Waa kuma Shariif Xaaji Soomaaligii ugu horreeyay ee loo doortay baarlamaanka Alberta?

Xigashada Sawirka, Durraan Xasan
Shariif Xaaji ayaa noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee loo doorto baarlamaanka gobolka Alberta ee dalka Canada.
Waxa uu ku tartamay tikidhka xisbiga New Democratic Party (NDP) isagoo helay 52.5% codadkii laga dhiibtay deegaanka Edmonton-Decore.
Shariif ayaa ka guulaystay saddex musharrax oo uu kamid yahay Sayid Axmed oo matelayay xisbiga Conservative.
Doorashadii xisbiga dhexdiisa ahayd ee dhacday June 2022, Shariif waxa uu kaga soo adkaaday Chris Nielsen oo baarlamaanka gobolka ku metalayay deegaankaas laga billaabo 2015.
Nielsen oo caddaan ah ayaa taageero ballaaran ka haystay ururada shaqaalaha rayidka ah, balse guusha Shariif ayaa muujinaysa in codadkooda aanay wax badan ka bedalin natiijada.
Xildhibaanka la doortay ayaa ololihiisa ku saleeyay waxyaabihii u soo qabtay bulshada Alberta iyo qaabka uu wax uga qaban doono arrimo ay kamid tahay sinaan la’aanta isirka ee gobolkaas.
Alberta ayaa waxaa ku nool soogalooti badan, gaar ahaan qowmiyadaha Bariga Afrika oo ay kamid tahay Soomaalida.
“Guushaydu waxay uga dhigan tahay Soomaalida iyo qowmiyadaha Bariga Afrika in aan nahay dad qaan-gaaray oo aan ka mid noqonay 87 xubnood ee gobolku doorto si aayaha iyo danaha Alberta ay go’aan uga gaaraan muddada afarta sano ee soo socota,” ayuu yiri Shariif.
Waxa uu sheegay in xisbigiisa NDP uu u janjeero soo dhaweynta dadka soogalootiga ah ee ay Soomaalidu ka midka tahay.
“Dadka Soomaaliyeed ee gobolkan degan waxa ay u badan yihiin ganacsato yaryar. Dhanka dhaqaalaha iyo canshuur dhimista marka la fiiriyo, xisbigayagu waa uu u wanaagsan yahay dadkaas. Marka siyaasadaha aan dadka horgeynayay ayaa u badnaa kuwo u cuntama dadka Soomaaliyeed,” ayuu ku dooday Shariif.
Xildhibaanka la doortay ayaa tilmaamay in uu ka shaqeyn doono sidii loo meel marin lahaa shuruuc xakameynaya naceybka ku salaysan diinta iyo isirka, sidoo kalena wax looga qabanayo dilalka dhalinyarada Soomaalida ah.

Xigashada Sawirka, Durraan Xasan
Waa kuma Shariif Xaaji?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu tegay Canada sanadkii 2011. Ka hor waxa uu kamid ahaa hawlwadeennada hay’adda World Vision ee ka shaqeysa Soomaaliya.
Sida ku cad bartiisa LinkedIn, waxa uu sanadkii 2010 shahaaadada culuunta caafimaadka iyo adeegyada bulshada ka qaatay jaamacadda Koonfur Afrika (University of South Africa).
Markii uu Canada tegay, waxa uu shahaadada Master caafimaadka dadweynaha ah ka qaatay jaamacadda Alberta.
Shariif Xaaji ayaa muddo ka shaqeynayay arrimaha bulshada, gaar ahaan danaha Afrikaanka ku nool Canada.
Markii uu xilkan u tartamayay, waxa uu iska casilay agaasimaha Africa Centre, jagadaas oo uu hayay ku dhawaad afar sano.
Waxa uu kamid yahay asaasayaasha ururka Federation of African Canadians Economics (FACE), kaas oo dhaqaalo u raadiya ganacssiyada dadka madow ay ku leeyihiin Canada.
Waxa uu sidoo kale xubin ka ahaa isbahaysiga dhaqamada kala duwan ee Edmonton iyo Xarunta Isirka iyo Dhaqanka.
Shariif ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay wasaarado dhowr ah oo uu leeyahay gobolka Alberta.













