Wax laga og yahay dilka sarkaalka u shaqeynayay Hay’adda Duulista Hawada ee meydkiisa laga helay gurigiisa

Xigashada Sawirka, Facebook
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka sarkaal ka tirsan hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo meydkiisa xalay laga helay guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho.
Qoyska sarkaalka la dilay ee lagu magacaabo Cabdinaasir Muuse Xaaji ‘Dahable’, Booliska Soomaaliya, iyo xitaa Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Soomaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay kiiska dilka sarkaalkan, iyada oo ay Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland oo eede ujeediyay dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Meydka Sarkaalka ayaa laga helay guri uu ka degenaa magaalada Muqdisho, oo saldhig u ahayd iyo tan markii uu ku biiray Hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed xafiiskeeda Muqdisho.
Waxa laga og yahay dilka ilaa iyo hadda, iyo sida uu u dhacay

Xigashada Sawirka, MM TV
Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay kiiska sarkaalka Cabdinaasir Muuse dil, halka Booliska Soomaaliyeed ay shaaciyeen inay soo qabteen lix qof oo looga shakisan yahay kiiska kuwaas oo ay ku wadaan baaritaan.
Booliska Soomaaliya ee baaritaanka ku wada kiiskan waxay sheegeen in meydka Cabdinaasir laga helay guri uu ka degenaa magaalada Muqdisho shalay oo ahayd Axad, abaaro 06:30 galabnimo kadib markii ay wargelin ka heleen dad la degenaa Dahable guriga.
Boolisku ma bixin faahfaahin dheeraad ah, laakiin waxay sheegeen inay markii hore heleen xog ah in meydka qof muwaadin ah uu yaallo gurigii uu degenaa oo ku yaal Waaxda Janaraal Daa’uud, gaar ahaan xaafada Ceel Qalow.
Boolisku waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen eedeysaneyaal, iyaga oo sidoo kale gacanta ku dhigay cadeymihii goobta loogu tagay si ay ugu adeegsadaan baaritaanada socda.
Wax faahfaahin ah kama aysan bixin eedeysaneyaasha la qabtay, waxa ay yihiin iyo sida loo qabtay midna.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Xildhibaan Maxamed Xayir Maareeye, oo la kulmay taliyaha Booliska Somaaliyeed Janaraal Sulub Axmed Firin waxa uu sheegay inay socdaan baaritaano xoog leh, islamarkaasna la xiray dhammaan dadkii guriga la degenaa sarkaalka la dilay ee u shaqeynayay hay’adda Duulista Rayid iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya.
Xildhibaan Maareeye waxa uu intaa ku daray in Boolisku ay sidoo kale sheegeen inay qaadeen baaritaano lagu ogaanayo dadkii ugu dambeeyay ee taabtay jirka meydka, kuwaas oo la filayo inay gacan ka geystaan sida dilku u dhacay iyo ogaanshiyaha dadka ka dambeeya.
Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Hawada maamulka ee iskood madax banaanida ugu dhawaaqay ee Somaliland oo war kasoo saartay geerida Cabdinaasir, waxay ku eedeeyeen kiiska Cabdinaasir dowladda federaalka ee Soomaaliya ee uu u shaqeynayay, iyaga oo aan soo bandhigin wax cadeyn ah oo kabaya eedeyntooda.
Laakiin Xildhibaan Maareeye oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka federaalka iyo Golaha Wasiiradda ku metala marxuum Cabdinaasir Dahable waxa uu sheegay in uu ku qanacsan yahay talaabooyinka baaritaan ee ilaa iyo hadda ay qaadeen booliiska Soomaaliya.
Aabbaha dhalay Muuse Xaaji Cabdi oo saxaafadda la hadlay ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in meydka wiilkiisa sida ugu fudud loogu keeno.
“Geeridu waa xaq wayna kala naxdin badantahay, wayna kala xanuun badantahay, waxaan dowladda Soomaaliya ka codsanayaa in inankaas [meydkiisa] sida ugu fudud oo aan siyaasad layga gelin, in aan ku samro oo aan aasto, ayaan ka codsanayaa madaxda Soomaaliya.”
Waxa laga yaqaan Sarkaalka meydkiisa laga helay gurigiisa

Xigashada Sawirka, Facebook
Cabdinaasir Muuse Xaaji, 32, waxuu muddo ku dhow 8 sanno ka shaqaynaayay Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya. Waxuu kamid ahaa 42 shaqaale ah oo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Duulista Hawada ee ICAO ay ka qaadatay magaalada Hargeysa laguna tababaray dalka Kenya.
Waxa uu ka shaqeeyay garoonka diyaaradaha ee Garoowe muddo kahor inta uusan wareegin xafiiska laga hago diyaaradaha ee Muqdisho ay ku leedahay Hay’adda Duulista.
September 2022 ayuu kamid kamid noqday koox dhallinyaro ah oo ku ku guuleystay Chevening Scholarship oo ah deeq waxbarasho oo Dowladda Ingiriisku bixiso, oo muddo sanad lagu qaato shahaadada labaad ee Jaamacadda.
Fasax waxbarasho oo dheer kadib, waxuu kusoo noqday Soomaaliya bishii December ee sanadkii tegay, isaga oo dib ugu laabtay shaqadii uu u hayay Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.
Cabdinaasir waxu ahaa, Aabbo dhalay hal gabadh ah sida la sheegay isagoo dadkii aqoonta ulahaa ay ku tilmaameen qof aad u afgaaban oo aadna u dedaal badan.
















