Biden oo soo dhaweeyey in Putin la soo xiro

Madaxweyne Joe Biden

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo dhaweeyey waaranka ay maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC u jartay Putin si loo soo xiro. ICC ayaa madaxweyne Putin ku eedeysay inuu dambiyo dagaal uu ka geystay dalka Ukraine.

Madaxweyne Biden wuxuu sheegay inuu shaki ku jirin Putin inuu dambiyo dagaal galay.

Biden oo warfidiyeennada la hadlayey wuxuu sheegay “Putin inuu dambiyo dagaal uu ka geystay inti uu socday dagaalka Ukraine”.

Dacwadda ay maxkamadda ICC ku soo oogtay Putin ayey diiradda ku saartay Moscow carruurta ay Ukraine ka qaaddo oo ay Ruushka geyso.

Moscow oo beenisay eedeymaha loo soo jeediyey isla-markaana cambaareysay ayaa ku tilmaantay “wax laga xumaado”.

Amarka ay ICC soo saartay oo ay ku sheegtay in Putin la soo xiro ayaan u muuqan mid aan suuragaleyn maadaamaa loo baahan yahay waddanka qofka la dooonayo in la soo xiro uu gacan ka siiyo.

Ruushka oo aan xubin ka ahayn maxkamadda ICC uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa dalka Ruushka wax awood ah ku laheen.

Balse amarka soo xiritaanka ee ay maxkamadda ICC bixisay ayaa Putin ka sameyneso dhanka socdaalka uu ku aadayo meela waddankiisa ka baxsan maadaamaa ay dhici karto maxkamadda qofka ay soo qabaneyso iney waddan kale ka soo xirato.

Waxayna maxkamadda Putin soo xiri kartaa oo kelei haddii uu cagta dhigo mid ka mid ah 123 waddan ee xubinka ka ah maxakamadda dambiyada dagaalka ee ICC.

Putin ayaana noqonaya madaxweynihi seddexad oo ay maxkamadda ICC waaran soo qabasho u jarto.

Maamulka Biden wuxuu horay u sheegay inuu madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin uu dambiyo dagaal uu ka geystay dalka Ukraine tani iyo marki uu dagaalka billawday.

Halka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ay bishii February sheegtay cid kasta ku lug lahaato dambiyada dagaal ee ka dhacay Ukraine ‘wax laga weydiinayo’.

Warbixin ay qaramada midoobay soo saartay horraantii toddobaadkan waxay Moscow ku eedeysay carruurta Ukraine eek u nool deegaannada Ruushka uu xoogga ku qabsaday ay xoog ku kaxeeyaan.

Sawirro: Astaanta ICC iyo Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

ICC masoo xiri kartaa Putin?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maxakamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC waxaa loo aasaasay in ay dacwad ku soo oogto oo ay cadaaladda horkeento kuwa mas'uulka ka ah dambiyada ugu xun - xasuuqa, dambiyada ka dhanka ah aadanaha, iyo dembiyada dagaalka. Maxkamaddu waxay leedahay xukun caalami ah.

Waa maxkamaddii ugu dambaysay, oo soo faragelisa oo keliya marka masuuliyiinta qaranku aanay dacwayn karin ama aanay doonayn inay dacweeyaan qofka dambiilaha ah.

ICC ma laha awood ay ku xirto tuhmanayaasha, waxayna awood u leedahay oo kaliya inay galangal ku yeelato wadamada saxiixay heshiiska lagu dhisay maxkamada, oo loo yaqaan Rome Statute.

Ruushku kama mid aha saxiixayaasha heshiiskan - sidaas darteed Vladimir Putin ama Maria Lvova-Belova midkoodna lama dhiibi doono, dabcan Putin waa madaxweynaha Ruushka.

ICC waxay ku tiirsan tahay wadamada caalamka si ay gacan uga geystaan soo qabashada iyo u wareejinta tuhmanayaasha xarunta maxkamadda ee Hague.

Ruushka ayaa ku celceliyay ina aanay aqoonsanayn maxkamaddan, wax micno ahna aanay ugu fadhinin warqaddan ay soo saartay iyada oo Hogaamiyihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev uu aad ugu fogaaday inuu is barbar dhigo waaranka lagu xirayo Vladimir Putin iyo "warqado musqusha". Isaga oo ula jeeda in anay la qiima dhaamin warqadda saxarada la iskaga tiro.

Ninkan oo madaxweyne ka soo noqday Ruushka intii u dhaxaysay qaar ka mid ah xilliyadii Putin, ka dibna muddo dheer soo hayay xilka ra'iisul wasaaraha, ayaa si weyn u hadal hayay oo taageersanaa dagaalka Ukraine.