Sababta uu Sacuudiga haweenka ugu oggolaaday iney maxram la'aan xajiyaan

W/Q : Nasteexo Axmed Cabdi (Qoraa)
Sacuudi Carabiya ayaa horraantii sanadkan ku dhawaaqday in haweenku ay hadda iska diiwaan gelin karaan xajka sanadlaha ah iyada oo uusan la soconin nin mas'uul ka ah (maxram), sida ay dowladda Sucudiga sheegatay.
Wasaaradda Xajka & Cumrada ee Boqortooyada Sacuudiga waxay ku dhawaaqday wixi hadda ka dambeeya iney haweenka maxram la’aan soo gudan karaan waajibaadka xajka ama cumrada.
Haweenka da’doodu u dhaxeyso 18-45 jir ayuu sharcigan khuseeyaa, taasoo ka qeyb qaadaneysa kordhinta tirada xujaajta iyo muctamiriinta.
Sharcigan ka hor, dumarka gudanaya waajibaadka xajka wuxuu sacuudiga ku xiray in ay la socdaan maxram si ay ugu soo safraan Xaramka Shariifka ah.
Haddii 45 sano ay ka wayntahay se, waa la oggolaa in koox hoggaan rag ah leh ama dumar wada ah oo aamin ah, ay u raaci karto Xaramka.
Markuu soo baxay sharcigan, waxaa ku farxay dumar badan oo Muslimiin ah in aan maxram lagu xirin oo waxaa mar walba jiray dumar u xiisa qaba in mar un xajj & cumro soo guttaan iyagoon awoodin maxram in ay helaan.
Sannadkii 2019-kii ayuu Sucuudigu ku wergaliyay hay’adaha dalxiisku in ay dumarka maxram la’aan soo qaadi karaan laakiin mas’uuliyad buuxda iskama saaraan dumarkaas maxram la’aanta ah.
Sanadkan 2022-kana waxaa la sameeyay madal elektroonig ah oo lagu wacyigelinayo dadka cumraysanaya ama xajinaya oo ay Wasaaradda Xajjka & Cumrada ku soo bandhigtay hordhac macluumaad ku saabsan sida iyo shuruudaha loo gudan karo waajibaadkaas.
Waxaa ka mid ah in la diiwaangeliyo haweenka bilaa maxramka ah oo ka imaanaya dunida oo dhan iyada oo la raacayo hal-ku-dhegga ah "Koox Haween ah” oo da'da ay ka billaaban karaan 18 ilaa 45 sano jir.

Isbaddallada gudashada xajka ku dhacay
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hagaajinta iyo is-beddelka xeerarka gudashada cumrada iyo xajjka ayaa waayahan dambe si joogta ah iisu baddalaya si adeegyada loogu saleeyo baahida martida Alle (swt) ee Xaramka imaanaya.
Wax badan ayaa iska baddalay habka loo dalbanayo xajjka & cumrada oo dawladdu waxay u kala qaybisay laba siyaabood:
1) in dadku si toos ah mareeggta ay dawladdu maamusho kasoo xaraystaan iyo 2) in dadku kasoo xaraystaan shirkadaha dalalkooda ka hawlgala.
Sidoo kale fiisaha ayaa wax badan laga baddalay. Waxaa lagu soo kordhiyay fiisooyinka (dal-ku gal ah) seddex nooc oo kala ah:
1) fiisaha booqasho rasmi ah sida ka qaybgal shir ama gudasho shaqo
2) fiisaha dalxiiska iyo
3) fiisaha meel-sii-marka ah (transit) oo afar 4) maalmood ah si qofkii raba uu cumrada u gudan karo.
Isbeddelladaan uu Sucuudigu ku tillaabsaday ayaa lagu tilmaamay in ay tahay adeeg lagu sugayo badqabka socdaalka (diyaarad, tareen, gaari) haweenka.
Waxay soo qaateen xadiis ku sugan Saxiixul Bukhaari oo u oggolaanaya haweeneyda inay safri karto iyadoon maxram la socon, kuna sugan xilli ay jirto nidaam, cabsi la’aan iyo amni;
Halkaas oo uu Rasuulku (scw) yiri: “In gabadhu Sanca ama Ciraaq - labadaas magaal marba mid ayaa la sheegay - kasoo socdaasho illaa Makkah iyada oo aan ka baqayn wax aan ka ahayn Eebbe iyo in yeydaa uga baqdo arigeeda mooyaane.”
Macnaha xadiiska Rasuulka (scw) waxuu ula jeeda in islaamku faafi doono oo amni ballaaran la gaari doono oo keenaya in gabdhaha muslimka ahi kaligood safri doonaan.

