Isbarbardhig: Awoodaha milatari ee Shiinaha iyo Taiwan

Shiinaha iyo Taiwan

Xiisadda ka taagan Taiwan ayaa cirka isku sii shareertay kaddib booqashadii Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi ee Taiwan, tallaabadasi oo sii xumeysay xiriirka Washington iyo Beijing.

Beijing oo ka carootay booqashada Pelosi ayaa dhollatus ciidan ka sameysay meel aan ka fogeyn dhul biyoodka jasiiradda Taiwan.

Taiwan oo ka jawabeyso tallaabbada uu Shiinaha qaaday waxay sheegtay inuu Shiinaha go’doomin uu ku hayo ‘uuna iisu diyaariyey dagaal aan munaasab ahayn.’

Xuddunta xiisadda ayaa ah in dowladda Shiinuhu inay Taiwan u aragto gobol ka go’ay oo ugu dambayntii ka mid noqon doona Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

Laakiin, dad badan oo reer Taiwan ah ayaa u arka jasiiradda Taiwan inay iskeed isu maamusho oo ay noqoto qaran gaar ah xitaa haddii aan waligeed la aqoonsan.

Haddaba aynu Isbarabardhig ku sameyno awoodda ciidan Shiinaha oo ay ku nool yihiin 1.3 bilyan oo qof iyo Taiwan oo ku nool yihiin 23 miyan oo qof.

Marka ay timaaddo awoodda Militari ee Shiinaha iyo Taiwan, Militariga Shiinaha dhanka awoodda ciidan ee caalamka uu uga jiraa kaalinta 3-aad, halka Jasiiradda Taiwan tilmaamo iney uga jirto kaalinta 21-aad sida lagu sheegay warbixinta Difaaca waddamada caalamka ee soo baxday 2022-ka.

Militariga Shiinaha

Awoodda Militari ee Shiinaha

Dalka Shiinaha Miisaaniyadda Militariga uu u qoondeeyey sanadkan 2022-ka waxay gaareysaa 229.5 balyan oo doolar.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ciidamada dalka Shiinaha ee heeganka ah waxay dhan yihiin 2 malyan oo askari iyo 510,000 oo askari oo keyd ah.

Dalka Shiinaha wuxuu leeyahay 3,285 diyaaradood oo kuwa militariga oo isugu jira diyaaradaha dagaalka (1,600), diyaaradaha dagaalka oo howlagallada gaarka loogu talo galay (371), diyaaradaha xamuulka (286), diyaaradaha tababarka (399), kuwa gaarka ah (114), diyaaradaha qumaatiga u kaca (912) iyo Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee wax duqeeya (281).

Sida oo kale Shiinaha wuxuu leeyahay Taangiyo ay tiradoodu gaareyso (6,300), gawaarida gaashaaman (35,000), Madaafiicda goobta (7,120), gantaalaha (3,160), Lidka gantaalaha (777), Maraakiibta diyaaradaha xambaara (2), gujiska (79), maraakiibta wax burburiya (41), doomaha militari ee dheereeya (119), doomaha ilaalada (152), doomaha miino barista (36).

Wuxuu dalka Shiinaha leeyahay 507 garoon diyaaradood oo isugu jira kuwa militariga iyo kuwa rayadka iyo in ka badan 270 madax oo hubka Nukliyeerka ah.

Ciidamada Taiwan

Xigashada Sawirka, AFP

Awoodda Militari ee Taiwan

Jasiiradda Taiwan oo iisu aragto iney tahay dal madax bannaan oo aan hoos tagin dalweynaha Shiinaha waxay leedahay awood miltari oo aan la yareysan karin.

Taiwan miisaaniyadda militariga ay u qoondeysay sanadkan 2022-ka ayaa gaaraya 17 balyan oo dolar.

Ciidamada heeganka ee Taiwan waxay gaarayaan 300,000 oo askari iyo 1.5 malyan oo aksari oo keyd ah.

Jasiiradda Taiwan waxay leedahay 741 diyaaradood oo kuwa militariga ah oo isugu jira diyaaradaha dagaalka (288), kuwa gaadiidka (19), kuwa tababarka (207), diyaradaha holwgallada gaarka ah loogu talo galay (19), diyaadaha qumaatiga u kaca (208) iyo diyaradaha qumaatiga u kaca ee dagaalka (91).

Jasiiradda Taiwan oo ay xiisadda hareysay waxaa kale oo ay leedahay 3,472 Tangi, Madaafiicda gantaalaha (257),madaafiicda goobta (1,410), Lidka gantaalaha (117), Gujiska (4), Maraakiibta wax burburiya (4), Maraakiibta dagaalka ee dheereeya (24), doomaha ilaalada (43), doomaha miino barista (14) iyo 37 garoon diyaaradeed oo isugu jira kuwa militariga iyo kuwa rayadka.

Waddama dhowr oo ah oo isugu jira kuwa gobolka iyo kuwa danaha ka leh Badda Koonfureed ee Shiinaha ayaa xiisadda hadda taagan si gaar ah isha ugu hayo wddamadaasi oo ay ka mid yihiin Mareykaka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Horay waxaa gobolkaasi ugu muransanaa waddamada Brunei, Malaysia, Philippines, Taiwan iyo Vietnam oo dal weynaha Shiinhaa dhul ku haysto.