Shacabka Nigeria oo dooranaya Madaxweynaha bedali doona Buhari

Codbixiyayaasha Nigeria

Xigashada Sawirka, Getty Images

Malaayiin shacabka Nigeria ah ayaa safaf dhaadheer u galay goobaha codbixinta, doorasho ay si weyn ugu loolamayaan xisbiyada ugu weyn waddankaas.

Tan iyo 1999, xisbiga talada haya ee All Progressives Congress (APC) iyo kan mucaaradka ah ee Peoples Democratic Party (PDP) ayaa awoodda ugu badan ku lahaa Nigeria oo ah waddanka ugu dadka badan Afrika.

Hase yeeshee waxaa sanadkan loolan adag ku haya musharrax ka socda xisbiga Labour, Peter Obi, kaasoo shacbiyad weyn ka haysta dhalinyarada Nigeria.

Madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa ka degaya xilka, kadib markii uu dhamaystay laba muddo xileed oo min afar sano ah.

Xisbigiisa APC ayaa waxaa u sharraxan barasaabkii hore ee Lagos, Bola Tinubu. Mucaaradka PDP waxaa u taagan Madaxweyne kuxigeenkii hore, Atiku Abubakar.

Guud ahaan, waxaa doorashada ku tartamaya 18 musharrax. Sidoo kale waxaa maanta la dooranayaa xildhibaannada baarlamaanka.

Goobaha codbixinta ayaan intooda badan ku furmin saacadii loogu talo galay, waxaana meelaha qaar shaqeyn waayay qalabka doorashada.

Musharraxa ku guulaysta doorashada maanta ayaa waxaa horyaalla caqabado ay kamid yihiin dhaqaalo xumo baahsan, suuq gelinta lacagta cusub ee Naira, shaqo la’aan haysata dhalinyarada iyo amni darro horseeday dhimashada in ka badan 10 kun oo qof sanadkii tegay.

Peter Obi

Xigashada Sawirka, AFP

Waa kuma Peter Obi?

61 jirkan ka tirsanaan jiray xisbiga PDP ayaa doonaya in Nigeria ay ka baxdo nidaamka ay labada xisbi uun awoodda isugu wareejiyaan, waxaana u uku tartamayaa tikidhka xisbiga Labour-ka.

Waxa uu taageero ka helayaa dhalinyarada Nigeria, gaar ahaan kuwa gobollada Koonfurta, oo u arka inuu ka sumcad wanaagsan yahay labada musharrax ee kula loolamaya madaxtinnimada.

Ninkan oo ah maalqabeen ganacsiyo leh ayaa 2006 ilaa 2014 waxa uu ahaa barasaabka gobolka Koonfur Bari, Anambra.

Taageeryaashiisa ayaa sheegay in yahay siyaasi sumcad leh, hase yeeshee kuwa dhaliilsan ayaa ku doodaya in aanu haysan fursad uu ku guulaysan karo.

Atiku Abubakar

Xigashada Sawirka, AFP

Waa kuma Atiku Abubakar?

Waa 76 jir sanado badan ku jiray siyaasadda Nigeria. Waxa uu ka soo jeedaa waqooyiga dalka oo ay u badan yihiin Muslimiinta.

Shan jeer ooh ore ayuu u tartamay madaxtinnimada Nigeria, balse marna kuma aanu guulaysan.

Waxaa lagu eedeeya musuq maasuq iyo eex, inkastoo uu beeniyay eedeymahaas.

Waxa uu u sharraxan yahay xisbiga ugu weyn mucaaradka ee PDP.

Bola Tinubu

Xigashada Sawirka, AFP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waa kuma Bola Tinubu?

Waa 70 jir u sharraxan xisbiga talada haya ee APC, oo lagu dhaliilay inuu Nigeria u horseeday dhaqaalo xumo iyo amni darro baahsan.

Tinubu ayaa lagu ammaanay hawshii uu ka qabtay magaalada Lagos markii uu ahaa barasaabkeeda, xilkaas oo uu ka degay 2007.

Waxa uu awood badan ku leeyahay gobollada koonfur galbeed, hase yeeshee si lamid ah Abubakar waxaa lagu eedeeyay musuq maasuq, eedeyntaas oo uu beeniyay.

Dadka dhaliila ayaa sidoo kale sheegay inuu caafimaad ahaan liito, oo aanu ka bixi karin hawsha adag ee hogaaminta Nigeria, taasoo uu beeniyay.

Natiijada doorashada

Natiijooyinka labadii doorasho ee ugu dambeeyay ayaa soo baxay saddex maalmood kadib codbixinta, hase yeeshee waxaa la filayaa in tani ay xilligaa ka soo hormari karto, maadaama guddiga doorashada uu isticmaalayo qalab casri ah.

Musharraxii helaa codadka ygu badan iyo 25% codadka laga dhiibtay 24 gobol oo kamid ah 36 gobol ee Nigeria ayaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee waddankaas.

Haddii ay musharraxiintu gaari waayaan codadkaas, waxaa 21 maalmood gudahood lagu qaban doonaa doorasho ku celis ah, arrintaas oo aan horay uga dhicin Nigeria.