'Tobankii maalin ee la soo dhaafay oo kaliya lix cunug ayaan banaanka ka soo helnay'

Xigashada Sawirka, SAW LA SAW'S FB PAGE
“Tobankii bari la soo dhaafay waxaan la wareegnay ilaa lix caruur ah oo la tuuray,” sidaas waxaa yiri madaxa hay’adda Saw la Saw ee dalka Itoobiya, Zabanaay Asfaw.
Kiisaskaan ugu dambeeyay ayaa waxay ka dhaceeb magaalo lagu magacaabo Jimma oo ku taalla koonfurglabeed gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana ay si wayn ugu baaheen baraha bulshada.
Zabanay ayaa waxay u sheegtay BBC da in ay ka walwal santahay tirada caruurta la tuurayo oo sii kordhaysa.
“Cunug yar ayaa la keenay xarunteena maalintii khamiista, oo ay saacadu ahayd 3 dii galabnimo, hooyadeed ayaa waxay ku tuurtay meel god ah,” ayay BBC da u sheegtay Zabanay.
“Waxaa ilmaha looga tagaa baabuurta hoostooda, iyada oo aan cidi arkayn, waxaa lagu tuuraa bananaada xaafada magaalada afaafkeeda ah iyo meelaha ay ku hakadaan basasku,” ayay raacisay hadalkeeda.
Dhamaan lixda caruurta ah ee looga tagay wadooyinka ee la helay tobankii bari ee la soo dhaafay wayaa waxay dhalanaayeen in ka yar hal isbuuc.
“Cunuga aan shalay helnay hal malain oo kaliya ayuu jiraba” ayay tiri.

Xigashada Sawirka, SAW LA SAW'S FB PAGE
Walwal soo kordhay
Inkasta oo tirade caruur ah ee tobankii malain ee ugu dambeysay ay tahay lix, balse waxaa aad u badan tirade caruurta ah ee la dayo guud ahaan magaalada Jimma, sida ay sheegtay Zabanay.
Waxay sheegtay in bilihii la soo dhaafay ay sidoo kale heleen ilaa sided caruur ah, balse waxaa walwal ku beeray sida ay sheegtay in tiradu ay aad usii badaneyso.
Tirada badan ee caruurta la tuuray ayaa waxay u muujineysaa haayadaan in sare u kac aan caadi ahayn uu ka jiro magaalada sida ay iyagu sheegeen.
“Waxaan ka wlawal sannahay koroka dhinaca tirada ah. Ma ahyno qarash aan ugu talo galnay oo meel yaalla. Waxaan kushaqeeyaa gurigeyga. Maxaan sameynaa?” ayay hay’addu ku cabirtay dareenkeeda.
“Caruur badan ayaan haynaa” ayay tiri Zabanay, iyada oo sheegtay in baxnaaninta caruurta ay la kaashato dad kale. “Waan la yabanahay sida caruur badan ay halkaan u imaadeen,” ayay tiri Zabanay.
“Markii hore qofkii cunug arkaba wuu iska qaadan jiray. Hadda waxay leeyihiin. ‘waa nagu adag tahay inaan cunug dhan korino’”. Ayay raacisay hadalkeeda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxay tahay sababta keenta ilmo tuurista?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhaqaale xumo aad u daran ayaa ah sababta ugu way nee keentay in hooyooyinku ay tuuraan caruurtooda dhalaanka ah, sida ay qabto Zabnaay oo hawshaan muddo ku jirtay.
“Sida aan aad uga dharah sannahay, xaaladda dhaqaale aad ayay u sii xumaaneysaa [gobolka Oromada]. Marka dad tuuraya ilmahooda waa kuwa aan waxba haysan ee danyarta ah.” SIdaa waxaa BBC da u sheegay Zabnaay.
Sabab kale oo dad badani qabaan in ilmaha loo tuuro ayaa waxay tahay, dhaqanka bulshada dhexdeeda ka jira,
“Hadii ay gabadhu caruur dhasho iyada oo aan la mehersan, qoyskeedu waa ay dayrinayaan waxaana ay waqtigeeda oo dhan ku dhamaysan doontaa caay,”
“Mar hadey sidaas ku dhacdana ma heleen daryeel maskaxeed, ee qoysku waxay ka saaraan guriga”, ayay hadalkeeda raacisay Zabnaay.
Intaas ka dib ayaa waxaa gabdhaha ay sidaas ku dhacdo ku sii adkaada in ay shaqo helaan marka laga eryo gutiga, si ay noloshooda u dabartaan. Sidoo kale meherada iyo shirkadaha ayaan jeclayn inay shaqaaleeyaan haween caruurta.
Intaas ayaa waxaa sii dheer in aysan jirin wacyi galin ku saabsan siyaalaha looga hortagi karo uurka, taas oo ka mid ah waxyaabaha xaalka sii xumeynaya.
Sidaa daraadeed, “Dadka ka shaqeeya taranka aadanaha waxaa haboon in ay si dhab ah uga falceliyaan xaaladdaan.” Ayay tiri Zabnaay.
“Dhibaatadu halkaan ayay ka jirtaa,” ayay tiri. Iyada oo ku boorisay dawladda in ay u dhugyeelato xaalkaan ka sii daraya.
Dhanka kale madaxa hay’adaan oo la aasaasay sanadkii 2010 kii, ayaa waxa ay sheegtay in haayadoodu ay caawiso kuwa tabarta daran sidoo kale taageerto duqaydo, ayna soo aruuriso caruurta ay tuuran waalidkood.













