Waa kuma hogaamiyihii Falastiiniyiinta ee ay dileen askartii uu watay Ra’iisul wasaarihii Israa’iil, haatanna isbitaalka loogu magac daray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaca Kamaal Cadwaan ayaa dhawaan la aad lo maqlay ka dib markii Taangiyada Israa'iil ay ka baxeen isbitaal loogu magac daray oo ku yaalla Waqooyiga Marinka Qaza, Sabtidii 16-kii December, iyagoo ka tagay burbur iyo jahawareer, iyo waxyeello ay u gaysteen dad rayid ah oo raadinaya meydka eheladooda oo ku jira burburka.
Isbitaalka dawladda waxaa la aasaasay 2002, ka dib kacdoonkii 2aas ee intifada, wuxuuna ku yaalaa mashruuca Beit Lahia oo ku dhex yaala xudduudaha maamulka Waqooyiga Gaza, waxaana loo furay si loo daboolo baahiyaha dadka deggan Jabalia, Beit Lahia, iyo Beit Hanoun.
Waa kuma Kamaal Cadwaan oo magaciisa la siiyey isbitaalkaas ku yaalla xerada Jabalia ee Gaza?
Kamaal Adwan oo ahaa hogaamiye falastiiniyiin ah, kana mid ahaa aasaasayaashii dhaqdhaqaaqa Fatax, ayay Israa'iil ku dishay sanadkii 1973-kii magaalada Beyruut, isagoo qayb ka ahaa hawlgallo xiriir ah oo ay Mossad ku doonaysay inay ku khaarajiso madaxda falastiiniyiinta, taasoo jawaab u ahayd hawlgaalkii Munich ee 1972.
Cadwaan waxa uu la wareegay mas’uuliyadda qaybta warbaahinta ee dhaqdhaqaaqa, waxaana loo doortay xubin ka tirsan Golaha Qaranka Falastiin 1964-kii, iyo xubin Golaha Dhexe ee Fatax 1970-kii.
Waxaa uu ku dhashay 1935 tuulada Al-Bireh oo u dhow Ashkelon, "wuxuuna u qaxay isaga iyo qoyskiisa Gaza 1948 wixii ka dambeeyey Nakba oo ah markii Israa’iil ay gobanimadeeda qaadatay," sida laga soo xigtay website-ka Ururka Xoreynta Falastiin.
Waxa uu hore uga tirsanaan jiray ururka Ikhwaanul Muslimiinka, balse waxa uu ka baxay ururka sannadkii 1954-kii, waxaanu aasaasay urur hubaysan oo dagaallo jabhadayn ah sameeya.
Israa’iil ayaa xirtay 1956-kii, waxayna sii daysay isla sanadkaas markii uu dagaalku dhammaaday, Qazana waxay ku noqotay maamulka Masar.
Wuxuu Masar ku bartay bartay injineerinka batroolka, wuxuuna ka soo shaqeeyay Sacuudiga iyo Qatar, halkaas oo uu ka qeyb qaatay aasaaska garabka Fatax.

Xigashada Sawirka, Historica
Hawlgalkii Verdun 1973
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dabayaaqadii 1960-meeyadii, ururada hubaysan ee Falastiin waxay ku hawlanaayeen fulinta hawlgallo ka dhan ah Israa’iil, kuwaas oo ay ugu caansan yihiin afduubka diyaaradaha rakaabka ee rayidka ah, si ay u dalbadaan in la sii daayo maxaabiista Falastiiniyiinta.
Jabhadda PLO waxay afduubtay diyaarad rakaab ah oo ay lahayd shirkadda Israel ee El Al sannadkii 1968-kii, iyo diyaarad Maraykan ah sannadkii 1969-kii,d hawlgal ay fulisay Leila Khaled.
Isra’iil oo ka jawaab celinaysa waxay ku dhaqaaqday siyaasad ay ku khaarajinayso hogaamiyayaasha falastiiniyiinta, gaar ahaan kuwa masuulka ka ah qorshaynta hawlgalkan oo kale.
Sannadkii 1972-kii, kooxda Falastiiniyiinta ee Black September ayaa afduubtay 11 ciyaartoy intii lagu jiray ciyaarihii Olombikada ee Munich.
Howlgalka ayaa ku soo idlaad ay dhimashada la heystayaashii iyo kooxihii afduubka u heystay kadib markii ay fashilmeen howlgalkii lagu soo furtay.
Hawlgalkii Munich ka dib, Israa’iil waxay go’aansatay inay kordhiso dilalka qorsheysan ee lagu hayo madaxda Falastiiniyiinta.
