Maxay Golaha Musharaxiinta Puntland ku haystaan guddiga xallinta khilaafaadka

Muddooyinkii ugu dambeeyay Puntland ayaa waxaa ka tagnaa xaalada doorasho oo cakiran

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Muddooyinkii ugu dambeeyay Puntland ayaa waxaa ka tagnaa xaalada doorasho oo cakiran

Muddooyinkii ugu dambeeyay Puntland ayaa waxaa ka tagnaa xaalad cakiran oo doorashada la xiriirta, iyadoo arrintaas ay cirka isku sii shareertay ka dib markii Isimada SSC Khatumo ay qaateen go’aanka ah in 17-ka Xildhibaan ee Khatumo ku matalayay baarlamaanka Puntland aysan ka mid noqon doonin xildhibaanada loo soo xulayo doorasho lagu wado inay Puntland ka dhacdo 8-da bisha Janaayo 2024-ka.

Go’aanka Isimmada ayaa yimid xilli xulista xildhibaanadu ka socoto Puntland, qaar badan oo ka mid ahna ay odayaasha dhaqanku soo saaraan.

Go’aankan oo xaaladda doorashada Puntland sii cakiray ayaa waxaa ka dhashay falcelino kala duwan.

Qaar ka mid ah murashaxiinta mucaaradka ah ee Puntland oo xalay war soo saaray ayaa sheegay in hadalkii dhawaan ka soo baxay isimada dhaqanka ee Khaatumo ay ixtiraamayaan hase yeeshee ay muhiim tahay in heshiis loo dhan yahay laga gaaro arrinta ku saabsan soo xulista xildhibaannada SSC.

Golaha Musharaxiinta Puntland ayaa sidoo kale isku raacay in aan ka hor 31 Disembar 2023 la soo xuli karin xildhibaannada laga soo doorto Khaatumo, inta laga helayo heshiis siyaasadeed oo xukuumadda iyo musharaxiinta mucaaradka ah ka gaaraan soo xulista 17-ka xildhibaan ee reer SSC.

Golaha Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin xildhibaanno ku soo baxay habraac baal-marsan saxiixi Isimada ku soo xuleen xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Puntland doorashadii Disembar 2018.

Maxay Golaha Musharaxiinta Puntland ku haystaan guddiga xallinta khilaafaadka?

Axmed Ciise Cawad

Axmed Ciise Cawad oo horay u soo wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya, haddana ka mid ah Golaha Musharixiinta Puntland ayaa BBC-da u sheegay in guddiga uu ka gaabiyay waxyaabihii lagu heshiiyay.

"Guddiga khilaafaadka waxaa la fariistay Midowga Musharixiinta waxyaabihii la isku raacayna waxaa ka mid ahaa in la yareeyo xasaradda doorashada loona sugo hufnaanta doorashada, in laga qaado ciidamada baraha qaar marka musharixiinta waxay dareemeen in arrintaas aan waxba laga qaban. Waxaa kaloo jirta liisas aan waafaqsanayn nidaamka doorashada oo la qabanayo oo ah kuwa ka duwan kuwa ay soo gudbinayaan isimadii loo igmaday" ayuu yiri Cawad.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cawad oo ka jawaabaya su’aal ay BBC-du weydiisay oo ahayd inay caddeyn u hayaan eedeyntaasi ayaa waxaa uu sheegay inay hayaan cadeeymo, hase yeeshe BBC si madax banaan uma caddayn karto arrinta ay mucaaradku sheegeen. Sidoo kale waxaan isku dayanay maamulka Puntland in aan la xiriirno, laakinse nooma suurto galin in aan jawaab ka helno.

“Cadeyn baynu haynaa oo waxaa jira dhaq-dhaqaaq ciidan oo tira badan oo dhalinaya, dhanka kale waxaanu nahay dad yaqaana dadka waddanka oo dhex jooga, isimada saxiixa leh yaqaanna, marka waxaan kuu sheegayaa inay jiraan kiisas aan ahayn kuwii rasmiga ahaa, waxaana na soo gaaraya cabashooyinka isimada qaarkood,” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

Iyadoo waqtiga gaabaabsi yahay oo la marayo xilliga xildhibaanada la soo xulayo maxaa keenay inay madaxweynaha ku eedeeyaan faro-gelin, taasise khal-khal siyaasadeed ma keeni kartaa amaba inay doorashaduba dib u dhacdo.

Axmed Ciise Cawad oo su’aalahaasi oo ay BBC-du weydiisay ka jawaabaya ayaa yiri “Annagu ma jiro khal-khal siyaasadeed oo aan u rabno Puntland ama meel kale oo Soomaali ka mid ah, laakin waxaan rabnaa in doorashada ay noqoto mid hufan, mid madax-bannaan, mid dadka oo dhan ay raalli isaga yihiin, sidaa daraadeed Golaha Musharixiinta waxay tilmaameen gaabis ka jira guddiga xallinta khilaafaadka.”

Musharraxiinta ayaa waxay sidoo kale qoraal ku sheegeen inay ixitiraamayaan go’aanka Isimada balse ma aysan caddeyn in go’aankooda ay ka soo horjeedaan ama taageersan yihiin. Axmed Ciise Cawad oo BBC-da la hadlay ayaanan si cad uga jawaabin arrintaas.

“Kalmadda ixtiraam waa la garanayaa waa afsoomaali, waan ixtiraameynaa go’aanka isimada waxaana bayaankeena ku soo jeedinay tallaabooyin iyadoo la ilaalinayo xasiloonida Khaatumo iyo tan Puntland iyo sidoo kale wadajirka dadka walaalaha ah,” ayuu yiri

Sidoo kale madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ka hadlay go’aankii kasoo baxay Isimada SSC ee ku aadan ka bixitaankooda Puntland, wuxuuna sheegay inuu saameyn wey ku yeeshay Puntland, gaar ahaan qaabka ay u socotay doorashada.

Cabdiweli Gaas

Dhanka kale guddoomiye kuxigeenka maxkamada sare ee Puntland, Axmed Sheekh Cumar Xasan ayaa sheegay in go'aanka isimada Khaatumo uu yahay mid ka hor imaanaya heshiisyadii hore loo gaaray, isagoo intaa raaciyay in waqtiga uu go'aanku ku soo aaday uu yahay xilli aan ku habbooneyn.

“Arrinta kale waxaa weeye shalay go’aamaa kasoo baxay dhaqanka SSC, waxayna nagu yeelatay saameyn weyn guud ahaan Puntland, gaar ahaan Process-kii socday ee doorashada ” ayuu mar kale yiri madaxwyenihii hore ee maamul goboleedka Puntland.

Isimada SSC Khatumo ayaa BBC-da u sheegay inay galayaan kulan ay kaga hadlayaan falcelinta ka dhalatay go'aankooda iyo hadalka wasiirka cadaaladda Puntland.

BBC oo la xiriirtay garaaddada Khaatumo ee go'aanka soo saaray ayey qaarkood u sheegeen inay shir ka leeyihiin arrimaha soo kordhay.