Maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo lagu arkay meel u dhow Iiraan

Markabka USS Abraham Lincoln oo ku sugan Arabian Sea
    • Author, Richard Irvine-Brown
    • Author, Alex Murray
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

BBC Verify ayaa xaqiijisay goobta uu ku sugan yahay markabka diyaaradaha xambaara ee Mareykanka ee USS Abraham Lincoln oo u dhow dalka Iiraan, iyadoo adeegsanaysa sawirrada dayax-gacmeedka. Tallaabadan ayaa timid xilli Washington ay sii kordhinayso cadaadiska ay ku hayso dalkaas, iyadoo ka cabanaysa barnaamijkiisa milatari iyo howlgalkii dhowaan dadka lagu laayay ee ka dhanka ahaa dibad-baxayaasha.

Mas'uuliyiin ka kala socda Mareykanka iyo Iiraan ayaa lagu wadaa inay maanta oo Talaadado ah ku kulmaan dalka Switzerland si ay u yeeshaan wareeggii labaad ee wadahadallada. Iiraan waxay sheegtay in kulanku diiradda saari doono barnaamijkeeda nukliyeerka iyo suurtagalnimada in laga qaado cunaqabataynta dhaqaale ee Mareykanku saaray, halka Washington ay hore u muujisay inay doonayso in laga wada hadlo arrimo kale oo dheeri ah.

Markabka Abraham Lincoln, oo hoggaaminaya koox ka kooban saddex markab oo ah kuwa dagaalka ee gantaallada haga, wuxuu xambaarsan yahay 90 diyaaradood oo ay ku jiraan kuwa dagaalka ee F35, iyo shaqaale gaaraya 5,680 qof. Waxaa la soo sheegay in markabkan la geeyay gobolka Gacanka dabayaaqadii bishii Janaayo, balse illaa hadda laguma arag sawirrada dayax-gacmeedka. Waxaa hadda lagu arkay xeebaha dalka Cumaan, qiyaastii 700km u jirta dalka Iiraan.

Mareykanka ayaa sidoo kale la sheegay inuu u soo diray Bariga Dhexe markabka USS Gerald R Ford, kaas oo ah markabka dagaalka ee ugu weyn adduunka, waxaana la filayaa inuu gobolka gaaro saddexda toddobaad ee soo socda gudahood.

Gaaridda uu gaaray markabka Abraham Lincoln halkaas ayaa ku soo kordhaya waxa aan ka ognahay howlgalka milatari ee Mareykanku ka wado Bariga Dhexe dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, halkaas oo BBC Verify ay ku daba-gashay kororka maraakiibta dagaalka ee Mareykanka iyo diyaaradaha dagaalka ee ku soo qulqulaya gobolka

Bishii Febraayo militariga Mareykanka ayaa soo saaray sawirka kooxdii weerarka qaaday ee Lincoln ee ka dhacday Badda Carabta

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Bishii Febraayo militariga Mareykanka ayaa shaaciyay sawirka kooxdii weerarka qaadday ee Lincoln ee ka dhacday Badda Carabta

Waa maxay hantida milatari ee Maraykanku u raray Bariga Dhexe?

Sawirrada dadwaynaha loo soo bandhigay ee laga helay dayax-gacmeedyada European Sentinel-2 ayaa muujinaya markabka Abraham Lincoln oo ku sugan Badda Carabta, oo qiyaastii 150 mayl (240km) u jira xeebta dalka Cumaan.

Lama arkin tan iyo markii la sheegay inuu gobolka soo galay bishii Janaayo, balse waxa uu dhex marayay badda furan oo ay adag tahay in dayax-gacmeedku qabto. Agabka milatariga ee dhulka jooga ayaa aad u muuqda, waxaana inta badan lagu qabtaa sawirrada dayax-gacmeedka.

Tani waxay ka dhigan tahay inaan hadda sawirrada dayax-gacmeedka ku dabagalnay 12 markab oo Maraykan ah kuwaas oo jooga Bariga Dhexe: Abraham Lincoln, oo ah markab xambaara diyaaradaha oo ku shaqeeya quwadda nukliyeerka (nooca Nimitz-class), kaas oo ay weheliyaan saddex markab oo ah kuwa wax dumiya (Arleigh Burke class) oo dhamaantood ka kooban kooxda weerarka; lagu daray laba markab oo kale oo awood u leh inay ridaan gantaalaha riddada dheer, iyo saddex markab oo takhasus u leh dagaallada xeebaha u dhow oo hadda ku sugan saldhigga badda ee Bahrain ee Gacanka. Labo markab oo kale oo ah kuwa wax dumiya ayaa lagu arkay bariga badda Mediterranean-ka oo u dhow saldhigga Maraykanka ee Souda Bay, iyo mid kale oo ku sugan badda Cas.

Waxaan sidoo kale la soconnay dhaqdhaqaaqa diyaaradaha Maraykanka ee gobolka, halkaas oo aan ku aragnay koror ku yimid diyaaradaha dagaalka ee F-15 iyo EA-18 ee ku sugan saldhigga milatariga ee Muwaffaq Salti ee dalka Urdun, iyo kororka diyaaradaha xamuulka ee Maraykanka iyo kuwa shidaalka ku siiya hawada iyo kuwa isgaarsiinta ee u soo socda dhanka Bariga Dhexe iyagoo ka imaanaya Maraykanka iyo Yurub.

Sawirka Satellite-ka USS Abraham Lincoln oo ku sugan Arabian Sea

Sidee ayay Iiraan uga falcelisay?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa soo bandhigay sawirrada Abraham Lincoln oo ay garab taagan yihiin kuwa wax burburiya, diyaarado dagaal, diyaarado ilaalo ah iyo maraakiibta ilaalada xeebaha ee ku sugan badda Carabta, taasoo muujineysa awood ciidan lixdii Febraayo, taasoo Iiraan ay la kulantay bandhiggeeda awoodeed.

Maalintii Isniinta Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa dhoolatus badeed ka bilaabay marin-biyoodka Hormuz, oo ku yaalla gacanka u dhaxeeya Cumaan iyo Iran. Dhoolatuska ayaa lagu arkay Taliyaha guud ee IRGC Maj Gen Mohammad Pakpour oo kormeeraya maraakiibta badda ee ku sugan deked ka hor inta aan la arkin gantaalaha laga soo tuuray markab, wakaaladda wararka ee Tasnim ee xiriirka la leh IRCG ayaa sheegtay.

Marin-badeedka waxaa loo arkaa mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu muhiimsan adduunka iyo barta muhiimka ah ee marinka saliidda.

Qiyaastii shan meelood meel saliidda iyo gaaska adduunka ayaa mara marin biyoodka, oo ay ku jirto jasiiradda Kharg, oo ah meesha ugu weyn ee laga dhoofiyo saliidda Iran. Pakpour ayaa la arkayay isagoo ku dul heehaabaya jasiiradaasi diyaarad helicopter ah, warbixinta ayaa muujineysa dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay ee ciidamada Iiraan.