Maxay tahay dhibaatada caafimaad ee Taabuuga oo shixnad ka mid ah ay dawladda Soomaaliya gubtay

Booliska Soomaaliya, ayaa maanta shaaciyay in meel fagaare ah lagu gubay 250 kartoon oo daroogo ah.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan,oo magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa'id ayaa sheegay in daroogadan la gabtay ay hore u soo xukuntay maxkamad, isla markaana dadkii lagu qabtay ay xabsiyada ku jiraan.
"Waa 250 kartoon maxkamadda ayaa soo xukuntay in la gubo eedeysanayaashii lagu xukmay xabsiga ayay ku jiraan, xeerarka iyo waxa ay mareena xeer ilaalinta ayaa sheegi doonta" ayuu yiri Gaashaanle Cabdifitaax .
Gaashaanle Cabdifitaax ayaa digniin u jeediyay ganacsatada ku howlan arrimaha daroogada oo uu sheegay in tallaabo sharciga waagaqsan ay ka qaadi doonaan.
"Waxaan leeyahay ganacsatada Soomaaliyeed waa la soo jeedaa, waynu soo jeednaa, ganacsatada Soomaaliyeed kuwooda canshuurta hagaagga u bixiya ee qaranka Soomaaliyeed garab taagan kuma jirtaan mar walba eedda waxaa iska leh shaqsiga mudan, ninkii ganacsadaha ahaa ee hantidaas lahaa ee soo gaday 250 kartoon muxuu ka faa'iiday"?
Maxay tahay tubaakada Taabuuga?
Daroogada la qabtay ee maanta la gubay waxaa ka mid ah nooca Taabuuga, dadka qaar-na ay u yaqaanaa buurida ama tubaakada.
Taabuuga waa nooc ka mid ah tubaakada aan qaaca lahayn, waxaa loo yaqaannaa Chewing Tobacco (tubaakada la calaliyo), ama Snustobbacco iyo Smokeless tobacco.
Tubaakada la calaliyo waa mid caan ah oo ka mid ah kuwa aan qiiqa lahayn, wuxuuna isticmaalkeedu ku badan yahay bulshooyinka qaaradda Aasiya.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa la sheegay in isticmaalkiisa uu ku batay dhalinyarada Soomaalida, oo rag iyo dumarba isugu jira, Sida uu BBC-da u sheegay Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed (Jalaaludiin) agaasimaha isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.
Waa tubaako afka la gashto, laakin tubaakada caadiga ah ayaa wuxuu uga duwan yahay muuqaalka iyo dhadhanka, wuxuuna ku jiraa bac sijil ah, wuxuu shabbahaa nacnaca, wuuna ka jaban yahay tubaakada ama sigaarka, waxaa sahlan in qof walba uu iibsado.
Cabdirashiid Ismaaciil oo ah Xeerilaaliye ku xigeenka Qaranka oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in halista daroogadan nooca Taabuuga ay xitaa gaartay goobaha waxbarashada.
"Taabuuga oo maanta xukunka ku dhacay fulintiisa aannu u taaganahay waad maqasheen waxay gaartay ila ardaydii iskuulaadka wax ku baranayay inay isticmaalaan oo loogu geeyo goobihii waxbarshada, loogu geeyo jaamacadaha, loogu geeyo bajaajleyda"" ayuu yiri Mr Cabdirashiid.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxay tahay saameynta caafimaad ee Taabuuda?
Taabuuga waa nooc ka mid ah Tubaakada waxaana noocan laga laga isticmaala dalal badan.
Dr Cismaan Cali Gaboose ayaa sheegaya in saameyn caafimaad oo fara badan ay leedahay tubaakada Taabuuga.
Waxaa uu farta ku fiiqay halka sigarka uu saameeyo Sambabka in Taabuuga uu saameeyo caafimaadka afka.
"Sagaarka iyo tubaakada la dhuuqo samaeyntiisa iyo kansarka waxay ku dhacaan sambabada, tubaakada caadiga ah ee qofka uu daanka gashanayo waa midda aan qiiqa lahayn, iyadu kansarka iyo dhibaatooyiiin badan bay keentaa" ayuu yiri Dr Gaboose.
Dr Gaboose ayaa xusay in Taabuuga ama tubaakada la calalaiyo ay keento kansarka ku dhaca afka, taasi oo ah halis caafimaad oo aad u xun.
"Dhibaatooyinka ay keento tubaakadan iyo kansarka ka dhasha waxaa weeye mid qofka ku dhaca, halka uu qofku isticmaalo, qofku daanka ayuu gashanayaa marka kansarka ay keento waa kansarka afka," ayuu intaa ku daray.
Dr Cismaan Cali Gaboose ayaa sidoo kale xusay in Tubaakada tabuuga uu dhibaato dhanka nadaafadda afka ah ay keeno.
"Dhibka kale ee ay keento waxaa ka mid ah nadaafada afkii ayadoo qofka saameyn ku yeelata, taasi oo qofka caafimaadka ilkihiisana ay saameyn ku yeelanaysa oo burbrinaysa, quruxdii ilkahana saameyn ku yeelanaysa" ayuu yiri Dr Gaboose.













