“Labo cunug ayaad iga disheen, ma kan saddexaad ayaad iga dileysaan?” Waa fadeexad gilgishay Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Fadeexad la xiriirta carruur laga qaaday isbitaal oo la geynayay isbitaal kale taas oo keentay dhimashada ugu yaraan 10 cunug ayaa ka careysiisay dadweynaha Turkiga. Arintan ayaa dhalisay baaqyo la doonayo in ay is casilaan madax sare iyo in la sameeyo baaris.
Waa mid ka mid ah fadeexadaha caafimaad ee ugu weyn dalka. Dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha iyo darawalada gaadiidka gurmadka degdega ayaa lagu eedeeyay in ay sameeyeen baaris been abuur ah si carruurta markaas dhalatay loo qaado lana geeyo isbitaallo gaar loo leeyahay halkaas lagu haynayo muddo dheer.
Bishii Nofember sanadkii 2016-kii, Tolga Oymak xaaskiisa Nukhet waxay isbitaalka ku dhashay saddax cunug oo mataano ah. Dhicis ayey ahaayeen. Isbitaalka iyo qeybta daryeelka gaarka ah ma hayn saddex dhalo oo la geliyo carruurtaas. Sidaa darteed qoyska waxay go’aansadeen in ay u raadiyaan isbitaal kale, degdeg ayeyna u geeyeen.
“Mid ka mid ah ilmaha ayaa dhintay maalintii saddexaad” ayuu Tolga u sheegay BBC. Wuxuu yiri geerida waxaa keenay dhibaato dhinaca neefsiga ah iyo caabuq ku dhaca ilamaha ka yar 90 maalmood.
“labo cunug ayaa noo hartay, dhakhaatiirtana waxay noo sheegayeen in ay caafimaad qabaan”
Shan maalmood kaddib, dhakhatar ayaa na soo wacay oo noo sheegay in mid ka mid ah ciyaalka uusan fiicneyn, xaaladiisana ay la mid tahay cunugii hore oo kale. Wuxuu noo sheegay in aan degdeg isbitaalka u imaano.
“ma gelikarin qeybta daryeelka degdegga, balse waxaan daaqada ka daawanay maalintaas cunugeena oo dhimanaya”
“Waxaan u sheegay shaqaalaha caafimaadka, ‘waxaa disheen labadeyda cunug, ma kan saddexaad ayaad sidoo kale iga dileysaan?’ Waxay noo sheegeen in aan isdejino.
Tallaabooyin sharcidarro ah
Sida laga soo xigtay eedo ka kooban 1400 oo bog, carruurta la geeyay mid ka mid ah 19-ka isbitaal waxaa la siiyay daawo aan loo baahneyn si loo khiyaameeyo nidaamka badbaadada Turkiga.
Shabakad ka kooban shaqalaha caafimaadka ayaa lagu eedeeyay fadeexadaas. Warbaahinta Turkiga ayaa ugu yeertay “burcadda dhallaanka”. Halkii cunug ay ku hayaan qeybta gargaarka degdegga, waxay maalintii ku qaadaneyeen 231 doolar.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ugu yaraan 10 cunug ayaa la sheegay in ay ugu dhinteen gacmaha shabakadaas dayac iyo si khalad ah ay shaqadooda u qabteen.
47 qof ayaa la keenay maxkamad toddobaadkan ka bilaabatay Istanbul. 22 ka mid ah dadkaas ilaa hadda xabsiga ayey ku jiraan.
Eedeysanayaasha way beeniyeen in ay sameeyeen wax khalad ah, waxayna ku adkeysteen in go’aanadooda ay si daacad ah u gaareen.
Eedeysanaha ugu weyn, Dr. Fırat Sari, waxaa loo haystaa in uu sameeyay urur ujeedkiisu yahay in ay khiyaameeyaan hay’adaha dowliga iyagoo sameynaya dokomentiyo been abuur ah. Hadii lagu helo dambiga waxa uu wajahayaa 583 sano oo xabsi ah.
Shatiga ayaa laga qaadayaa
Doğukan Taşci oo ka mid ah kalkaaliyayaasha la xiray ayaa qiratay qaar ka mid ah dambiyada oo ay ku jiraan in macaamiisha laga iibiyo daawo iyo in la sameeyo been abuur lacag looga helayo adeega dowladda.
“Hadii qeybta daryeelka gaarka ay buuxsanto, lacag badan ayaan sameyneynaa” ayey maxkamadda ka sheegtay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dacwadan ayaa la furay kaddib markii booliska xog heleen oo ay sameeyeen baaris bishii Maarso sanadkii 2023-kii
Mid ka mid ah 19-ka isbitaal waxaa iska leh wasiirkii hore ee caafimaadka oo ka tirsan xisbiga talada haya. Shatiga ayaa isbitaalka lagala noqday dhacdadan darteed.
Ilaa iyo hadda 350 qoys ayaa codsaday in baaris lagu sameeyo geerida dadkii ka dhintay sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Wasiirka caafimaadka ayaa loogu baaqay in uu xilka iska casilo iyo in dowladda wada qaadato dhammaan isbitaalada la sheegay in ay fadeexadan ku lug lahaayeen.
Madaxweynaha Turkiga, Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in kuwa mas’uulka ka ah geeridan carruurtan ay la kulmayaan ciqaab adag, wuxuusa ka digay in aan eedda dusha laga wada saarin nidaamka caafimaadka dalka.
Ilaa markii ay soo ifbaxday fadeexadda geerida carruurtan yar yar, qoysaska dhibanayaasha cabsi welwel ayaa soo foodsaaray.
“Markii aan aqriyay warka sheegaya fadeexadan, lama hadli karin xaaskeyga” ayuu yiri Tolga
Tolga cunuga kaliya ee u haray hadda waa sideed jir. Isaga iyo xaaskiisa marna isku dayin in ay dhallaan cunug kale.













