Wax ka ogow dayaarad dagaal oo ka qaalisan bamka Nukliyeerka

Diyaarad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Diyaaradda Boeing B-29 ayaa ahayd tii ugu xoogga badnayd ee bambooyinka xambaari jirtay dagaalkii labaad ee Adduunka, waxuuna dhismaheeda ka qaalisanaa bambaanooyinkii Nukliyeerka ahaa ee ay tuurtay. Waxa kale oo ay gacan ka gaysatay horumarinta diyaaradaha rakaabka ee maanta la isticmaalo.

Waxay ahayd laba sano ka hor weerarkii Japan ee Pearl Harbor ee Maraykanka qaaday. Balse ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa baadi goobayay diyaarado cusub oo ay u adeegsadaan weerarka.

Waxa xigay horumarinta "Superbomber", oo awood u leh in ay duusho ilaa 2,000 mayl (3,200km) markiiba iyo joog sare ee aan hore loo gaarin.

Diyaaradii ay sameeyeen waxay ku tuurtay bambooyinka atomiga Hiroshima iyo Nagasaki, waxayna ugu dambeyntii soo afjareen dagaalkii labaad ee aduunka.

Waxa kale oo ay gogol xaar u ahayd horumarinta gaadiidka cirka oo ay maalin walba isticmaalaan diyaaradaha rakaabka ah.

Tani waa sheekada ku saabsan sida diyaaradda oo qiimaheedu ka badan yahay mashruuca Manhattan oo dhan - B-29 Superfortress - ay u beddeshay adduunka.

Waxay ahayd Janaayo 1940 markii ciidamada cirka ee Maraykanka (USAAC) ay ka codsadeen shan shirkadood oo diyaaradood oo Maraykan ah inay sameeyaan bam ka weyn wax kasta oo dunidu horey u aragtey.

In kasta oo Maraykanku aanu weli gelin dagaalkii labaad ee adduunka, haddana dagaal baa ka socday Yurub: Jarmalkii Nazi-ga ahaa iyo Midowgii Soofiyeeti ayaa ku soo duulay Poland oo kala qaybiyey bilo ka hor. Maraykanku waxa uu ogaa in ay lagama maarmaan tahay in colaadda uu ku lug yeesho.

Diyaaradda uu Maraykanku rabo waa in ay ka dheerayso diyaarad kasta oo la sameeyo. Taasi waxay noqotay caqabad weyn, xitaa waddanka ugu weyn warshadaha adduunka.

Labada shirkadood ee la weydiistay inay dhisaan diyaaradda, Douglas iyo Lockheed, ayaa lagu qasbay inay ka tagaan qaar ka mid ah mashruucyadii ay hore u hayeen. Boeing, si kastaba ha ahaatee, waxay ahayd safka hore, iyada oo billowday in ay ka shaqeyso mashruuc gaar ah oo la mid ah mid dhowr sano ka hor la sameeyey.

Diyaaradii khalkhal galisay miisaaniyada Maraykanka

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Naqshadeynta Boeing B-29 ayaa ugu dambeyntii ku guuleysatay tartanka USAAC, laakiin waxay qaadatay afar sano oo kale ka hor inta aan diyaaradda, oo loo yaqaan B-29 Superfortress, aysan soo gelin suuqa.

Waxa uu ahaa mashruucii ugu qaalisanaa uguna qallafsanaa ee warshadaha Maraykanku waligood qabtaan oo aan dhaafin barnaamijyadii hawada sare ee 1950kii iyo 1960kii. Waxayna ku riixday tignoolajiyada hawada sare xaddi kama dambeys ah.

Mashruucii B-29 ayaa ahaa kii ugu qaalisanaa dagaalka oo dhan – qiimihiisuna ku dhow yahay 50% waa ka badan mashruucii Manhattan ee lagu curiyay bambaanooyinkii ugu horeeyay ee atomiga.

Haddii qiimaha maanta la barbar dhgo, laga bilaabo nashqadaynta ilaa dhammaystirka, waxay ku kici kartaa lacag u dhiganta $ 55.6 bilyan oo dolar.

Xawaaraha sare ee dayuuradaha weerarka ee dagaalkii labaad ee aduunka waxa ay ka dhigan tahay in dayuuradaha dagaalku ay haysteen ilbiriqsi kaliya si ay u burburiyaan bartilmaameedkooda.

Boeing waxay isu beddeshay naqshad cusub, oo rajo badan laga qabo.

Tiknoolajiyadu waxay ku jirtay cilmi-baaris ilaa 1920-meeyadii, laakiin diiradda waxaa la saarayay tijaabinta. Diyaaradda B-29 ayaa ahayd diyaaradii ugu horeysay ee dad badan soo saarto.

Qoryaha meelaha fog laga hago

diyaarad duqeyn fulinaysa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xawaaraha sare ee diyaaradaha weerarka ee dagaalkii labaad ee aduunka ayaa ka dhigan in diyaaradahan dagaalku ay heleen ilbiriqsi kaliya si ay u doortaan bartilmaameedka.

Sannadkii 1944-kii, diyaaradaha dagaalka ayaa si degdeg ah u horumaray. Qaybaha cadaadiska ee B-29 ayaa u oggolaaday naqshadeeyayaasha inay si hal abuur leh u fikiraan, waxayna la yimaadeen fikrad cusub: qoryaha meelaha fog laga hago.

Nidaam cusub oo kantaroolka gantaalaha ayaa xisaabiyay bartilmaameedka weerarka isagoo isticmaalaya radar akhrin kara heerkulka hawada isla markaana hagi kara dabka. Waxay ahayd markii ugu horeysay ee diyaarad leh awooddan oo kale la smaeeyo.