Muxuu salka ku hayaa khilaafka Shiinaha iyo Taiwan?

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES
Taiwan waxay 180 kiilo mitir u jirtaa Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha. Labada dhinac oo af iyo awoowe-wadaag ah waxaa ka dhaxeysa cadowtooyo salka ku haysa nidaamka siyaasadeed.
Dhinac ka mid ah marin-biyoodka kala qeybiya waa dowladda Beijing oo hoggaanka u haysa nidaam shuuci ah oo dadka uu xukumo ay gaarayaan 1.3 bilyan oo qof, kuwaas oo hal xisbi ka amar qaata.
Dhan kale waxaa deggan Taipei oo maamusha jamhuuriyad dimuqraaddi ah oo dadkeedu ay gaarayaan 23 milyan oo qof.
Xiisada ka taagan Taiwan ayaa cirka isku sii shareereysa kaddib markii ay booqatay Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi – tallaabadan waxay sii xumeysay xiriirka Washington iyo Beijing.
Xuddunta kala qaybsanaanta ayaa ah in dowladda Shiinuhu ay Taiwan u aragto gobol ka go’ay oo ugu dambayntii ka mid noqon doona Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.
Laakiin, dad badan oo reer Taiwan ah ayaa u arka jasiiradda Taiwan inay iskeed isu maamusho oo ay noqoto qaran gaar ah - madaxbannaanida haddii si rasmi ah loogu dhawaaqo iyo haddii kaleba.
Taariikhda Shiinaha iyo Taiwan
Dadkii ugu horreeyay ee la yaqaannay ee Taiwan waxay ahaayeen qabiillo Austronesia ah, kuwaas oo loo malaynayo inay ka yimaadeen koonfurta Shiinaha ee casriga ah.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jasiiraddu waxay u muuqataa inay markii ugu horreysay ka soo muuqatay diiwaannada Shiinaha, markii boqor qarniyo hore talinayay uu u diray ciidan sahamiya aagga – waa arrin ay Beijing u isticmaasho taageeridda sheegashadeeda dhuleed.
Kaddib muddo kooban oo ah gumeysigii Nederland (1624-1661), Taiwan waxaa maamulayay boqortooyadii Qing ee Shiinaha laga soo bilaabo 1683 ilaa 1895.
Waxaa jiray dagaal sokeeye oo ka qarxay Shiinaha, kaas oo ciidamo uu hoggaaminayay Chiang Kai-shek ay ku jabiyeen ciidankii Shuuciga ahaa ee Mao Zedong.
Dadkii ka soo haray dowladdii Kuomintang (KMT) ee Chiang iyo taageerayaashooda oo dhamaa ilaa 1.5 milyan oo qof waxay u qaxeen Taiwan 1949-kii.
Kooxdan, oo loo yaqaan Dhulweynaha Shiinaha, ayaa sanado badan gacanta ku haysay siyaasadda Taiwan, inkastoo ay 14% keliya ka ahaayeen dadweynaha. Chiang wuxuu dowlad dibadjoog ah ka dhisay Taiwan taas oo uu hoggaaminayay 25-ka sano.
Wiilkiisa oo lagu magacaabi jiray Chiang Ching-kuo ayaa oggolaaday dimoqraadiyad badan kaddib markii uu xukunka qabtay. Waxa uu iska caabbin kala kulmay dadka deegaanka oo ka carooday xukunkii kali-taliska ahaa, waxana uu cadaadis kala kulmayay dhaqdhaqaaq dimuqraadiyadeed oo sii kordhaya.
Madaxweyne Lee Teng-hui, oo loo yaqaan "Aabaha Dimuqraadiyada" Taiwan, ayaa u horseeday isbeddelo dastuuri ah, wuxuuna aakhirkii sameeyay sanadkii 2000 dariiqii loo doortay madaxweynihii ugu horreeyay ee aan ahayn KMT, Chen Shui-bian, 2000.
Muranka labada dhinac u dhexeeya wuxuu soo taagnaa tan iyo 1949-kii - maalmihii u dambeeyay wuu sii xumaanayay markii ay Taiwan booqatay Afhayeenka Koongareeska Maraykanka, Nancy Pelosi - Taiwan waa laga hor taagan yahay inay yimaadaan hay'ado caalami ah, taas oo maqaamkeeda aan la cayimin uu ka xaddidayo inay hesho aqoonsi caalami ah.
Haddaba yaa aqoonsan Taiwan?
Waxaa jira khilaaf iyo jahawareer ku saabsan waxa ay tahay Taiwan.
Waxay leedahay dastuur u gaar ah, hoggaamiyeyaal si dimoqraadi ah loo soo doortay, iyo ilaa 300,000 oo askar shaqaynaysa ah oo ka tirsan ciidamadeeda qalabka-sida.

Xigashada Sawirka, AFP
Xukuumadda Chiang ee dibadjoogga ahayd ayaa markii hore sheegtay in ay matasho Shiinaha oo dhan, taas oo ay ugu talagashay in ay dib u qabsato. Waxay ku fariisatay kursiga Shiinaha ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana dalal badan oo Reer Galbeed ah ay u aqoonsadeen inay tahay dowladda kaliya ee Shiinaha.
Hase yeeshee, sanadihii 1970-naadkii dalalka qaar ayaa billaabay inay ku doodaan in xukuumadda Taipei aan loo tixgelin karin wakiil dhab ah oo matala boqollaal milyan oo qof oo ku nool dhulweynaha Shiinaha.
Kaddib 1971-kii, Qaramada Midoobay waxay u beddeshay aqoonsi diblomaasiyadeed oo ay siisay Beijing, halka bannaanka loo tuuray dowladdii xilligaas ka talinaysay Taiwan. Sanadkii 1978-kii, Shiinuhu wuxuu kaloo billaabay inuu furo dhaqaalihiisa. Isagoo aqoonsan fursadaha ganacsiga iyo baahida loo qabo horumarinta xiriirka. Mareykanka wuxuu si rasmi ah xiriir diblomaasiyadeed ula sameystay Beijing 1979-kii.
Wixii markaas ka dambeeyay tirada dalalka aqoonsan xukuumaddii Taipei si dublamaasiyadeed ayay hoos ugu dhaceen, waxayna nodeen ilaa 15.
Hadda, inkasta oo ay leedahay dhammaan astaamaha dowlad-madaxbannaan iyo nidaam siyaasadeed oo ka duwan Shiinaha, heerka sharci ee Taiwan weli ma cadda.










