Dadka wahsida badan miyay ka caqli badan yihiin dadka kale?

Nin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wahsida waxaa lagu macneeyaa dib u dhigashada ama ka caajisida shaqo kaa rabta in aad markaas qabatid ama isku mashquulinta wax kale si aadan eedda dusha naftaada ugu tuurin oo aad hadhow naftaada ugu qancisid in aadan lahyen wax danbi ah.

Hammiga iyo hadal-haynta ku noolaanshaha nolol farxad leh iyo barwaaqo waa yoolka dad badani hiigsanayaan, hase ahaatee gaaritaanka yoolkaas waxaa ka sokeeya dadaal badan oo ay lagama maarman tahay in qofka uu sameeyo si uu u gaaro.

Waxaa dad badan noloshooda ku gadaaman qanaaco la’aan, tabasho iyo aaminsanaan in ay nasiib xun yihiin. Taasi waxay ku kaliftaa inaysan nolosha heerkii ay rabeen aysan ka gaarin, culimadu waxay tan ku macneeyaan mararka qaar 'Wahsi', dadkana waa loogu dhaliilaa. Balse daarasad cusub oo lasoo saaray ayaa sheegaysa in dadka wahsiga badan ay ay yihiin kuwa caqli badan, marka la barbar dhigo dadka kale.

Cilmi-baarayaal ka socda Jaamacadda Florida Gulf Coast University, oo daraasada soo diyaariyay ayaa sheegay in dadka caajiska badan u fakaraan hab ka wangasan dadka intiisa kale.

kooxda cilmi-baarista oo u badan khuburo cilmi nafsiga ah ayaa sheegay dadka in dadka wahsiga badan ay jecel yihiin in wax kast ay gaaraan ayaga oo aan dhibato marin ama aan far nuuxin.

Dad kala duwan oo isgu jira kuwa wahsi badan iyo kuwa firfircoon oo daasaradda ka qeyb galay ayay cilmi baaristu sheegtay in dadka caajiska badan ay ahaayeen kuwa ku fiican habka fakarka iyo caqaliga intaba.

Haweeneey

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wahsida ma laga hortagi karaa?

Shaqsigu marka uu leeyahay hadaf iyo yool qoran oo biyo kama dhibcaana, waxa ay keentaa inuu noqdo mid hufan oo habaysan, aadna ugu fiican nadaamka iyo maamulida waqtiga.

Tani waxay qofka u sahlaysaaa inuu garwaaqsado marka uu ku jiro xaalada wahsiga, naftiisana cafiyo kana soo laabto.

1.Si aad uga adkaatid dabeecadda wahsiga ee ku curyaaminaysa, dagso hadaf iyo yool cad si aad u noqotid qof naftiisu ay nidaamsantahay.

2-In aad si joogto ah u sameeyo jimicis iyo dhaqdhaqaaqa jirka ee joogtada ah waxay kaa caawin kartaa kor u qaadida heerarka awoodda iyo la dagaalanka caajiska , iyo hagaajinta niyadda.

3-La jirka saaxiibo fiican oo firdicoon ayaa sidoo kale qeyb ka qaadan karta in aad caajiska ka adkaato kuwaas oo kugu dhiirigelin kara in aad sameeyso go,aano wax ku ool ah oo guul kuu horseeday.

4-Cunista cuntooyin kala duwan oo nafaqo leh, oo ay ka mid yihiin khudaarta, iyo borotiinnada hab-dhiska difaaca caafimaadka leh ayaa qeybka qadan kara in aad ka guuleeysto wahsiga.

Haween

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhibaatooyinka laga dhaxlo

Wahsigu wuxuu qofka bini,aadamka ku keenaa dhibaatooyin fara badan, kuwaas oo isugu jira kuwa maskaxeed, dareen iyo waliba tayada qofka oo xumaata.

  • Wuxuu kugu kalifi karaa inaad sheegto been fara badan.
  • Wuxuu kaa dhigayaa qof aan masuuliyad qaadi karin.
  • Waxaad dareemi murugo iyo shalayto fara badan.
  • Maskaxdaada iyo jidhkaaga ayaa daciifi kara.
  • Wakhtigaagii oo ku dhaafa adoon waxba qabsanin.
  • Fursado badan oo kaa luma.
  • Noloshaada dhan oo cidhiidhi noqota.

Dabeecada wahsigu ma ahan mida kaliya ee u astaysan dad gooni ah xitaa waxaa la ogaaday dadka dadaalka badan oo nolosha heer ka gaaray inay mar un wax ka wahsadaan, lakiin ay dadka kale uga duwanyihiin garowsiga iyo dib u soo qabashada naftooda.

Hadaba waxa cilmibaarayaashu leeyihiin 'Ceeb ma ahan inaad mar uun wahsatid laakiin waxaa ceeba inaa mar walba wahsatid aadna ogayn inaad wahsade tahay naftiisa waqti iyo fursado badan dhaafiyay'.