Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Mareykanka oo natiijadeeda la filayo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ku dhawaad dhammaan gobollada ayaa hadda la xiray goobahooda codbixinta, oo ay ku jiraan gobollada ku yaal Xeebta Galbeed. Goobaha codbixinta ee hadda furan ayaa kala ah Hawaii iyo Alaska oo keliya.
Hadda, Donald Trump wuxuu u muuqdaa inuu ku horreeyo saddex ka mid ah lixdii gobol ee aadka loogu lollamayay sida ay muujinayaan natiijooyinka ilaa hadda laga soo sheegayo gobollaadaas: waxa ayna gobolladaas kala yihiin Georgia, North Carolina iyo Pennsylvania.
Dhanka kale, Kamala Harris ayaa ku horreeysa Michigan, inkastoo kaliya 19% codadka gobolkaas la tiriyay ilaa hadda, iyo Arizona, oo ah meesha kala bar codadka la tiriyay. Waxay sidoo kale ku hormartay Wisconsin.
Trump wuxuu ku guuleystay North Carolina doorashooyinkii 2016 iyo 2020.
Ma jiro mid ka mid ah gobolada aadka loogu loollamyo oo ilaa hadda la saadaaliyay, taasoo la macno ah inay wali aad ugu dhowdahay inay wax badan is badalaan, tirada ay illaa hadda kala haystaan hogaamiyayaashan ayaa si degdeg ah isu bedelaysa daqiiqad kasta.
Waxay u muuqataa in Donald Trump iyo Kamala Harris ay ku guuleysteen gobollo laga filaayay inay helaan, iyadoo natiijada kama dambaysta ah ay ku xiran tahay toddobo gobol oo la isku haysto.
Harris ayaa hogaanka tiro aan badnayn ku haysa codadka dumarka reer Maraykan ay dhiibteen. Codbixiyayaasha madowga waxay taageero badan u muujinayaan Kamala Harris, iyadoo in ka badan siddeed ka mid ah tobankii qofba ay u codeeyeen Harris. Halka dadka caddaanka ah codadka la tiriyay 71 boqolkiiba ay u codeyeen Donald Trump.

Murashaxa hela ugu yaraan 270 cod oo ka mid ah 538-da codka doorashada ayaa noqonaya madaxweynaha. Codadkan ayaa waxaa loo kala qeybiyaa 50-ka gobol iyo Washington DC.
Tobanaan malyan oo codbixiyaaal ah ayaa codkooda ka dhiibanaya guud ahaan dalka Maraykanak maantay oo Talaado ah.
Laakin natiijada doorashada oo ay ku jirto haddii ay Kamala Harris ama Donald Trump uu noqon doono madaxweynaha ma noqon doonana mid rasmi ah ilaa iyo inta codadka laga tiriyo oo laga xaqiijiyo taas oo maalmo qaadan doonto in lasoo dhameystiro.
Goobaha codibixinta ee ugu horreeya ayaa xirmi doona 18:00 EST (2:00 Habeenimo saacada Afrikada Bari) gobolada qaarkood ee codbixinta Talaadada, laakiin tirinta codadka ayaa saacado ka badan intaas la kordhin doonaa inta badan gobollada.
Doorashooyinka Congress-ka iyo Senate-ka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cod-bixiyayaasha Mareykanka ayaa sidoo kale maanta go’aan ka gaari doona cidda maamuli doonta Congress-ka, iyadoo codbixintu ay muujineyso isbeddel suurtagal ah oo ku yimaada labada aqal.
Dhammaan afarta boqol iyo shan iyo soddonka kursi ee golaha wakiilada iyo afar iyo soddonka kursi ee golaha guurtida ayaa loo tartamayaa.
Falanqeeyayaasha ayaa saadaaliyay in Jamhuurigu ay fursad fiican u haystaan inay dib u soo ceshadaan Senate-ka, halkaas oo Dimuqraadiyiintu ay haystaan aqlabiyad yar.
Laakiin waxay lumin karaan Kongareska , halkaas oo Dimuqraadiyiintu ay u baahan yihiin kaliya inay ku guuleystaan 4 kursi si ay dib ugu soo ceshadaan xukunka. (Natiijadu waxay u badan tahay inay go'aan ka gaari doonaan tiro yar tartamaaysha ah.
Laakiin waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa sida ugu fudud ee madaxweynaha soo socda uu awood ugu yeelan karo in uu maamulo, ugu yaraan ilaa inta laga gaarayo doorashooyinka soo socda ee Kongareska ee 2026).













