'Miyaynaan bini'aadam ahayn ?': Caro ka jirta Beyruut ka dib duqayn Israa’iil oo ay dad ku dhinteen

Lubnaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Duqeyn xooggan oo diyaaradaha Israa'iil ay ku qaaday bartamaha Beyruut ayey ku dhinteen ugu yaraan 20 qof, sida ay sheegayaan mas'uuliyiinta Lubnaan, weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday caasimadda xilli uu sii kordhayo ololaha Israa’iil ee ka dhanka ah Xisbullah.

Duqeynta ayaa dhacay digniin la'aan abaarihii 04:00 (02:00 GMT) ee Sabtidii, waxayna ahayd isku day lagu doonayay in lagu dilo sarkaal sare oo ka tirsan Xisbullah, sida ay sheegtay warbaahinta Israa'iil.

Weerarka waxaa la maqlay oo laga dareemay guud ahaan magaalada, wuxuuna burburiyay ugu yaraan hal dhismo oo 8 dabaq ah oo deegaan ah oo ku yaal xaafadda Basta ee dadka badan deggan yihiin.

Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan ayaa sheegtay in bomb la yiraahdo "bunker buster" la isticmaalay, nooc hub ah oo horey ay Israa'iil u isticmaashay si ay u dilaan xubno sare oo ka tirsan Xisbullah, oo ay ku jiraan hoggaamiyihii hore ee Hassan Nasrallah.

Dhimashada ayaa kor u kacday 15 ilaa 20 sabtidii iyadoo shaqaalaha gargaarka degdega ah ay isticmaaleen mashiino culus si ay burburka ugu soo saaraan maydadka.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in in ka badan 60 qof ay dhaawacmeen, waxaana la filayaa in tirada dhibanayaasha ay kor u kacdo iyadoo baaritaanno DNA-da lagu sameyn doono xubnaha jirka ee la soo saaray.

“Waxa uu ahaa qarax aad u xun. Daaqadaha iyo muraayadaha oo dhan ayaa dushayada ku soo dhacay aniga, xaaskayga iyo carruurtayda. Gurigaygu hadda waa goob dagaal,” ayuu yiri Cali Nassar oo 55 jir ah, oo ku noolaa meel u dhow dhismaha.

“Xitaa haddi hal qof uu ku dhuumanyo halka….Miiyaa burburinaysaa dhismayaasha ay dadka gudihiisa hurdaan? Ma loo baahan yahay in dadka oo dhan hal qof loo dilo? Mise dad ma nihin? Taasi waa waxa aan weydiinayo."

Sida laga soo xigtay warbaahinta Israa’iil ee public broadcaster Kan, weerarka ayaa ahaa isku day lagu doonayay in lagu dilo Mohammed Haydar, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xisbullah.

Xildhibaanka Xizbullah Amin Sherri ayaa sheegay in mid ka mid ah hogaamiyayaasha kooxda uusan ku jirin dhismaha la duqeeyay, waxaana aan weli la caddayn xaaladda Haydar.

Ciidamada difaaca Israa'iil (IDF) kama aysan hadlin.

Sidoo kale Sabtidii, IDF ayaa weeraro kale oo dhanka cirka ah ku qaaday Dahieh, oo ah deegaanka koonfurta Beyruut ee ay ku sugan yihiin Xisbullah, iyagoo sheegay inay ahaayeen dhismayaal xiriir la leh kooxda.

Weerarada Israa’iil ayaa sidoo kale ka dhacay koonfurta, halkaas oo duulaanka dhulka ee Israa’iil uu ku sii socdo, iyo bariga, halkaas oo duqeymo cirka ah oo ka dhacay magaalada Baalbek ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan afar caruur ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.

Lubnaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, Israa’iil waxay xoojisay ololaheeda ka dhanka ah Xisbullah, maleeshiyada ay Iran taageerto iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed, iyadoo ay socdaan dadaallo caalami ah oo xabbad joojin ah, taasoo u muuqata istaraatiijiyad lagu cadaadiyo kooxda inay aqbasho heshiis.

Kororka ayaa imaanaya xilli wadahadallo cusub oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaada socotay in ka badan hal sano ay muujinayaan calaamado horumar ah. Todobaadkan, Amos Hochstein, oo hoggaaminayay dadaallada diblomaasiyadeed ee maamulka Biden, ayaa wadahadallo ku yeeshay Lubnaan iyo Israa'iil si uu u horumariyo heshiis ay Mareykanku diyaariyey.

Tan iyo markii colaadu sii xoogeystay dabayaaqadii Sebtembar, mas’uuliyiinta Lubnaan waxay sheegeen in heshiis kasta uu ku koobnaado shuruudaha Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1701, kaasoo soo afjaray dagaalkii 2006 ee u dhaxeeyay Xisbullah iyo Israa’iil.

Qaraarka waxaa ku jirtay iny Xisbullah ay dagaalyahaneeda iyo hubkeeda kala baxdo goobaha u dhaxeeye Khadka Buluuga ah oo ah xudduudda aan rasmiga ahayn ee u dhexeysa Lubnaan iyo Israa’iil iyo webiga Litani, oo qiyaastii 30km u jira soohdinta Israa’iil.

Israa'iil, waxay sheegtay in taasi weligeed si buuxda loo ixtiraamin, halka Lubnaan ay sheegtay in xadgudubyada Israa'iil ay ka mid tahay duullimaadyo milateri oo dulmara dhulka Lubnaan.

Qorshaha, sida uu sheegay diblumaasi reer galbeed ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo, waxaa ka mid ah xabbad joojin 60 maalmood ah, oo laga arki karo in ciidamada Israa'iil ay ka baxaan koonfurta Lubnaan iyo in joogitaanka Xisbullah laga saaro aaggaas. Milateriga Lubnaan ayaa markaas kordhin doona joogitaankooda halkaas.

Xisbullah iyo Iran labaduba waxay muujiyeen inay xiiseynayaan heshiiska, sida laga soo xigtay ilo sare oo Lubnaan ah.

Arbacadii, xoghayaha guud ee Xisbullaah, Naim Qassem, ayaa sheegay in kooxda ay heshay soo jeedinta Mareykanka, caddeysay cabashadeeda, isla markaana ay oggolaatay in wadahadallada la sii wado si loo arko haddii ay wax natiijo ah keeni doonaan. Shuruudaha heshiiska, ayuu yiri, waxay ahayd joojinta dagaalka gebi ahaanba iyo ilaalinta madax-bannaanida Lubnaan.

Hadafka Israa'iil ee dagaalka ay kula jirto Xisbullaah ayaa ah in la oggolaado soo noqoshada ku dhawaad 60,000 oo muwaadiniin ah oo ka barakacay deegaanada waqooyiga Israa'iil sababo la xiriira weerarrada kooxda.

Lubnaan, in ka badan 3,670 qof ayaa dhintay ugu yaraan 15,400 oo kalena waa dhaawacmeen tan iyo Oktoobar 2023, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Lubnaan, iyadoo in ka badan hal milyan oo qof ay ka barakaceen guryahooda.