Sida Maryam iyo Nada, mataanaha isku-dhagan, uga badbaadeen geeridii loo saadaaliyay

Maryam iyo Nada lama fileyn inay sii noolaadaan wax ka badan maalmo yar

Xigashada Sawirka, IBRAHIMA NDIAYE

Qoraalka sawirka, Maryam iyo Nada lama fileyn inay sii noolaadaan wax ka badan maalmo yar, laakiin waxay buriyeen dhammaan filashooyinka caafimaadka

Nada iyo Maryam lama filayn in ay noolaadaan maalmo kooban markii ay dhasheen, haddase waa 7 sanno jir waana labada mataanno ee isku dhegan ee kaligood ku nool Yurub.

Waloow labada gabdhood leeyahiin labo shaqsiyadood oo mid walba jaadgooni ah, haddana waa kuwo isku tiirsan si’ay u noolaadaan.

Aabbahood, Ibraahim, ayaa yidh: “Marka laguu sheego bilowgaba in uusan mustaqbal jirin, wakhtigaas taagan ayuunbaad noolanaysaa.”

Mataanayaasha is-dhegan waa kuwo dhif ah, kuwaas oo laga heli karo hal 500,000 ee qof ee carruur ah ee ku dhalata UK.

Marka aragtida Maryam iyo Nada oo ula dabaaldeggaya dhalashooda 7-aad koox saaxiibadod ah farxay bay u abuuraysaa Aabbahood Ibraahim, iyo sidoo kale dhakhaatiirtii iyaga daryeelay.

Maryam iyo Nada, waxay wadagaan labada lugood iyo miskaha, laakiin mid waliba waxuu leeyahay laf-dhabar iyo wadne.

Waxay helaan daryeel 24 saac ah, sidoo kalena iskuul ku yaala koonfuta Wales ayay si joogta ah u aadaan iyagoo la jira saaxiibadod.

“Waa dagaalyahanno, qof walba u caddeynaya khaladkiisa” ayuu yidhi Ibraahim “Gabdhadhahaygu waa kuwo dadka ka duwan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maryam aad bay u aamusantahay, wayna hadalyartahay, Nadana aad bay uga duwantahay, way madax bannaantahay.

Ma dhahaayo waa wax dhibyar tani, balse waa mudnaan weyn. In aad nasiib leedahay ayaad dareemaysaa markaad aragto dagaalkan joogtada ah ee nolosha loogu jiro” ayuu ku daray isagoo hadalka sii wata.

Markay mataanahani ku dhasheen Sinigaal 2016-kii, waalidkood waxay filanayeen hal ilmo keliya.

Dakhaatiirtuna mana filayn in ilmahaasi noolaan maalmo yar ka wax ka badan.

“Waxaan ka fekeraayay in aan labadaba waayo uun si dhakhso leh, waxa keliya ee aan awoodana waxay ahayd in aan la jiro iyaga safarkoodana aana ku cidlayn,” ayuu Ibraahim u sheegay BBC-da dokumentari ay gabdhaha ka samaysay mar uu ka hadlaayay.

“Si cad baan u aragnay bilowgii horeba in aan la tacaamullayno, labo dagaalyahan oo nolosha ku dheggan.”

Waxaa la aaminsanaa fursadda ugu wanaagsan ee ay ku badbaadi karaan in ay tahay in lakala jaro.

Kadib markay Isbitaalo badan oo adduunka ah caawinaad weydiisi iyagoo dalbanaya ku mareen, qoyska ayaa London si ay u helaan daryeel Isbitaalka Great Ormo Street Hospital ee gudaha London ku yaala ayaana la dhigay 2017.

Ibrahima waxuu rejaynaayay in Isbitaalkan caanka ah ee carruurta, kaa oo kala jaray tirada ugu badan ee carruur isku dhegan caalamka oo dhan in u awoodi doono in uu labadiisa gabdhood kala jari doono kadibna uu dib ugu noqon Caasimadda Dakar ee Sinigaal.

Laakiin sidaas wax uma dhicin, imtixaanadii la sameeyay ayaana lagu ogaaday in wadnaha Maryam uusan awoodin in uu galo qaliin adag.

Ibrahima wuxuu gabdhihiisa, Maryam iyo Nada, ku sii hayay Boqortooyada Ingiriiska si ay usii helaan kormeerka caafimaadka ee Isbitaalka Great Ormond Street.

Xigashada Sawirka, IBRAHIMA NDIAYE

Qoraalka sawirka, Ibrahima wuxuu gabdhihiisa, Maryam iyo Nada, ku sii hayay Boqortooyada Ingiriiska si ay usii helaan kormeerka caafimaadka ee Isbitaalka Great Ormond Street.

Khubaro dhakhatiir ah ayaana ka digay in labada gabdhood ayna noolaan doonin bilo yar gudahood haddaan lakala jarin.

Dhakhaatiirta ayaana sheegay uu Nada siin doono fursadda ugu fiicna ee noolaansho.

