Xajka sanadkan: Nin Afghanistan u dhashay oo baaskiil ku tagaya Makkah

Xajka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka sanadkan gudanaya Xajka waxaa ka mid ah Nuur Axmed oo uu dhashay dalka Afghanistan, isla markaana go'aansaday inuu baaskiilkiisa ku tago magaalooyinka barakaysan.

Ninkan oo diiday in dowladda dalkiisa ay ka bixiso kharashka uu ku raaci lahaa diyaaradda, ayaa sheegay inuu doonayo inuu dhiirageliyo dadka lacagta haysta ee aan weli tegin Xajka.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horraysay muddo labo sano ah waxa ay fasaxday in Muslimiinta dibedda ay gudan karaan Xajka.

Hal milyan oo qof oo ku nool gudaha iyo dibedda Sacuudiga ayaa sanadkan fursad u heli doona gudashada mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan Islaamka, kaasoo sanadihii 2020 iyo 2021 u baaqday xanuunka Covid-19 awgii.

"Waxaan doonayaa in baaskiilkayga aan ku safro, si aan u soo guto waajibkaas uu Alle i saaray," ayuu yiri Nuur oo ka gaabsaday inuu aqbalo kaalmada ay u fidisay dowladda Afghanistan.

Ninkan oo aan weli gaarin Sacuudiga ayaa baaskiilkiisa saartay cunno iyo dhar ku filan inta uu safarka yahay.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Wuxuu sidoo kale dal-ku-gal ka qaatay waddamada Iran iyo Ciraaq oo uu sii maray, maaddaama Afghanistan aanay xuduud la lahayn Sacuudi Carabiya.

"Noo soo ducee," ayay yiraahdeen dad la yaabay go'aanka iyo geesinnimada Nuur.

Dhacdooyin hore

Ma aha markii ugu horreysay ee ay dad baaskiil ku tagaan dhulka barakaysan, si ay u soo gutaan Xajka.

Xajkii u dambeeyay ee 2019, 8 xujey oo Britain u dhalatay ayaa gaaray magaalada Makkah, kaddib markii ay baaskiilo ku safrayeen muddo labo bilood ah.

Sida ay qortay warbaahinta StepFeed, xujeydaas ayaa ka tallaabay xuduudaha 17 dal si ay u gaaraan Sacuudiga.

Taher Akhtar oo hoggaaminayay kooxdaas ayaa sheegay in caqabadaha ay la kulmeen ay ka mid ahaayeen isbeddelka cimilada, gaar ahaan roobabka, kuleylka, waddooyin raf ah, iyo khatar uga timid xayawaanno ay ka mid yihiin masas.

"Safarku wuxuu ahaa mid diimeed, inkastoo ay jireen caqabadahaas, haddana waxaanu darreennay inuu ahaa mid cajiib ah," ayuu u sheegay StepFeed.

Abrar Axmed

Xigashada Sawirka, Abrar Ahmed

Qoraalka sawirka, Abrar Axmed

Horraantii bishii February, Abrar Xasan oo u dhashay dalka Pakistan ayaa magaaladiisa Nankana Sahib ee gobolka Punjab ka billaabay safar uu mooto ku aadday Sacuudiga.

Kaddib 50 maalmood oo uu safrayay, wuxuu magaalada Madiina gaaray 27-kii March.

"Waxaan mar kasta ku haminayay in aan mooto ku tago Sacuudiga, sanadkan ayayna ii rumowday riyadaas," ayuu warbaahinta u sheegay Abrar oo ah injineer u shaqeeya shirkad gawaarida samaysa oo Jarmalka laga leeyahay.