Maxay madaxweynayaasha Ruushka iyo Shiinuhu ka wada hadleen?

.

Xigashada Sawirka, Sputnik/Pool via Reuters

Qoraalka sawirka, .

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa wadaxaajoodyo laba geesood ah ka bilaabay magaalada Beijing, xilli la joogo habeenka ka horreeya xaflad ciidan oo ballaaran oo ka dhici doonta caasimadda Shiinaha.

Putin ayaa ammaanay xiriirka labada dal, isaga oo sheegay inuu marayo heer aan hore loo arag.

"Saaxiib qaaliga ah, aniga iyo wafdiga Ruushka oo dhan aad ayaan ugu faraxsanahay inaan mar kale la kulanno saaxiibbadeenna iyo asxaabteena Shiinaha," ayuu Putin u sheegay Xi, sida lagu sheegay muuqaal uu baahiyey bogga rasmiga ah ee Telegram-ka ee Kremlin-ka.

"Isgaadhsiinteennu dhow waxay muujinaysaa dabeecadda istiraatiijiga ah ee xiriirka Ruushka iyo Shiinaha, kaas oo haatan maraya heer aan hore loo gaadhin," ayuu raaciyey.

"Markii horeba waan wada jirnay, welina waan wada jirnaa maanta."

Xi ayaa u sheegay Putin in "xidhiidhka Shiinaha iyo Ruushka uu ka gudbay imtixaanka isbeddellada caalamiga ah" – isaga oo ku daray in Beijing diyaar u tahay inay la shaqeyso Moscow si ay "u hormariso dhismaha nidaam maamul caalami ah oo caddaalad badan oo macquul ah." Waa sida ay hadalka u dhigeene.

Xi ayaa qorsheynaya inuu Arbacada martigeliyo dabaaldeggii ugu weynaa ee ciidan ee Shiinaha abid, kaas oo lagu xusi doono sannad-guuradii 80aad ee is-dhiibidii Japan ee Shiinaha dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Bishii May, Xi ayaa sidoo kale booqday Moscow si uu uga qayb galo xafladaha Ruushka ee lagu xusayay guushii ka dhanka ahayd Naasiyiinta.

Kulamada toddobaadkan ayaa imaanaya xilli uu Xi doonayo inuu muujiye awoodda Beijing ee heer caalami – ma aha oo kaliya inuu yahay dhaqaalaha labaad ee dunida ugu weyn, balse sidoo kale inuu noqdo miisaan culus oo diblomaasiyadeed.

Xi wuxuu xoogga saaray kaalinta Shiinaha ee ah saaxiib ganacsi oo la isku hallayn karo, xilli cunaqabataynta madaxweyne Donald Trump ee Maraykanka ay ruxday xidhiidhada dhaqaale ee caalamka.

Hadda, inkasta oo heshiis lala gaadho hoggaamiyaha Ruushka si loo soo afjaro dagaalka Ukraine uu wali ku taagan yahay Trump, haddana soo dhawaynta Xi ee Putin uu ugu sameeyey Beijing waxay muujinaysaa xidhiidhrkooda dhow.

Labada hoggaamiye ayaa horay u sheegay in xidhiidhka dalalkoodu uu yahay "saaxiibtinimo aan xad lahayn."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xi iyo Putin ayaa Isniintii ku dhaliilay dowladaha reer Galbeedka intii uu socday shir-madaxeedkaas, iyada oo Xi ku cambaareeyay "cabsi-gelin iyo xoog ku muquunin" ay wadaan dalal gaar ah – taas oo loo arkay tixraac qarsoon oo ku wajahan Mareykanka – halka Putin uu difaacay duullaanka Ruushka ee Ukraine, isaga oo ku eedeeyay reer Galbeedku inay sabab u ahaayeen dagaalka.

Labada hoggaamiye ayaa ku kulmay Golaha Shacabka ee magaalada Beijing Talaadadii, sida uusheegay telefishinka dowladda Shiinaha ee CCTV.

Wadahadallada ayaa daba socday shirkii Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) oo Xi uu martigeliyay Axadii iyo Isniintii, kaas oo ka dhacay magaalada u dhow ee Tianjin, halkaas oo uu ugu baaqay xubnaha inay "ka hortagaan fikirka dagaalkii qaboobaa, isbahaysiga colaadeed iyo dhaqanka cabsi-gelinta ah."

Putin ayaa sheegay in shir-madaxeedkaas– oo ay ka qayb galeen madaxda caalamka ee Hindiya, Iiraan iyo Pakistan – uu saka u dhigayo nidaamyo loogu beddelayo "nidaamyadii duugoobay ee reer galbeedaysnaa."

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sidoo kale ka qaybgeli doona dabaaldegga ciidan ee Arbacada, taasoo noqonaysa booqasho taariikhi ah, kadib markii uu xadka Shiinaha kasoo gudbay isaga oo ku safraya tareenkiisa khaaska ah Talaadadii hore.

Tani waa kulankiisii ugu horreeyay ee caalami ah oo dhinacyo badan leh. Sidoo kale waa markii ugu horraysay in hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi ahi ka qaybgalo dabaaldeg ciidan oo Shiinaha ah muddo tobanaan sano ah – markii ugu dambeysay waxay ahayd markii awoowgiis, aasaasihii Kuuriyada Waqooyi Kim Il-Sung, uu ka qayb galay 1959.

Inta badan hoggaamiyeyaasha reer Galbeedka looma filayo inay kasoo qaybgalaan dabaaldegaas, sababo la xidhiidhadiidmadooda ku aaddan duullaanka Ruushka ee Ukraine, kaas oo horseeday cunaqabataynta lagu soo rogay xukunka Putin.

Kim ayaa sidoo kale hub iyo ciidamo ku taageeray duullaanka Ruushka ee Ukraine.