“Dilitaanka Ilmo kay ah si’aan u nooleeyo ilmo kale oo kay ah waxay ahayd wax aana sina u awoodin samayntooda,” ayuu yidhi Ibraahim isagoo sii watana waxuu raaciyay intaas.

“Naftayda uma ogolaan karo, mida dhiman hadda iyo midda noolaan.”

Hooyadood markay ku noqotay Afrika si’ay u xanaanayso carruurteea kale, Maryam, Nada iyo Ibrahiima waxay ku hadheen UK si’aay u helaan daryeel caafimaad waxayna usoo wareegeen Cardiff.

“In aana awoodin in aan ku noqdo dalkaygii hooyo oo qoyskaygii iyo shaqadaydiiba tahay waa wax aad u adag,” ayuu sheegay Ibraahima oo maamule ka ahaa shirkad ka shaqaysa dalxiisa dalka Sinigaal.

Waxuu ku daray, “Laakiin aad ugamasii fekero, qalbigayga ayaana raacay. Waana waajibkayga waalidnimo in aan garabkooda ahaado, tana waxay ahaanaysa hiigsiga noloshayda.”

Mataanahu si joogta ah ayaa baadhitaan caafimaad loogu sameeyaa maadaama oo ay halis ugu jiraan in qaadaan caabuqyo iyo shaqada wadnaha oo istaagta.

Dr Gillian Body, oo lataliye arrimaha carruurta ah ka ah Jaamacadda Hospital Wales, ayaa yidhi:

“Bilowgii waxay ahayd mid aan aad ugu farxo, markii danbena waxaan ogaaday in tani tahay keliya wax aan buugaagta ka akhriyay.”

“Waxay leeyahiin isku labo lugood, iyo hal misko, iyo illaa calooshooda oo is raacsan.”

Waxaan leenahay xubno badan oo kala duwan, aad uma kala wada naqaanno, balse waxaan naqaana kuwo qaar in ay caanyahiin, qaarkoodna kala qaybsanyahiin” ayuu Diktoorku ku daray.

Waxay leeyahiin lafdhabar qaybsan oo wadata dareensiyaashii oo dhan (nerves), laakiin si bay dhammaantood isugu xidhiidhsanyahiin, mana aha midkoodba midka kale in uu u sheego sida gacan ama lug loo dhaqaajiyo,” ayay ku dartay.

Dharka matanaayaashu waa iska caqabad, waa in aad iibiso laba finaanadood oo isku mida haddana aad gayso dukaan dharka kala beddela si’aad ugu xidho” ayuu yidhi Ibraahima.

Waxaa kale oo uu yidhi, “waxay leeyahiin laba lugood sidaas darteed waxay xidhan karaan sarwaal caadi ah, laakiin miskaha ayaa weyn sidaas darteed waa in aad harqaanle gayso marada si dhexda loogu hagaajiyo.”

Maryam iyo Nada waxay ku raaxaystaan ​​inay saaxiibadood kula ciyaaraan dugsiga hoose ee Cardiff

Xigashada Sawirka, IBRAHIMA NDIAYE

Qoraalka sawirka, Maryam iyo Nada waxay ku raaxaystaan ​​inay saaxiibadood kula ciyaaraan dugsiga hoose ee Cardiff

Qoyska ayaa hadda la qabsaday bulshada ku nool Cardiff mataanahu si joogto ah ayay u helaan daryeel iyagoo leh labo caawiyeyaal oo joogto ah.

“Waxaan rabaa nolol caadi ah in ay ku noolaadaan, in ay ciyaaraan in ay qoslaan in ay saaxiibbo yeeshaan iyagoo labo qof ahna horumar sameeyaay,” ayuu yidhi Ibrahima.

Waxuu ku daray isagoo hadalka sii wata: “Ma’aha cid in ay iska qariyaan, joogitaankooda iskuulkana waxuu tusinayaa in ay qayb ka yahiin bulshada iyo in ay nasiib leeyahiin in ay bulshada ka qayb noqdaan”.

Caqabada labaad ee Maryam iyo Nada wajahayaan waa in ay istaagaan oo ay socdaan, waxayna isku dayayaan hadda in ay taas sameeyaan illaa 20 daqiiqo maalintiiba iyagoo biro ku dhex jira, waxay ku guuleysteen wax aan cidina ku fekerayn in ay ku guuleystaan” ayuu sheegay Ibraahima.

Isagoo hadalka sii wata shucuurtiisana qeexaya ayuu yidhi Ibraahima: “Waxaan ogahay wakhti walba, in laga yaabo in taleefan iisoo dhaco iina sheegi karo wax in ay dhaceen.

Ilaa goormase ayay xaaladani waaraysaa? Ma rabo in aan ogaado.

Maalin walbase wax cajiib ah ayaan samaynaynaa in si aan ugu dabaaldegno nolosha.

Waxaa laga yaabaa in ay iska hor-imanayso sidani, laakiin waad ku farxi si walbooy tahay.

Dhibaatooyinka ay wajahaan marka laga tagana, waxay naftayda u sababaan farxad badan, [waana galad eebbe oo] weyn in aan aabbahood ahay.