Diyaarad dagaal oo duuliyaha maskaxdiisa akhrin karta oo la soo wado

Diyaaradda Tempest

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xilligii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka diyaaraddii dagaalka oo ay Brtiain isticmaaleysay 'Step fire' ayaa ahayd mid xilligaa dunida ay la yaabbaneyd.

Duuliyeyaasha diyaaradahaasi waxay sheegi jireen sida xubin jirkooda ka mid ah oo ay dhaqaajiyaan oo kale inuu ugu fudud yahay maamulidda iyo duulinta diyaaraddaasi.

Balse duuliyeyaasha 2030-ka soo gaara waxay diyaaradahaasi la yeelan doonaan xiriir kaa ka sii fudud.

Diyaaradaha dagaalka ee jiilalka soo socdo oo sameyntooda haatan gacanta lagu hayo awaamiirta ay duuliyeyaasha ka qaadanayaan waxaa u dheer oo ay awoodaan dareenka duuliyaha iney maskaxdiisa ka akhriyaan.

Sameynta diyaaradda dagaalka ee 'Tempest' waxaa gacanta ku haya oo iska kaashanaya shirkadda BAES ee UK, Rolls-Royce, Shirkadda MDBA ee gantaalaha sameysa iyo shirkadda Talyaaniga ee Leonardo.

Diyaaraddan dagaalka ee casriga ah oo 2030-ka la howlgelinayo waxay diyaaradaha dagaalka ee kale ay dheer tahay nidaam u sahlaya xilliyada uu duuliyaha xaalad adag uu ku jiro iney caawimaad u fidiso.

Diyaaradda dagaalka

Xigashada Sawirka, Reuters

Koofida birta uu duuliyaha madaxa gashto ayey diyaaradda kala soconeysaa dareenka maskaxeed ee duuliyaha.

Tusaala ahaan haddii uu duuliyaha oo hawada ku jiro uu miir daboolmo teknooloojiyadda casriga ee diyaaradda ku rakiban ayaa duuliyaha kala wareegaya mas'uuliyadda hoggaaminta diyaaradda.

Shirkadda mas'uulka ka ah sameynta diyaaraddaasi waxay sheegtay diyaaraddan dagaalka tijaabada koobaad iney sameyneyso 2027-ka.

Xilliga duullimaadka tijaabada ay diyaaradda Tempest billaabeyso waxaa hareeraheeda soconaya diyaaradaha aan duuliyaha laheen oo xaalkeeda la soconaya.

Agaasimaha horumarinta mashruuca diyaaradda Tempest John Stoker wuxuu sheegay diyaaraddan cusub haddii loo baahdo barnaamijyada ay ku shaqeyso in wax laga baddalo ama la cusbooneysiiyo waxay u fududdahay sida qof taleefankiisa gacanta interneet ku xiriiriyey oo barnaamij kala soo degay oo kale.

Inta badanna diyaaraddaasi sameynteeda waxaa ka qayb qaadanaya Robot tira badan.

Shirkadda Mitsubishi ee laga leeyahay dalka Japan waxay sameyn haysaa diyaarad dagaal oo looga magacdaray Mitsubishi-FX.

Diyaarad dagaal

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Matoorka diyaaraddan waxaa sameynaya shirkadda Rolls-Royce oo matoorrada u sameysa shirkadda diyaaradaha Mareykanka ee Boing.

Dowladda Britain mashruuca lagu sameynayo diyaaradda Tempest waxay u qoondeysay 2 balyan oo gini, iyada oo lacagta mashruuca ay dhici karto iney sii korodho.

Maxaa looga baahday sameynta diyaaradda Tempest?

Waddamada ugu horreeya dhinaca diyaaradaha dagaalka waxaa lagu tilmaamaa iney yihiin kuwa isticmaalo diyaaradaha 'Typhoon'.

Diyaaradda Typhoon oo ay si wadajir ah u sameeyeen shirkadaha Air bus, BAEC iyo shrikadda Talyaaniga ee Leonardo. Waxaana difaaca hawadooda isticmaalo ciidamada cirka Britain, Jarmalka, Talyaaniga iyo Spain.

Xilligii diyaaraddaasi la sameynayeyna dowladda Britain waxay ku bixisay 12 balyan oo gini.

Diyaaradaha ay dib u iibisayna waxay Britain ka heshay dakhli dhan 21 balyan oo gini.

Diyaaradaha isticmaalaya nidaamka BAES maadaamaa si ay uga gaashaantaan caqabadaha ay 2040-ka la kulmi karaan ee dhinaca amniga waxay hindiseen iney diyaaraddan cusub oo teknooloojiydaha casriga ah adeegsaneyso ay sameeyaan.