Muxuu yahay mowqifka Puntland ee ku aaddan arrinta Laascaanood?

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni

Xigashada Sawirka, SICIID CABDULLAAHI DENI

Tan iyo markii ay billowdeen xiisadaha ka taagan magaalada Laas-Caanood ee gobolka Sool waxaa isasoo tarayay siyaasiyiinta ka hadlayay rabshadaha ka dhacay halkaas oo ay ilaa hadda ku dhinteen ugu yaraan 20 qof.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland oo Isniintii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta Laas-Caanood oo ah magaalo madaxda gobolka Sool.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowr arrin ku sheegay hadalkiisa oo u muuqday mid ay caro ku dheehan tahay.

Dhaleeceyn

Madaxweynaha ayaa xaaladda ka soo korortay magaalada ku tilmaamay nasiib-darro.

"Waxaan aad uga xumahay dad Soomaaliyeed oo dhul Soomaaliyeed jooga oo calankii Soomaaliyeed uu dul babbanayo in xabbado dhashiikayaal ah lagu dilo, waa arrin aan loo fadhin," ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Khudbadda uu ka jeediyay shirka jaraa'id ayuu sidoo kale ku dhaliilay mas'uuliyiinta Somaliland.

"Wixii dadka Somaliland ay uga caban jireen dowladdii hore ee militariga ahayd inay maanta sameynayaan waa arrin aan loo dulqaadan karin," ayuu yiri.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Deegaanno ka qeyb ka ah Puntland"

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Deni sheegay in gobolka Sool uu ka tirsan yahay deegaannada Puntland.

"Waxaan rajeynayaa in falalka noocaas ah ay soo afjarmaan. Gobolka Sool, waa gobol ka tirsan Puntland oo qeybo ka mid ah ay si xooga ah u heystaan dad aan Soomaalinnimada oggoleyn oo raba inay Soomaaliweyn ka baxaan."

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkiisa sii raaciyay: "Dadka reer Sool, dadka reer Cayn, daka reer Sanaag waa dad Soomaaliyeed oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah qeyb ka tirsan maamulka Puntland."

Wuxuu intaas ku daray inuu ka xun yahay in sida uu sheegay dilal qorsheysan lagu sameeyo dhalinyarada gobolka, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay hab lagu dabar jarayo.

Wuxuu Madaxweyne Deni sidoo kale tacsi u diray dadkii ku dhintay Laascaanood, isagoo sheegay inay tahay arrin ay si dhow isha ugu heysay Puntland.

Tacsi

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in waxa ka socda magaalada ay tahay farriin loo dirayo Puntland isla markaana aysan indhaha ka laabna doonin.

Sidoo kale Cabdirisaaq Khaliif oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay ciidamo u adeegsatay dadka shacabka ah oo dhigayay dibadbaxyo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilalka joogtada noqday, isagoo ku taliyay in ciidamada laga saaro halkaas.

Axaddii ayey beesha caalamka war ay ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin xaaladda Laas-Caanood, iyagoo mas’uuliyiinta Somaliland iyo shacabka magaaladaas labadaba ugu baaqay in ay sameeyaan "xasilooni iyo isxakameyn".

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa horay u sheegay in maamulkiisu uu ka xun yahay waxa ka dhacay Laas Caanood, isagoo ka tacsiyeeyay dilal ka dhacay magaalada. Waxa uu intaas ku daray in ay jireen isku dhacyo dhex maray booliska iyo dadka ku mudaharaaday magaalada Laas-Caanood.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta guddi u saaray arrinta Laas-Caanood ee taagneyd maalmihii lasoo dhaafay.

Maxay salka ku heysaa arrinta Laas-Caanood?

Laas-Caanood

Xigashada Sawirka, TELEFISHINKA QARANKA SOMALILAND

Laas-Caanood waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah magaalooyinka Soomaalida ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee qorsheysan. Haddii aan waqtiga dib u celinno, 1969-kii waxaa lagu dilay magaaladan madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Balse laga soo laga soo bilaabo 2010-kii waxaa soo xoogeysanayay dilalka shaqsiyaad deggan magaalda oo ay geysanayeen dabley aan la aqoonsan.

Sanadkaan oo kaliya lix qof oo ah dad si wayn looga garanayo magaalada ayaa la khaarijiyay.

Qofkii ugu dambeeyay ee la dilo ayaa ahaa Cabdifitaax Hadraawi, kaasoo ahaa nin dhalinyaro ah oo haldoor ahaa, sidoo kalana siyaasi ahaa.

Dilkiisa ayaa kiciyay dareenka shacabka magaalada, kaas oo horseeday dibadbaxyo si nabad ah ku bilowday balse markii dambe isu beddelay kuwo dhimasho sababay ka dib markii isku dhac uu ka dhex dhashay booliska iyo dibad baxayaasha.

Ila iyo hadda inta la shaaciyay dibadbaxyadaas waxaa ku dhintay shan ruux halka sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen.