Maxay dad badan oo Soomaalidu ka mid tahay u jecel yihiin Canada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Canada ayaa noqotay dal ay door-bidaan dad badan oo kasoo jeeda Afrika, ayna ka mid yihiin Soomaalida.
Gaar ahaan sanadihii lasoo dhaafay, waxay Canada noqotay dal ay dad badan ka codsadaan dal ku gal sababo la xiriira inay tahay dal ay u dhan yihiin adeegyada aasaasiga ah.
Canada, oo albaabbadeeda u furtay shaqaale badan oo kasoo jeeda Afrika iyo dalal kale, ayaa la sheegay in fiisaheeda iyo degganaanshaheeda ay sidoo kale fudud yihiin.
Maaddaama siyaasadda muhaajiriinta ee Canada ay furan tahay, milkiilayaal ganacsi oo ajaanib ah ayaa door biday inay ku noolaadaan.
Keliya maaha Soomaalida iyo Afrikaanka’e, dad kasoo jeeda dalalka Galbeedka ayaa iyaguna doortay ku noolaanshaha Canada.
Qiimeynta lagu sameeyay magaalooyinka adduunka ee lagu noolaan karo ayaa lagu soo bandhigay in magaalooyin ka tirsan Canada ay soo galeen 10-ka magaalo ee ugu nolosha fiican.
Qiimeynta lagu sameeyay 173 magaalo oo dunida ah sanadkan, saddex ka mid ah ayaa ku yaalla Canada, waana magaalooyin ay deggan yihiin Soomaali badan.
Magaalooyinkan ayaa lagu xushay xasiloonida ka jirta, hannaanka caafimaadka, dhaqanka iyo deegaanka iyo sidoo kale waxbarashada iyo kaabayaasha.
Sadedxdan magaalo ee soo galay 10-ka ugu sarreeya ayaa kala ah Vancouver, Calgary iyo caasimadda, Toronto.
Vancouver ayaa gashay kaalinta shanaad, Calgary ayaa kaalinta toddobaad la gashay Geneva, halka Toronto ay gashay kaalinta sagaalaad.
BBC-da la hadashay qaar ka mid ah dadka ku nool magaalooyinkan, si aan wax uga ogaanno sababaha ay ku doorteen.
Vancouver

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay ku taallaa xeebta galbeed ee quruxda badan, Vancouver wuxuu Eebbe ku manneystay kheyraad dabiici ah.
"Buuraha iyo badweyn-nada Vancouver ee naftu ay jecleysato" ayaa la mid ah sida janno ku taalla adduunka, ayay tiri Samantha oo ka mid ah dadka deggan halkaas.
Inkastoo Samantha iyo qoyskeedu ay ku noolaayeen Vancouver 20-kii sano ee lasoo dhaafay, haddana quruxda magaalada ayaa weli qalbigooda ku taalla.
Quruxda Vancouver waa dhulkeeda, xitaa haddii uu roob da’ayo, waxaad dareemeysaa "dareen nooc kale ah marka aad dibadda u baxdo," ayay tiri Samantha.
Samantha ayaa sheegtay in magaalada ay tahay mid si gaar ah u qurxoon xilli-roobaadka. Haddii aad timaaddo Vancouver, Stanley Park, oo ku fadhisa dhul cabbirkiisu yahay 405 hiktar oo ay ku hareereysan yihiin geedo, waa mid ka mid ah meelaha la booqdo ee ku yaalla bartamaha magaalada, ayay tiri. Gaar ahaan geedaha 700-800 sano jirka ah ayaa muuqaal gaar ah u yeela magaalada.
Dadka doonaya inay ka boodaan buuraha, waxay arki karaan quruxda cajiibka ah ee magaalada haddii ay koraan buurta Mount Gros. Kaddib marka aad korto figta buurta waxaad halkaas ku cabi kartaa shaah amaba qaxwahaaga.
Dadka aan dan badan ka lahayn kheyraadka dabiiciga ah, waxaa indhaha u furi kara dhaqamada kala duwan ee magaalada iyo cunnooyinka kala duwan.
Haddii aad rabto cunnooyinka Soomaalida sida canjeerada, bariiska, dheylo, suqaar, hilib geel iyo baasto waad heleysaa sidoo kale.
Calgary

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay dhacdaa gobolka galbeed ee Alberta, Calgary waxay ku taallaa meel u dhow Buuraha Rocky ee caanka ah. Dadka ku nool ayaa Calgary ku qeexaya inay tahay magaalo yar, inkasto ay tahay magaalo weyn. Qiimaha nolosheeda wuu ka hooseeyaa magaalooyinka kale.
“Inkastoo Calgary ay ka mid tahay magaalooyinka ugu waaweyn Canada, waxay leedahay waxyaabo u gaar ah. Magaaladu waa mid bulsho, dadku waa kuwo soo dhoweyn badan. Waxaa sidoo kale lagu yaqaannaa suuqyada lagu iibiyo wax soo saarka beeraha," ayay tiri Laura Pope, oo deggan magaalada isla markaana leh bar ay kusoo bandhigto waxyaabaha ay safarka kala kulanto.
Inkastoo aad dareemi karto inaad ku nooshahay magaalo weyn oo xaafadeed, Calgary kuma yara maqaayadaha, isu imaatinnada dhaqameed iyo caweysyada habeenkii.
Magaaladu waxay sidoo kale hoy u tahay dad meelo kala duwan kasoo jeeda. In ka badan 240 kooxood oo isirkoodu kala duwan yahay Soomaalina ku jirto ayaa ku nool iyadoo 165 luqadood looga hadlo, waana magaalada saddexaad ee ugu weyn Canada.
Toronto

Xigashada Sawirka, Getty Images
Caasimadda Canada, Toronto, waxay soo gashay kaalinta koowaad marka la eego bulshada ku nool. Waxay furtay in ka badan 1500 beeraha lagu nasto ah iyadoo eegeysa bulshada ku nool, waxay dadkeeda u diyaarisay inay guryahooda kasoo baxaan oo ay hawo qaataan.
Haddii aad ku safreyso bas, baaskiil, tareen amaba lug, badqabkaaga marnaba su’aal ma galayo. Mar walba waa meel nabdoon.
Magaalada oo tixgelin laga siiyo dadka marka la eego dhismayaasheeda, waxay nolosha ka dhigeysaa mid fudud marka loo eego magaalooyinka kale ee Canada.
Waxaa ku yaalla waddooyin dhulka hoostiisa mara oo loogu talogalay xilliyada uu jiro qabowga daran.
Xitaa cimilada qabow, "si raaxo leh ayaan uga soo lugeyn karaa xafiiskeyga ilaa garoonka amaba boosteejada tareenka, maqaayadaha iyo xitaa xarumaha caafimaadka aniga oo aan u baahan jaakadda dhaxanta," ayuu yiri Hong Anh Le, oo deggan magaalada.
Toronto, Canada waa meel aad ku baran karto dhaqamo iyo luqado kala duwan, waxayna hoy u tahay ganacsiyo badan oo billow ah. Waxay sidoo kale hoy u tahay shirkadaha waaweyn sida Uber, Google, iyo Facebook.
Waa magaalada saddexaad dhanka teknolojiyadda ee Waqooyiga Ameerika marka laga soo tago New York City iyo Silicon Valley.













