Madaxweyne Biden oo hadal isaga lagu caayayo khalad fahmay soona dhaweeyey

Mr and Mrs Biden at the Norad event

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qof ayaa si majaajillo ah u soo wacay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden isaga oo u adeegsaday weedh canaan ah oo ka dhan ah Biden, inta lagu guda jiray munaasabadda Aqalka Cad ee Kirismaska.

Mr Biden iyo Marwada Koowaad Jill Biden ayaa martigelinayay baaq farxaddeed oo qoysaska dalkaas uu la wadaagayey, waxaa xaaladdaa ku cusbaa markii aabbe soo wacay uu sheegay madaxweynaha: "Ina keen, Brandon."

Sida muuqata isaga oo aan fahmin ayuu aayar Mr Biden wuxuu sheegay inuu aqbalay.

Weedhan, ayaa noqotay qaylo dhaan dad badan oo muxaafid ah, taas oo weedh dahsoon oo lagu aflagaadeeyo Mr Biden.

Lamaanahan hoggaamiya Aqalka Cad ayaa hab online ah kula sheekaysanayey carruurta iyaga oo fulinaya caado madaxda dalkaasi leeyihiin.

Intii lagu guda jiray dhacdadii jimcaha ee Aqalka Sare ee Maxkamadda Koonfurta ee aqalka fulinta, Bidens ayaa la hadlay qoys ka soo jeeda Oregon: oo ka kooban Griffin oo 11 jir ah, Hunter oo saddex jir ah Piper oo Afar jir ah Penolope oo laba jir ah ah iyo aabbahood, Jared.

"Waxaan u maleynayaa inaad tahay aabe," ayuu yidhi madaxweynahan xisbiga Dimuqraadiga ahi."Haye. Haa mudane," ayuu Jared ku jawaabay.

"Hagaag, aabbe, maxaad rabtaa Christmas-ka?" ayuu weydiiyey Mr Biden.

"Malaha habeen deggan" ayuu ku jawaabay isagoo qoslaya.

line

Madaxwaynuhu waxa uu yidhi: "Waad ogtihiin Aabbe, in aanu sidoo kale annaguna haysano Hunter, waxaa noo jooga wiil la yidhaahdo Hunter iyo wiil aan awoowe u ahay oo la yidhaahdo Hunter."

"Ma ogayn in uu jiro in aad leedahay wiil aad awoowe u tahay oo lagu magacaabo Hunter, taasi waa wax fiican," ayuu yiri Jared.

Madaxweynaha ayaa weydiiyey da'da Griffin.

"Waxaan ahay 11," Griffin ayaa yidhi. Waxana uu u sheegay in uu doonayo biyaano.

Jared ayaa dhexda kasoo galay wadasheekaysigii: "Waxaan dhihi lahaa waa inuu shaqeeyaa si uu u helo biyaano!"

Madaxwaynihii oo qoslaya ayaa xasuusiyay caruurta in ay sariirta seexdaan sagaalka habeennimo hadii kale Santa waxa laga yaabaa in aanu iman - Aabbaha Christmas-ka oo ah qof male-awaal ah oo loo malaynayo inuu hadiyado u keeno, gaar ahaan carruurta wanaagsan habeenka Kirismaska

Marwada madaxweynaha ayaa tiri: "Christmas- wanaagsan, waxaan idiin rejaynayaa Christmas- cajiibka ah."

Mr Biden ayaa isna u sheegay Jared: "Waxaan rajeynayaa inaad adna qaadato Christmas-ka wanaagsan."

Aabihii ayaa ku jawaabay: "Haa, waxaan rajaynayaa inaad sida oo kale aad qaadataan Christmas cajiibk ah. Merry Christmas iyo ina keen, Brandon."

Madaxweynaha ayaa ku jawaabay: "Ina kaeen, Brandon. waan ogolahay."

Kaddib waa ay kala aamuseen.

Mr Biden ayaa sii raaciyay: "Haye, dhanka kale, ma waxaad joogtaa Oregon? Halkeee ku yaal gurigaagu? Waxaan u maleynayaa inaan illaaway."

Marka loo eego ra'yi ururin dhowaan ay samaysay Gallup, kaliya 5% codbixiyaasha loo aqoonsan yahay Jamhuuriga ayaa hadda oggol waxqabadka madaxweynaha.

Isla ra'yi ururintaas ayaa muujinaysa in guud ahaan qiimaynta oggolaanshaha Mr Biden ay hoos ugu dhacday 43%.

Weedhan marka la soo koobo, waa aflagaado ku socota madaxweynaha Dimuqraadiga Joe Biden - iyo hab ay xisbiga jamhuurigu ay ku tilmaamayaan waxa ay u arkaan eexda xorta ah ee warbaahinta guud.