Cabitaanka biyo badan marka aad harraadsan tahay 'waxay sababi karaan dhimasho degdeg ah'

Qof biyo cabbay

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Qof biyo cabbay

Badanaa waxaan biyaha u cabnaa si aan caafimaadkeenna kor ugu qaadno , laakiin mararka qaar haddii aan cabno biyo badan, waxaan nafteenna galin karnaa xaalad halis oo loo yaqaan hyponatremia.

Johanna Pakenham waa gabar cayaaryahan orodka ah waxaa ay qarka u fuushay dhimashada sanadkii 2018, ka dib markii ay cabtay ku dhawaad shan litir oo biyo ah.

Waxaa ay BBC-da uga warrantay khibraddeeda arrintaan ku saabsan, waxaana ay sheegtay in aysan ay ogayn in wax fudud sida biyo badan oo la cabbo ay qof dili karto.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Johanna oo ka qeyb galaysa tartanka oradka marathonka ayaa waxaa ay cabtay shan litir oo biyo ah ,ayada oo intaas kadib dareentay Madax xanuun kadibna dhulka ku dhacaday,waxaan la dhigay Isbitaal.

Waxay gashay xaalad loo yaqaano hyponatremia, oo ah xaalad ku dhacda marka qofku cabbo biyo ka badan inta uu u baahan yahay.

In qofku cabo biyo ka badan inta jirkiisa u baahan yahay waxaa ay sababta in nafaqooyinka kale ee jirka ku jira ay lumaan oo biyo ay dhaqaan.

Michelle Whitehead, oo ah Haweeney kale ayaa dhimatay bishii Sebtembar 2023-kii ka dib markii ay cabtay biyo badan.

Waxaa ay ahayd hooyadan oo laba caruur ah leh, waxaana xilligaasi laga daweynayay xanuunka dhimirka, waxaana muddo ay ahyed mid aan cabin biyo badan.

Michelle lagu daaweynayay xarun caafimaad oo dhanka dhimirka ah ayaa malin cabtay biyo xad dhaaf, ka dibna waxay gashay miyir-beel, ka hor inta aanay shaqaaluhu ogaan in ay geeriyootay.

Goorm ayay biyuhu dhimasho keeni karaan?
cabbitaanka biyaha xad dhafka ah.

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, cabbitaanka biyaha xad dhafka ah.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qadarka biyaha uu qof kasta u baahan yahay inuu cabbo maalin kasta,Waxay ku xiran tahay caafimaadkaaga, da'daada, inta jirkaag uu le'eg yahay, nooca shaqada aad qabto iyo deegaanka aad ku nooshahay.

Sanadkii 2010, Hay'adda Badbaadada Cunnada Yurub, ee EFSA, ayaa cilmi baaris ku sheegtay in cabbitaanka hal litir oo biyo ah maalintii ay u fiican tahay haweenka halka laba litir iyo bar ay u wanaagsan tahay ragga.

Cilmi baarista ayaa sheegtay in 20% biyaha jirkeena gala ay ka yimaadaan cuntada.

Saynis yahano kale ayaa iyaguna sheegay in laba litir oo biyo ah la cabo maalin kasta ay tahay mid caadi ah.

Laakiin daraasad cusub oo ay sameeyeen saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Aberdeen sanadkii 2022 ayaa sidoo kale sheegay in laba litir oo biyo ah maalintii ay aad u badan tahay in la cabbo.

Professor John Speakman oo ka tirsan jaamacadda Aberdeen ayaa BBC-da u sheegay “Xadiga biyaha ay tahay in aan cabno dhab ahaantii waa inta uu biyo ah ee uu jirkeenu u baahan yahay” ayuu yir.

“Hadii qofku cabo biyo ka badan kuwa jirkiisu u baahan yahay waxaa suurtgal ah in xaalada caafimaad ay ku keento” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Talooyin ku saabsan biyaha ay tahay in qofku hal mar cabbo
Qof biyo cabbay

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Qof biyo cabbay

Haddii aad cabto biyo ka badan inta jirkaagu xamili karo ama calooshaadu ay ka cuslaato jirka intiisa kale waxaa la dhahi karaa waxan la cabay biyo xad dhaaf ah.

Cab biyo kugu filan si aad haraadkaaga uga baxdo, kadibna jooji cabbista

Iska ilaali inaad cabto biyo badan ama cabitaano kale hal mar

Mar kas too aad cabto biyo badan ciyaarta kadib ama ka hor xasuunow waxaa ay kugu keeni karaan xanuun.