'Caajisoole isku kalsoon': Haweeneyda sheegtay in cajisku fiican yahay iyo khubaro taageertay

Lucy in bed

Lucy Gransbury waxay qirsan tahay in ay thay "qof caajis badan" wayn "ku faraxsan tahay arrintaas".

"Ma jeclin dagaalka, sababtoo ah maba doonayo in aan far dhaqaajino," ayey tiri Lucy - Waxay ka hadleysay nafsadeeda iyo cajisoolayaasha kale ee ay garaneyso.

Si isku mid ah ayey u hadlan?

Haddii markasta uu caajis ku hayo - oo aadan kici karin sida qof aad u xanuunsan oo aadna ku dadaasho - Waxaa suuragal ah in mararka qaar aad ka xumaato dabeecadahaagaas.

Waxaa dhici karto in aad u baahan tahay in markale aad dib u fakarto. Lucy oo ah jilaa deggan Melbourne, dalka Australia, ayaa dadka kale ku dhiiragelineysa in caajiska uusan u xumeyn sida aad moodeyso - cilmi baaris ayaana lagu taageeray aragtideedaas.

Caajiska oo dhan ma ahan wax xun

Lucy

"Dadka caajiska badan waxay u baahan yihiin amaan dheeraad ah. Waxaan si fudud u helnaa sida ugu wanaagsan ee qoraal hal sadar ah lagu dhammeeyo, waqtina kuma lumino taagnaanta dabeysha waddada," ayey sheegtay Lucy.

Lucy waxay og tahay in caajiska uu yahay dabaacedadda sida ugu xun loo arko, laakiin waxay tilmaamtay in ay haboon tahay in dadka aan nuuxsan karin caajiska dartii loo arko kuwa dabci wanaagsan, sababtoo ah qof fiican ayuuba kaa dhigayaa.

  • Kala xulashada ayey ku wanaagsan yihiin
  • Awood badan ayey wax kasta ku bixiyaan
  • Wuxuuna kaa caawinayaa in shaqada aad si degdeg ah u dhammeyso xilliga ugu horreeya ee laguu dhiibo ... si ay dhaqso kaaga dhammato, iyo in aan lagugu soo celin.

Ma caajisbaa mise waa khiyanidda nolosha? Adiga ayaa go'ansanaya...

Lucy being lazy on a sofa

Kuwan waa tallaabooyiinka fudud ee Lucy ay sameyso iyadoo shaqooyiinka malin kasta qabato. Ma caajisbaa misie waa wax ku ool?

  • Musqusha nadiifi inta aad isticmaaleyso - xirfad-badane!
  • Dhark feerey adigoo qallajinaya - waa degdegsiinyo!
  • Sariirta gogol adigoo ku jiira. Maro kasta haraati illaa meesheeda ay ka tageyso, sariirtana ay isku tooseyso.
  • Markasta ogow meesha ugu dhow ee guriga aad ka xaaqi karto, boobsiisna ku dhammee.
line

Hooyada hal-abuurka?

Lucy waxay sheegtay in waxyaabo badan oo la soo saaray, ay ka dhasheen caajis badan.

"Lugta gaariga wax wayn ayey ahayd. Sababta loo soo saaray waxay ahayd in ay dhibaato ahaan jirtay in wax kastaa la jiido oo la geeyo meeshii lagu waday. Waa hal-abuurka fikradda ugu haboon. Sida telefoonka - aad bay u adkeyd in xaafadaha la dhex socdo oo reeraha la soo salaamo ama wax laga soo qaato.

Keligeed kuma ahan fikraddaas.

Ninka aasaasay shirkadda Microsoft, Bill Gates, waxaa aalaaba la soo xigtaa isagoo sheegaya in uu shaqo siin lahaa qof caajisoole ah, sababtoo ah wuxuu helayaa sida ugu fudud ee shaqadaas loo qabto.

Caajiska wuxuu maskaxda ku qasbaa shaqo adag

A productive person tells off a lazy person

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haddaba Lucy fikraddeeda ma saxbaa?

Cilmi-baris uu sameeyay Masud Husain oo ka tirsan jaamacadda Oxford, waxaa lagu sheegay in cajiska uu maskaxda ku qasbo in si adag ay u fakarto, taas oo ah taageeridda aragtida Lucy.

Wuxuu sameeyay baaritaan si uu u arko kala duwanaanshaha u dhexey maskaxda cajisoolayaasha iyo dadka aan caajiska badnayn.

Waxyaabo caafimaad ah oo uu soo qaaday ayaa la baaray, ka dib waxaa loo kala dhigay qeybo - dhiirageliye, dan-laawe iyo wixii u dhexeeya - Waxaa la qiimeeyay jawaabaha ay ka bixiyeen su'aalo la weydiiyay.

"Waxaanu weydiinay in imtaxaan ay galaan, kaas oo lagu weydiiyay su'aalo wax ku ool ah oo ay ku go'aansadeen haddii abaalmarinta ay u baahan tahay dadaal jismi ah," ayuu yiri.

"Waxaan kala qeybiyay abaalmarinnada iyo nooca dadaallada loo baahan yahay, si guusha loo gaaro. Dadaalka waxaa ka mid ahaa in gacantooda la maroojiyo si abaalmarinta ay u helaan."

Maxay noqotay natiijada haddaba?

Dadka caajiska badan maskaxdooda shaqo adag oo awood maskaxeed u baahan ayay qabatay

Man watching TV on sofa and having a beer

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa suuragal ah in aysan la yaab lahayn in kooxdii caajiska badnayd aysan dadaal badan gelin si abaalmarinta ay u helaan, laakiin markii shaqada maskaxdooda la baaray, sidaa ma ahayn xaaladda, waana arrin fajac ku noqotay seynisyahannada.

