Waa kuma ninka Aqalka Cad ku qabsan raba Joe Biden?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Robert F Kennedy Jr ayaa gudbiyay warqado uu horseedayo in uu ka qeybgalo doorashada madaxtinimada ee Mareykanka ka dhaceysa sanadka 2024-ta isagoo matalaya xisbiga dimuqraadiga.
Ninkan 69-jirka ah ayaa ah wiil uu dhalay Senator Robert F Kennedy oo la dilay, waxaana adeer u ah madaxweynihii hore ee Mareykanka John F Kennedy.
Waxaana arrintani xaqiijiyay John E Sullivan, oo ah qareen u ololeeya arrimaha deegaanka.
Mr Kennedy waa nin si weyn ugu ololeynayay kana soo horseeday tallaalka ka dhanka ah cudurka Karoona, barta Instagram-ka ayaa akoonkiisa ka saartay halkaas sanadkii 2021-kii.
Shirkadda Instagram-ka waxay ku eedeysay Mr Kennedy in uu si joogto ah u faafinayay waxyaabo been abuur ahaa oo ka dhan ah tallaalka.
Labada xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuurigu waxay qabsadaan doorashooyin isreeb-reeb oo u gaar ah si ay usoo doortaan cidda xisbiga ku matali doonto doorashada Madaxweynaha, Mr Kennedy waxaa lagu tirin doonaa nin ka yimid bannaanka xisbiga Jamhuuriga.
Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay inuu mar kale usoo is taagi doono xilka madaxtinimada, inkastoo uusan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu yahay musharrax.
Waxaa lagu waday in ololahiisa doorashada uu bilaabo horraanta bishan April balse kaaliyeyaasha ayaa sheegay in wakhtiga ololaha doorashadiisa uu wax ka baddalay.
Warbaahinta CBS News, oo bahwadaag la ah BBC-da ayaa ku warrantay in la filayo inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo musharraxnimadiisa horraanta xagaagan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bishii hore, Marianne Williamson, oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa kusoo biirtay ololaha loogu jiro doorashada madaxtinimada.
Dhinaca xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay inuu yahay musharrax Madaxweyne, waxaana ku biiray dad kale oo ay ka mid tahay safiirkii hore ee Mareykanka u fadhin jiray Qaramada Midoobay, Nikki Haley.
Xilliggii uu Mr Kennedy shaacinayay in uu u tartamayo doorashada 2024, wuxuu yiri, "Haddii aan doorashada u tartamo waxaan diiradda saari dooonaa sidii aan kusoo afjari lahaa musuq maasuqa ka dhex taagan dowladda iyo shirkadaha arrintaas oo horseeday in dhaqaalaheena uu burburo, waxaan sidoo kale meesha ka saari doonaa wasakheynta deegaanka iyo biyaha, waxay sumeeyeen carruurteena, waxay dhaceen qiyamkeena iyo xoriyaddeena".
Mr Kennedy ayaa u sheegay dad isugu soo baxay New Hampshire bishii March in uu "ka gudbay caqabaddii ugu weyneyd" - si uu ugu tartamo doorashada Madaxweynaha Mareykanka.
Isaga oo ka mid ah aasaasayaasha shirkadda qaabilsan sharciyada arrimaha ilaalinta deegaanka, Mr Kennedy waxa uu ku guulaystay abaal-marinno uu ku helay u ol'olaynta arrimaha deegaanka sida helidda biyaha nadiifka ah iyo ka shaqaynta nadiifinta webiga Hudson ee mara magaalada New York.
Waxaa sanadihii u dambeeyay soo ifbaxayay ololahisii ka dhanka ahaa tallaalka, dhaleeceyn xooggan ayuu kala kulmay arrintaas xitaa qoyskiisa wey cambaareeyeen, sanadkii 2021-kii, Kerry Kennedy walaashiis waxay ku tilmaantay nin 'aad halis ugu ah ah' tallaalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sannadkii 2019, saddex xubnood oo kale oo qoyskiisa ka tirsan ayaa warbixin ku qoray warbaahinta Politico, iyaga oo dhaleeceeyay aragtida Mr Kennedy uu ka qabay tallaalka.
Qaar kamid ah qoyskiisa waxay aragtidiisu ku sheegeen inay "aad u qaldan tahay" ayna ka dhalan karto "cawaaqib xumo sababi karto dhimasho ".
Sanadkii 2022, shirkadaha Facebook iyo Instagram waxay meesha ka saareen akoonnada kooxda horkaceysay ololaha ka dhanka ah tallaalka ee uu aasaasay Mr Kennedy, waxay ku eedeeyeen in si joogto ah uu uga hor imaanayay: 'siyaasadaha shirkadda ee ku saabsan ku xadgudbka macluumaadka caafimaadka iyo in si khaldan uu wax u faafiyay".
Intii uu ku gudo jiray ololahiisa ka dhanka ah tallaalka Covid-19, waxaa kusoo xirmay taageerayaal cusub xilliggii cudurka Karoona markaasoo kooxda wadday ololaha ka dhanka ah tallaalka uu laba laabmay dhakhliga soo galayay kaasoo gaaray $6.8m oo doolar.
Mr Kennedy waxa kale oo uu daabacay buug, uu ugu magac daray The Real Anthony Fauci, wuxuuna buuggiisa ku eedeynayaa madaxii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa ka hortagga cudurrada faafa in uu saameeyay afgambi taariikhi ah oo ka dhan ah Reer Galbeedka.
Mr Kennedy waxa uu leeyahay cillad xagga codka ah, waxaana ku dhacay cudur saameeyay muruqyada qaabilsan codka qofka.
Wuxuu sanadkii 2014-kii guursaday atariishada lagu magacaabo Cheryl Hines , wuxuu ku noolyahay magaalada Los Angeles, ee gobolka California.