Bishii Abriil 10, 1973, cutub ka tirsan ciidamada Kumaandooska ee Israa'iil ayaa gudaha u galay badda Bayruut, waxayna fuliyeen dilka saddex hoggaamiye oo Falastiiniyiin ah oo kala ahaa: Muhammad Youssef al-Najjar, Kamaal Nasser, iyo Kamaal Cadwan, kaasoo lagu dilay gurigiisa oo ku yaal Beirut.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ehud Barak ayaa ka qeyb galay howlgalkaasi markii uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxaana isaga iyo raggii ay hawsha wada fuliyeen ay isku soo ekeysiiyeen dumar.
Askarta kale ee Israa'iiliyiin ah ayaa xidhnaa dhar rayid ah si ay uga fogaadaan in la ogaado. Israa'iil waxay habkan ugu yeertay "Gugii Dhallinyarada."
Markii ay Israa’iiliyiintu yimaadeen Beirut, baabuur rayid ah oo ay wateen wakiilladii Mossad hore ugu sii joogay ayaa geeyey halkii ay u socdeen.
Intii uu socday howlgalkan, Israa’iiliyiinta waxaa u suurtagashay in ay qarxiyaan dhisme ay leeyihiin Jabhadda Dimuqraadiga ee Xoreynta Falastiin.
Wadooyinka magaalada Beyruut ayaa waxaa ka dhacay dagaalo xooggan ka hor inta aysan u suurta galin in ay kaga baxaan dhanka badda iyo cirka, kadib markii labo askari oo Israa’iiliyiin ah lagu dilay howlgalka.
Ra’iisul wasaarihii Lubnaan Saeb Salaam ayaa iscasilaadiisa u gudbiyay dhacdadaas ka dib, waxaana xumaaday xiriirka u dhexeeya garabyada ururka xoreynta Falastiin iyo maamulka Lubnaan oo lagu eedeeyay inaysan ilaalinayn Falastiiniyiinta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
2019, wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa daabacay dukumiintiyo, sawiro, iyo wareysi lala yeeshay wakiilka Mossad oo lagu magacaabo Yael Mann, kaas oo uu uga sheekeeyey tafaasiisha howlgalka ay Mossad u xilsaartay Beirut.
Yael waxa uu qaatay hawsha la socodka madaxda Falastiiniyiinta ee Verdun, diiwaangalinta wakhtiyada dhaqdhaqaaqooda iyo tafaasiisha kale ee saxda ah, sida marka laydhka guriga la damiyo ama la shido.
Yael waxa uu Beyruut joogay isagoo dhigayey dalxiise reer Yurub ah, waxa uuna soo diray sawiro iyo xog la xiriirta dhaq-dhaqaaqa hogaamiyayaasha Falastiin, gaar ahaan Kamaal Cadwaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hawlgalkii Kamaal Cadwaan
Shan sano ka dib, sannadkii 1978-kii ayaa Kamaal Cadwaan ayey mar kale magaciisa la soo qaadday. Laakin markan, Falastiiniyiinta bilaabay hawlgal loogu magac daray "Kamaal Cadwaan," oo Israa'iil looga yaqaan Xasuuqii Waddada Xeebta.
Dagaalyahanno ka tirsan dhaqdhaqaaqa Fatax oo badda ka soo galay ayaa gudaha u galay magaalada Haifa, waxayna jidka u galeen bas rakaab ah oo ku sii jeeday Tel Aviv, kaasoo ay saarnaayeen 83 Israa’iiliyiin ah.
Kooxdan ayaa ka tirsanayd guutada Deir Yaasiin, waxaana hogaamineysay gabar 19 jir ah oo lagu magacaabo Dalal al-Mughrabi. Waxaa ku jiray saddex Lubnaani, Yamani, iyo siddeed Falastiiniyiin ah.
Ka qaybqaadashada gabadh dhallinyaro ah ay ka qayb qaadatay hawlgallada milatari ee xudduudaha falastiiniyiinta ayaa ahaa mid aan hore loo arag, waxaana Dalal soo tababaray guutada Muxamed Yuusuf al-Najjar (Abuu Yuusuf).
Intii uu hawlgalkani socday, waxa mar kale soo galay Ehud Barak, isaga oo ay ciidamadu u xil-saareen inuu madax u noqdo askartii la dagaallantay kooxda Falastiiniyiinta.
Dhacdadan ayaa ku soo afjarantay dilka 38 qof oo rayid ah oo Israa’iiliyiin ah iyo hal askari oo ay weheliyaan 9 ka mid ah kooxihii ka dambeeyay weerarka, ayadoo ay qaraqmeen laba ka mid ah kooxdaas ka hor intii aanay gaadhin xeebta Haifa. Waxaa la xiray laba ka mid ahayd kooxdii we erarka soo qaadday oo badbaaday, Khaled Abu Asba iyo Xuseen Fayyad, kuwaasoo markii dambe lagu sii daayay maxaabiis is-weydaarsi 1983-kii.