"Maskaxda dadkii caajiska badnaa way ka duwanayd midda kuwa dhiiragelinta ka helay abaalmarinta. Ma ahan habka shaqada loo qabtay, balse waa heerka ay maskaxdooda ka fakartay go'aan gaaridda howsha," ayuu yiri Husain oo ah dhakhtar ku taqasusay sida maskaxda ay u shaqeyso oo ka tirsan jaamacadda Oxford.

"Waxaa la yaab noqotay in aan ogaanay in maskaxda dadka aan danta ka dhicin ay si adag u shaqeysay marka loo eego dadkii dhiiragelinta helay."

"Waxay ahayd sida in ay aad ugu adkaatay in go'aan ay gaaraan. Waxaana jirtay in maskaxdooda ay si adag uga walwashay isku deygii ahaa in go'ankoodu yahay mid fiican ama mid xun".

Marka, haddii dadka caajiska badan ay awood badan ku bixiyaan ka shaqeysiinta maskaxda, xilligii ay go'anka gaarayeen - maxay tahay sababta loo aaminsan yahay in caajiska badan uu yahay dhaqan xun?

'Ka dhaadhicin'

Young woman tells flat mate off for not tidying up clothes that are everywhere, as she sits on sofa on her phone

Xigashada Sawirka, Getty Images

Weriyaha BBC, Catherine Carr, ayaa qabatay barnaamij ka baxay BBC qeybta Caalamka la Hadasho oo looga hadlay sababta hoos loogu eego dadka caajiska badan.

Xarun jimicsi oo jirdhiska militariga lagu barto oo ku taalla UK ayey Catherine kula kulantay haweeney xilli qabow jimicsaneysay - waxay sheegtay halkii subaxkasta ay caajis badan ku soo toosi lahayd oo sariirta ay saarnan lahayd in ay doorbiday jir-dhiska. Sababtoo ah Way "jeceshahay waana bilow u wanaagsan maalinta oo dhan".

Laakiin maxay tahay sababta ficilkaas loogu arko in uu yahay wax wanaagsan, iyo in cajisoolaha guriga ku sugan loogu arko wax xun? Nin ayaa Catherine u sheegay in arrintaas ay tahay sida lagugu soo barbaariyay xilligii carruurnimada iyo wixii lagaa dhaadhiciyay.

"Anshax ahaan waa khalad. Waxaa la iga dhaadhiciyay in aan aamino in wax uun aan si joogto ah u sameeyo. Taas waxaa ii sheegay waalidiinteyda iyo bulshada. Waa in shaqo aan haysaa markasta, si aad guul u gaarto."

'Dembiile caajisoole ah'

Anastasia Burge, oo jaamacadda Cambridge ka dhigtay filoosofiyadda ayaa baartay in dabcigan xilliyadii hore aad loo nicbaa oo xitaa qofkii lagu arko loo ciqaabi jiray.

"Wuxuu can ahaa xilligii Midowgii Soviet oo xita dadka qaar maxkamad loo geeyay iyagoo ku eedeysnaa ka dhexbidda dadka, taas oo dhab ahaantii ahayd qof dembiile ku noqday caajis dartii".

"Gabyaaga caanka ah Joseph Brodsky - oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel-ka gabayada, ka dib markii uu ka tagay Ruushka - ayaa maxkamad la geeyay waxaana la weydiiyay: "Maxaad sameysaa? Maxay tahay shaqadaada? Maxay tahay xirfaddaada?"

"Wuxuu ku jawaabay: 'Waxaan ahay gabyaa'. Balse, garsoorayaashii ayaa si guud u diiday arrintaas, waxayna ku xukumeen qabashada shaqo adag, isagoo ugu dambeyn Ruushka ka baxsaday ka dibna aaday meel uu fursad ugu heli karay gabayadiisa."

'Waa arrin la xiriirt daryeelka nafta iyo caafimaadka maskaxda'

Mum and daughter meditate together

Xigashada Sawirka, Getty Images

Fikradaha ay ku doodeyso Lucy waa kuwo aan hadda shaqeyn karin, waxayna halis ku yihiin cafimadka maskaxda.

"In aad dadka ka fogaato oo keligaa meel iska joogto, waxay qeyb wayn ka qaadataa in mskaxdaada ay howlgab noqoto, oo jirkaaga uu shaqeyn waayo - Waxayna noqoneysaa sida qof iska hurda ama isaga jiifo kursi.

"Jiilka xilligan waxay ka helaan daryeelka nafta ama la socoshaha caafimaadka maskaxdaada, taas oo dadka qaar ay u arki karaan, in ay u fahmaan in xilli yar aad caajisoole noqoto."

"Lucy waxay sheegeysaa in howlkarnimada aysan keenin abaalmarin, sidii xilliyadii hore ay ahaan jirtay.

"Ma bixin karno deenta nalagu leeyahay xitaa haddii aan lixdan sano shaqeyno," ayey tiri. "Marka waxay ila tahay in naftada aad u shaqeysato in aysan ahayn hab nololeed la sii wadi karo."

Lucy kuma koobna oo keli ah in ay og tahay in "caajisoole" ay tahay, balse dadka kale ayay ku baraarujineysaa in ay ku deydaan ficilkeeda.

Warbixintn waxaa diyaariyay barnaamijka The Way Factor ee qeybta Caalamka la Hadasho ee BBC.