Ramadaanka iyo xaaladda reer Qasa iyadoo weli ay kala taagan yihiin Xamaas iyo Israa'iil

Qasa

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Israa'iil ayaa cunnada iyo shidaalka ka xannibtay inay galaan Qasa kadib markii wejigii kowaad ee xabbad-joojinta uu dhammaaday Sabtidii

Dadka ku nool dhulka Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in qiimaha cunnada uu sare u kacay tan iyo markii gargaarka la jaray maalintii Axadda, iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Boqollaal baabuur oo gargaar siday ayaa hadda ku xayiran Masar.

Israa'iil ayaa hakisay gargaarkii soo gali jiray Qasa , kaddib markii Xamaas ay diiday qorshe lagu kordhinayay wejiga koowaad ee xabbad-joojinta, kaasoo dhammaaday Sabtidii.

Xamaas ayaa sheegtay in Israa'iil ay ku qasban tahay inay fuliso wajigii labaad ee lagu heshiiyey ee heshiiska xabbad-joojinta, taasoo horseedaysa in la soo afjaro colaadda.

Afhayeen u hadlay dowladda Israa'iil, David Mencer, ayaa ugu baaqay Xamaas inay sii daayaan dhammaan la haystayaasha.

Waxaa uu ku andacooday in gargarka la soo gaarsiiyo Qasa cidda ku faa'idda ay tahay Xamaas oo uu xusay inay ku naaxeen.

Xamaas ayaa dhankooda ku eedeeyay Israa'iil in ay jabinayaan heshiiska xabbad-joojinta.

Warbixin muuqaal ah oo baraha bulshada la soo dhigay, ayuu sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas -- Osama Hamdan -- wuxuu ku eedeeyay Israa'iil inay ka shaqeynayso burburinta heshiiska.

Wajigii kowaad ee xabbad-joojinta wuxuu dhaqan-galay 19kii Jannaayo, wuxuuna ku ekaa Sabtidii. Wada xaajoodka wejiga labaad, oo looga gol lahaa in uu horseedo xabbad-joojin joogto ah, siidaynta dhammaan la haystayaasha nool ee haray iyo ka bixitaanka ciidammada Israa'iil ee Qasa, ayaa lagu waday in ay bilowdaan toddobaadyo ka hor, laakiin si dirqi ah ayay u bilowdeen.

Wajiga seddexaad ayaa loogu talagalay in lagu soo celiyo dhammaan meydadka haray ee la haystayaasha iyo dib u dhiska Qasa, oo la filayo in ay qaadato sanado badan.

Kumannaan gawaari sida gargaar ayaa geli jiray Marinka Qasa toddobaad kasta tan iyo markii xabbad-joojinta la isku raacay bartamihii Jannaayo.

Muxuu yahay wejiga labaad ee xabbad-joojinta?

Qasa

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Labo Falastiiniyiin ah ayaa la sheegay in militariga Israa'iil ay shalay ku dileen koofurta Qasa

Wejiga labaad, la haystayaasha soo haray - askarta iyo kaydka - waa la sii dayn doonaa, taas beddelkeedana sii dayn kale oo maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa dhaceysa.

Ilaa 1,000 maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa loo malaynayaa inay Israa'iil oggolaatay in la sii daayo, ilaa 190 ka mid ah waxay ku xukuman yihiin xabsi 15 sano iyo ka badan ah.

Sarkaal Israa'iili ah ayaa BBC-da u sheegay in kuwa dilka lagu xukumay aan laga sii deyn doonin Daanta Galbeed ee la haysto.

Inta lagu jiro marxaladan, Israa'iil waxay sidoo kale u oggolaan doontaa dadka barokacay ee hadda ku sugan koonfurta Qasa inay ku noqdaan waqooyiga.

Ku dhawaad ​​dhammaan 2.3 milyan ee shacabka Qasa ayaa ku qasbanaaday inay ka baxaan guryahooda dagaalka dartiis.

Maxaa dhacay 7 Oktoobar 2023 maxaase ka dhacay Qasa?

Xamaas

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Rag hubeysan oo Xamaas ka tirsan ayaa dilay ilaa 1,200 oo qof waxayna qafaasheen 251 weerarkii 7 October
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Boqollaal dabley ah oo ay Xamaas hoggaaminaysay ayaa 7 October 2023 weerar aan hore loo arag ku qaaday koonfurta Israa'iil, iyaga oo gudaha u galay xayndaabka xuduudka, waxaanay beegsadeen bulshooyin, saldhigyo boolis iyo saldhigyo ciidan.

Ku dhawaad ​​1,200 oo qof ayaa la dilay in ka badan 250 la haystayaalna dib ayaa loogu celiyay Qasa. Xamaas ayaa sidoo kale kumanaan gantaal ku riday Israa'iil.

Israa'iil waxay kaga jawaabtay olole millatari oo baaxad leh, oo ay ugu horreyay weerar cirka ah iyo duqeyn ka dibna waxaa dhacay duullaandhulka ah. Wixii markaas ka dambeeyay Israa'iil waxa ay weerartay bartimaameedyo ku yaalla Qasa oo dhan dhul, bad iyo cirba ah, halka Xamaas ay Israa'iil ku weerartay gantaallo.

Duullaanka Israa'iil ayaa burburiyay Qasa, wuxuuna horseeday cunno yari ba'an, iyadoo gargaarku uu la daalaa dhacayo sidii loo gaarsiin lahaa dadka aadka ugu baahan. In ka badan 46,600 oo qof - oo u badan dad rayid ah - ayaa lagu dilay weerarrada Israa'iil, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee Gaza.