Baadari caan ah oo sheegay in Nigeria ay la mid noqon doonto Soomaaliya.

Nigeria

Xigashada Sawirka, Getty Images

Baadariga Paul Udogu oo u dhashay Nigeria ayaa dowlad-goboleedyada iyo federaalka dalkaas ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada haysata bulshada.Sida uu aaminsan yahay, haddii aan wax laga qaban xaaladda ammaanka dalkaas ee ka sii dareysa, "waxay Nigeria noqon dontaan dal guul darreystay sida Soomaaliya," waa sida uu sheegayee.

Udogu ayaa sidoo kale ka hadlay in xaaladda dhaqaale ee dalkaas ay saameyn ku yeesheen ganacsiyada iyo ururrada gaar loo leeyahay."Qiimaha badeecooyinka muhiimka ah ayaa daqiiqad isku beddela. Qiimaha cuntada, sibirka ama shamiintada iyo qalabka kale ee dhismaha iyo batroolka ayaa sare u sii kacaya."

"Tani waxay nolosha ka dhigtay mid adag oo aan loo dulqaadan karin; dad badan oo reer Nigeria ah ayaa waayay ganacsiyadooda iyo maalgashigooda.""Lacagta Naira hoos ayay u sii dhaceysaa iyadoo ay dowladdu lacag ka soo deynsaneyso dalalka shisheeye iyo hay'adaha."Shaqaalaha dowladda mushaarka ay bishii qaataan ma gaarsiiyo kala barka bisha sababo la xiriira badeecada sare u sii kaceysa. Dad badan oo Nigeria ku nool saddex waqti wxa ma cuni karaan iskaba daa inay awoodaan daawen caafimaad oo wanaagsan. Kiisaska dadka dhimanaya ayaa haatan ku badan bulshadeenna", ayuu yiri.

Baadariga ayaa intaas ku daray in gobolka ka mid ah dalkaas uusan maanta Nabad ahayn.

"Meel walba, waxaa ka taagan ammaan darro. Weerarkii dhowaan lagu qaaday barasaabyada gobollada Benue, Borno iyo Imo iyadoo si maalinle ah weerar loogu qaadayo bulshada iyo afduubka carruurta iskuulleyda ah iyo dhalinyarada iskuullada ku yaalla waqooyiga iyo kufsiga haweenkeenna waa kuwo aan la aqbali karin.

Somalia and Nigeria

Xigashada Sawirka, Getty Images/BBC

"Meel walba cabsi ayaa ka taagan. Waxaa murugo leh, waxaan maqalnay in iskuullada qaar ee qeybo ka mid ah Waqooyiga Nigeria loo xiran cabsi laga qabo afduubayaasha. Koofur-bari waxay isku beddeshay waqooyi-bari iyadoo rag hubeysan oo aan la aqoon ay curyaamiyeen nolosha iyo dhaqaalaha iyo saraakiisha ammaanka ee sugayay amniga", ayuu yiri Udogu.

Tan iyo bishii Diseembar ee sanadkii hore, in ka badan 600 oo arday ayaa laga afduubay iskuulo ku yaal woqooyiga galbeed Nigeria, taas oo abuurtay walaac hor leh oo ku saabsan dhibaatada afduubka ee dalkaas ka jirta.

Afduubkii Jimcihii loo geystay 317 arday oo ka tirsan Dugsiga Sare ee Gabdhaha ee Jangebe, oo ku yaala gobolka Zamfara, ayaa ahaa afduubkii labaad ee laga geysto dugsiyada muddo ka yar 10 maalmood, iyada oo 27 wiil iyo macallimiintooda oo laga kaxeystay iskuul ku yaal Kagara, gobolka Niger 17-kii Febraayo la siidaayay Sabtidii.

Maamulka ayaa sheegay in weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday iskuullada waqooyi galbeed ay geysteen "burcad", hubaysan iyo maleeshiyaadka kale ee hubeysan ee ka howlgala gobolka, kuwaas oo inta badan dhaqaalahoodu yahay lacag madax-furasho ah inay dadka weydiistaan.

Dad badan ayaa aaminsan in laamaha amniga, maamulada gobolladaas, booliska iyo millatariga ay xal u arkeen in la bixiyo lacagaha madax furashada ee ay kooxahan dalbanayaan taas oo laga yaaba inay sii dhiiragelinayso.