Qodobbada ay wax iska badalayaan ka dib go'aankii garaaddada Khaatumo ay ka qaateen doorashada Puntland

Xigashada Sawirka, Garowe Online
Isimmada Khaatumo ayaa soo saaray go'aan ay ka gaareen xulista xildhibaanadii ay ku lahayeen Puntland kuwaas oo dhan 17 xildhibaan.
Go'aanka Isimmada ayaa yimid xilli xulista xildhibaanadu ka socoto Puntland qaar badan oo ka mid ahna ay odayaasha dhaqanku soo saaraan.
Sool iyo Buuhoodle ayaa lahaa tirada ugu badan ee hal beel ku lahayd baarlamaanka Puntland laakiin hadda go'aanka ayaa haddii uu hirgalo baddalaya qaabdhismeedka saamiqaybsiga baarlamaanka.
Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo ah afhayeenka garaaddada ayaa BBC-da u sheegay in ay ka fursan waayeen inay qaataan go'aankan ka dib soo jeedinta dadka Khaatumo.
‘’Annaga iyo Puntlnad waxaa nahay labo maamul oo walaalo ah, waxaanan hadda arrintan u samaynay inaysan isku milmin oo ay kala ahaadaan laba kala soocan, mana is lihin waxbaa u dhimaysaan walaalihiin Puntland, qorshuhu wuxuu ahaa inaan shirweyne yeelano laakin doorashada Puntland oo ku go'an qabsoonkeeda 8 janaayo ayaa keentay inaan sidan u soo saarno” ayuu BBC-da u Sheegay Garaad Cabdisalaan Xasan.
Garaadka oo ka jawaabayey haddii tani abuuri karto khilaaf siyaasadeed oo soo dhexgala Puntland iyo Khaatumo ayaa sheegay inaysan filayn inay dhaco balse ay si walba iyagu u yihiin kuwa ku qasban inay qaataan waxaa shacabka Khaatumo ay doonayaan.
Gudoomiyihii hore ee dalladda ururada Bulshada Rayidka ee Puntland Faysal Axmed Warsame ayaa BBC-da u sheegay arintan ay saamayn ku yeelanayso doorashada hadda howsheedu ka socoto Puntland, taasna ay keeni doonto in doorashada hadda lagu gali doono 49 mudane oo baarlamaanku noqonayo marka laga reebo kuwa Khaatumo. Faysal wuxu sheegay in kooramka oo seddex meelood laba marka u buuxsamo la qaban karo doorasho madaxweyne.
Laakinse wuxuu sheegay Faysal in "saamaynta ay arrintan ku yeelanayso doorashada ay tahay dib u dhac ku yimaada doorashada oo laga yaabo in aysan wakhtigeeda ku qabsoomin, iyo khilaafyo hor leh oo soo kala dhex gala mucaaradka iyo dawladda oo ku saabsan sida loo wajahayo go'aanka garaaddada".
Aragtidaas oo kale waxaa qaba Cabdiweli Maxamuud Gurey oo mar u istaagay tartanka madaxtinimada Puntland. "Wakhti ayey qaadan doontaa khilaafka dhashay la xalliyo, muddadaasna waxaa dhici karto in doorashadu dib u dhacdo" ayuu yiri.
Sidee u ekaanayaa baarlamaanka Puntland

Xigashada Sawirka, Puntland Parliament
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida muuqata waxaa is badal ku imaanayaa tirada xildhibaannada baarlamaanka Puntland ka dib go,aankii Isimmada dhaqanka ee Khaatumo.
Mudanayaaasha baarlamaanka ayaa ah 66 xildhibaan oo ka kooban dhamaan gobollada Puntland hase yeeshee waxay u muuqataa in hadda ay noqonayaan 49 mudane oo kaliya.
Ka sokow in Sool iyo Buuhoodle ay leeyihiin tirada ugu badan ee hal beel ku leedahay baarlamaanka Puntland, waxay haddana sidoo kale leeyihiin gudoomiye xigeenka labaad ee Barlamaanka oo inta badan noqonayey mudane ka soo jeeda degmada Buuhoodle.
Faysal Axmed Warsame gudoomiyihii hore ee dalladda bulshada rayidka ee Puntland ayaa BBC-da u sheegay in ay saamayn ku yeelanayso hanaan dhismeedka Puntland oo lagu heshiiyey 25 sano ka ka hor.
"Waxan is leeyahay waxay ahayd in go'aanka la siiyo waqti dhamaan dhinacyadu uu quseeyo laakin haddana waa muhiim in la ixtiraamo rabitaanka dadka khaatumo go'aanka ay Isimmadoodu ay gaareen” ayuu yiri Faysal.

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA
Saami qaybsiga siyaasadeed ee Puntland
Hanaanka awood qaybsiga ee Punland waa hanaan aan meelna ku caddayn, xitaa dastuurka maamulkaas sida loo qaybsanayo Madaxweynaha, ku xigeenka iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.
Hase yeeshee Sool ayaa inta badan hesha Madaxweyne xigeenka, tiro wasiirro ah iyo agaasimayaasha wasaaradaha dowladda, iyo taliyeyaal ciidan marka la eegana waa tiro aan yarayn.
Sida ku cad go'aanka Isimmada Khaatumo cid iyaga ku matali doonta puntland ayey sheegeen inaysan jirin oo maamul gooni ah ay leeyihiin.
Gudoomiyihii hore ee Dallada PUNSA ayaa qaba in haddii dowladu isku daydayo in dadka ka soo jeeda Sool iyo Buuhoodle ay sifo sharci ahayn ugu dhigaan Xildhibaano ay keeni karto khatar iyo khilaaf hor leh oo dhinacyda soo kala dhex gala.

Xigashada Sawirka, GOOGLE
Maamulka Puntand ma ka sii shaqayn doonaa sool iyo cayn
Puntland ayaa hadda ka kooban 9 gobol sida ku dhigan dastuurka maamulkaasi kuwaasoo kala ah, Mudug, Bari, Karkaar, Haylaan, Sanaag, Cayn, Sool, Karkaar iyo Gardafuu.
Haddii sida Isimmada Khaatumo ay hadda go'aamiyeen u hirgalo qorshaha waxay ka dhigan tahay in maamulka Puntland uusan ka shaqayn karin gobollada hadda ay Khaatumo sheegaynayaan oo ah Sool iyo Cayn.
Faysal Ahmed, gudoomiyihi hore ee Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee Puntlnd ayaa sidan sheegay ‘’Waxay u baahnaan doontaa waqti si ay u kala guuraan Puntland iyo Khaatumo arintaasna waxay ila tahay inay u taallo xukuumadda cusub ee timaada Puntland iyo Maamulka Khaatumo.
Puntland ayaa ah maamul goboleedkii ugu horeeyey ee ka dhasha Soomaaliya kaas oo ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Puntland waxaa iminka laga bilaabay xulista xildhibaannada, maamulkana wax jawaab ah kama bixin go'aanka garaaddada, ayadoo maalmo ay naga xigaan xilligii lagu dhawaaqi lahaa liiska xildhibaannada baarlamaanka Puntland.













