa xilka madaxweynaha kadib caleema saarka oo dhici doona maalinta Isniinta, 20 ka Janaayo 2025.
Balse Intaa ka hor, cod kasta oo ansax ah ayaa la hubin doonaa in lagu daro natiijada kama dambaysta ah, sidoo kale nidaamka loo yaqaano electoral college ayaa isna la soo bandhi doonaa.
Gobol kasta waxaa lagu guuleysan karaa tiro kala duwan oo codadka doorashada ah. Waxa ay ka duwan tahay tan codbixiyaasha oo ah tan go’aamisa cidda madaxweyne noqon doonta.
Muxuu yahay nidaamka electoral college, sideese u shaqeeyaa?
Si guud, goboladu waxa ay ku abaal mariyaan codkooda electoral college ka ciddii ku guulaysta doorashada, waxaana go’aan laga gaari doonaa 17 December oo kulan uu dhici doono.
Kaidb, golaha cusub ee Congress ka ayaa waxa uu kulmi doonaa 6 Janaayo si uu u tiriyo codadka electoral college ka, una xaqiijiyo cidda madaxwaynaha ah.
Kadib doorashadii 2020 kii, Trump waa uu diiday in laga guulaystay isaga oo u sheegay taageerayaasha in ay ku banaanbaxaan xarunta Congress ka Maraykanka ee Capitol halkaas oo ii uu goluhu ku cadeynayay guusha Biden.













