Suleymaan Daa’uud: Arrin cusub oo laga ogaaday wiilkii ku dhintay markabkii dalxiis ee badda hoosteeda lagu la’aa
Suleymaan Daa’uud, oo ku dhintay markabkii Titan ee la weysanaa, ayaa hore usii qaatay qalabka Rubik's Cube, isagoo doonayay inuu rikoor jebiyo, sida ay hooyadiis u sheegtay BBC.
Wiilkan oo 19 jir ahaa ayaa codsi u diray Maamulka haya rikoorka Caalamka ee Guinness World Records, iyadoo aabbihiis Shahzada, oo isna dhintay, uu hore usii qaatay kaamiro si uu u duubo.
Christine Dawood iyo gabadheeda ayaa saarnaa Polar Prince, oo ah doontii caawineysay markabkan, markii uu soo baxay warka ah inuu lumay xiriirka Titan.
"Xilligaas ma aanan fahmin waxa loola jeeday – kaddibna halkaas ayay ka bilaabatay," ayay tiri.
Wareysigeedii ugu horreeyay, ayay Mrs Dawood ku sheegtay inay qorsheyneysay inay raacdo ninkeeda si ay usoo aragto burburka markabkii Titanic, balse safarkooda la baajiyay sababo la xiriira xanuunka Covid.
"Kaddib dib ayaan u istaagay waxaana siiyay waqti ay ku diyaariyaan Suleymaan, sababtoo ah aad ayuu u doonayay inuu baxo," ayay tiri.
Sida Suleymaan iyo aabbihiis Shahzada Dawood, saddex qof oo kale ayaa ku dhintay markabka: Stockton Rushoo ahaa 61 jir madax ka ahaa OceanGate oo iska lahayd markabka Titan, ganacsadaha Britain u dhashay ee Hamish Harding, oo 58 jir ahaa, iyo Paul-Henry Nargeolet, oo 77 jir ahaa, una dhashay dalka Faransiiska, khabiirna ku ahaa badda iyo kaxeynta maraakiibta.

Mar ay ka hadleysay Mrs Dawood wiilkeeda ayay sheegtay in Suleymaan uu aad u jeclaa Rubik's Cube heer uu meel walba u qaato, isagoo ku xallin jiray 12 seken gudahood.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Wuxuu yiri, 'Waxaan Rubik's Cube ku xallin doonaa 3,700 mitir badda hoosteeda gudaha Titanic'."
Suleymaan wuxuu ahaa arday dhigta Jaamacadda Strathclyde ee Glasgow, UK. Ganacsade Shahzada Dawood, oo u dhashay Britain, wuxuu ka mid ahaa qoysaska ugu taajirsan Pakistan.
Qoyska, oo ay ku jirto gabadhooda Alina oo 17 jir ah, ayaa saarneyd doonta Polar Prince.
Mrs Dawood waxay sheegtay inay hab siisya ninkeeda iyo wiilkeeda kaddibna ay wada kaftameen kahor inta aysan gelin markabka Titan.
"Dhabtii waan u faraxsanaa labadooda, sababtoo ah dhabtii muddo dheer ayay doonayeen inay sidaas sameeyaan," ayayt tiri.
Mrs Dawood ayaa ninkeeda ku tilmaantay mid aad u daneyn jiray adduunka – nin qoyskiisa ku qancin jiray markay casheeyaan kadib inay daawadaan barnaamijyo adduunka laga soo sameeyay.
"Wuxuu lahaa awoodda sida farxadda ay dareemaan carruurta," ayay tiri.
Mrs Dawood iyo gabadheeda ayaa sii saarnaa doonta Polar Prince iyadoo ay socdeen baaritaanka iyo samatabixinta, iyagoo rajo iyo quus labadaba muujinayay.

Xigashada Sawirka, COURTESY DAWOOD FAMILY
"Waxaan u maleynayaa inaan rajo dhigay markii la dhaafay 96 saacadood ee astaanta ahayd," ayay tiri Mrs Dawood.
Waxay sheegtay in markii ay farriin u dirtay qoyskeeda. "Waxaan iri: 'Waxaan isu diyaarinayaa wixii ugu xumaa.' Taasi waa markii aan rajo dhigay."
Alina ayaa muddo rajo qabtay, ayay tiri. "Ma aysan rajo dhigin ilaa aan wicitaan ka helno Ilaalada Xeebaha. Markii ay noo xaqiijiyeen in la helay haraadi."
Qoyska ayaa Sabtidii ku laabtay St John, shalayna waxay tacsi u dhigeen Shahzada iyo Suleymaan. Mrs Dawood ayaa sheegtay in qalbigeeda ay taabatay markuu imaamka yiri aan u duceyno dhammaan shanti nine e dhintay.
Mrs Dawood ayaa sheegtay in iyada iyo gabadheeda ay isku dayi doonaan inay bartaan xallinta Rubik's Cube iyagoo ku sharfaya Suleymaan, ayna dooneyso inay sii waddo shaqada ninkeeda.
"Waxyaabo aad u badan ayuu sameyn jiray, wuxuu caawiyay dad badan waxaana u maleynayaa inaan sii wadi doono shaqadiisa ... waa u yara muhiim sidoo kale gabadheyda."
Mrs Dawood ayaa diidday inay ka hadasho baaritaannada socda ee arrintan. Balse markii wax laga weydiiyay sida ay u samri doonaan iyada iyo gabadheeda waxay tiri: "Ma wax saas ah baa jira? Ma garan karo."
"Waan u xiisay," ayay tiri, iyadoo aad u neefsaneysa. "Xaqiiqdii, xaqiiqdii waan u xiisay."