Sidaa darteed ayuu Sheekhul-Islaam Ibnu Taymiyyah soo saaray fatwo u fasaxaysa haweeneyda in ay xajjka u safarto maxram la’aan, haddii ay nafteeda u nabad gasho oo kalsooni ku qabto safarka.
Waxaa kale oo ay daliishanayaan dadka bannaynaya arrinkan xadiiskii Hooyo Caa’isha (rc) inay safartay iyada oo aan maxram la socon oo markii uu saxaabigii Abuu Siciid Al-khudriyy (rc) arrintaas kala hadlayna ay ku tir, “dhammaan dumarku ma wada leeyihiin maxram.”?
Waxaa intaa dheer in Hooyooyinkii Mu’miniinta (rc) ay u baxeen xajjka iyaga oo aysan wehlinin maxram.
Sheekha Al-Azhar, Dr. Axmed Al Dayib ayaa sheegay maadaama amnigii fiday oo dhib la’aan safarrada casrigaan yihiin, in loo oggolaado haweeneyda in ay xajjiso ama cumreysato iyada oo aan maxram wehelin haddii ay la socoto koox aamin ah.
Sidoo kale Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi ayaa qaba in dumarku cumradda iyo xajka gudan karaan maxram la’aan iyadoo shardigu yahay jawi ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo.
Haddii aan idin la wadaago safarkaygii cumrada ee sannadkan (25-29 May) waxaan soo cumreystay aniga oo aan wax maxram ah ila socon, iyo koox dumar ah, oo kaligay ah.
Si fiican oo sahlan ayaan ku dhammaystay, alxamdulillaah. Waayadan dambe horumar ayaa lagu sameeyay u adeegga dadka cibaadada u tagaya Sucuudiga.
Matalan, Jeddah marka aan ka dagay isla eeraboorka (airport) ayaan ka racaay tareen u socday Makkah muddo nusaac ka yar qiyaastii 23 daqiiqo.
Adeeg kasta waxaad helaysaa dumar kuu qabanaya oo ay ka mid yihiin safaf dumar u gaar ah meel walba.
Dhanka gudashada xajjka sannadkan 2022 - waxaan la xiriiray mas’uul dhanka shirkadaha Soomaalida ee qaabilsan xajjka oo ku sugan Sucuudiga oo ii sheegay in sannadkan ay jiraan dumar wada socda oo maxram la’aan xajinaya.
Wuxuu kaloo ii sheegay in ay jiraan dumar kaligood socda. Wuxuu iigu daray in qofka kaligii - rag ama dumar - u socda ay qarash badantahay. Sababtaa ayay dad badan ku doortaan in ay koox la socdaan.

Argtiyada go'aankan ka soo horjeeda
Aragtiyo kale oo ka duwan go’aankaan ayaa jira. Walow aniga shakhsiyyan aan ku faraxsanahay go’aanka lagu oggolaanayo maxram la’aanta oo aan weliba uga mahadcelinayo dawladda Suucuudiga, waxa jira culimo badan oo kale oo tilmaamaysa inuu go’aankan yahay mid khilaafsan shareecada.
Haweenayda ma safri kartaa maxram la’aan?
1- Mad-habka Shaaficiga iyo Maalikiga iyo culumo kale oo badan waxay qabaan inay gabadha muslimadda ah maxram la’aan u safri karto safarka waajibka ah sida xajjka & cumrada.
Sidoo kale, waxbarasho, caafimaad, hijro, siminnaar ka qaybgal, shaqo, booqashada saygeeda carruurteeda, waalidkeed, walaalaheed iwm. Waxay shardi uga dhigeen in nafteeda, maalkeeda, diinteeda iyo sharafkeeda intuba aanay wax soo gaaraynin.
Waxay soo daliishadeen in xaasaska nabiga (scw) markuu geeriyooday kadib u safreen xajjka lana socdeen rag kale oo ajaanib ka ah iyo dumar asxaabta ka mid ah oo aammin ah.
Sidoo kale waxay ku fasireen xadiiska safarka gabadha maxram la’aanta diidin in uu khuseeyo marka ay jirto khatar xaga amniga ah oo uu Rasuulka (scw) u baqay dumarka oo xilligaas amnigu aad u liitay.
2- Mad-habka Xanbaliga iyo Xanafiga wax ay qabaan in aysan gabadha maxram la’aan safri karin. Waxay u daliishadeen xadiis uu Nabigu (scw) ku yiri: “haweenayda ma safri karto 3 maalin safar qaadanaya in uu maxram la jiro mooyee.”

Xigashada Sawirka, AFP
Gunaanad
Marka ay culimada isku khilaafaan arrin fiqi ah, qofka caadiga ah waxaa u furan in uu raaco ra’yiga duruuftiisa iyo baahidiisa dabooli kara, inakastoo Soomaalidu ay haysato madahka Shaaficiga ee u oggolaaday dumarka sida aan kor ku soo xusay.
Ugu danbayn, waxaa mahad muudan hoggaanka Sacuudiga oo horumar joogta ah ka wada u adeegga arrimaha Xajjka & Cumradda. Waxay kale oo ku mahadsanyihiin, si gaar ah, go'aankaan wanaagsan oo ay ugu hiilliyeen dumarka Muslimiinta ah oo u hilow-qabay gudashada cumrada iyo xajjka.
Wallaahu aclam, wa billaahi towfiiq.














