Muxuu salka ku hayaa khilaafka soo dhex galay Shirkadaha ka hawlgala deegaannada waqooyi bari iyo maamulka

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada
Dowlad goboleedka cusub ee Waqooyi Bari ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxa uu eedeyn ugu jeediyay qaar ka mid ah shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bangiyada ee ka hawlgala Dolwad Goboleedka Waqooyi Bari, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay si cad u diideen bixinta cashuuraha ku waajibay iyo inay la shaqeeyaan dawlad dhiska Waqooyi Bari.
War saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Dolwad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah shirkadaha ka howlagala Waqooyi Bari in ay si bareer ah u diideen bixinta canshuuraha ku waajibay iyo waxa uu maamulku ku tilmaamay ka qeyb-qaadashada dowlad dhiska Waqooyi Bari Soomaaliya.
Dhankooda Shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada kuwaas oo kala ah Amal, Telesom Dahabshiil iyo Golis ayaa war saxaafdeed ay soo saareen ku sheegay in ay ka xun yihiin "xiritaanka lagu sameeyay qaar ka mid ah shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bangiyada" kaas oo ay sheegeen in aan loo marin hab raac sharci ah.
Laakin dhankooda maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay in tan iyo bishii January ee sanadki 2024 ilaa bishii tagtay ee September si is daba joog ah shirkadaha loogu gudbinayey in ay la shaqeeyaan dowladda iyo in aanay shirkaduhu diyaar u ahayn in ay xarumahooda dhexe ( Headquarters) keenaan Caasimadda Dowlad goboleedka WBS.
Shirkadaha ayaa dhankooda ka cabanaya sida ay ku xuseen war saxaafadeedka ay soo saareen in shirkadaha laga doonayo lacag loogu magac daray "Dowlad dhis" taas oo ay sheegeen in aanay shirkadahu awoodin lacag ka baxsan canshuurta ku waajibtay.
Shirkadaha ayaa ugu baaqay dowladda iyo madaxweynaha Waqooyi Bari in si degdeg ah looga qaado "is hortaaga iyo xayiraada la saaray" adeegyadii muhiimka iyo lafdhabarka u ahaa bulshada kuwaas oo ay sheegeen in ay la daalaa dhacayaan duruufo adag, iyagoo sidoo kale ku baaqay in sharciga dib loogu soo noqdo.

Xigashada Sawirka, Facebook
Dhinacooda eedymaha lagu sheegay warsaxafaadeedka ka soo baxay Waqooyi Bari ee loo jeediyay shirkadaha ayaa u muuqday eedeymo culus oo ay ka mid yihiin in shirkaduhu ay diidaan awaamiirta dowladda iyo in ay ku kaceen marin habaabin bulsho taas oo ay sheegeen in ay yihiin canshuur bixiyayaal taas oo aanay" waxba ka jirin".
Waqooyi Bari ayaa sidoo kale shirkadaha ku eedeeysay abaabuul kooxeeysan iyo isku tag aan sharci ahayn taas oo ay ku siyaasadeynayaan u hoggaansanka sharciga iyo waajibaadka dowliga ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida lagu sheegay war saxafadeedka Waqooyi Bari ka soo baxay maamulka ayaa doonaya in shirkadaha ay si gaar gaar ah ula maacaamilaan iyadoo shirkadaha la faray in ay si gooni gooni ah uga soo jawaabaan codsiyada wada sahqeeyn ee loo jeediyay iyo in ay soo gudbiyaan xog caddayneysa in ay bixiyeen canshuurtii ku waajibtay.
Shirkadaha ayaa sheegay in xayaaradda la saaray shirkadaha qaarkood aawadeed ay ka soo gaartay khasaaro dhaqaale, mid sumcadeed iyo in dadweynaha loo diiday adeegyadii maalliyadeed ee ay xaqa u lahaayeen.
Shirkadaha ayaa ah "kaabayasha ugu weyn ee dhaqaalle ee ka jira Dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya" sida ay ku xuseen shirkadahu warsaxaafadeedka ay soo saareen iyagoo deegaanka ka sameeya shaqo abuurka ugu badan, waxa ay sidoo kale shirkadahaasi maalgeliyaan ganacsiga noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa yaryar ee dadka danyarta ah.
Xiriir aan la sameeynay labada dhinac ayaanay suurtagelin si aan tafaasiil dheeri ah ka helno waxa ay labada dhinac ee maamulka iyo shirkaduhu isku diidanyihiin, Shirkadaha qaar oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan wax dhaafsiisan Warsaxaafadeedka ay soo saareen iyagoo u muuqday in aysan dooneyn in ay xaalada uga sii daraan, dhanka kalena rajeynaya in arinkan ay is faham kala gaaraan maamulka.
Ugu danbeyntii shirkadaha ayaa sheegay haddii maamulku xallin waayo xaaladda taagan, shirkadauhu in ay iskugu noqon doonaan wadatashi ayna soo saari doonaan go'aanno iyo mowqif ay ku mideysan yihiin, kaas oo munaasab ku ah bey yiraahdeen xaaladda adag ee shirkaduhu wajahayaan.













