Sahra Buulle oo loo maleynayo in ninkeeda uu dilay oo aas loogu sameeyay Canada

Sahra Bulle

Xigashada Sawirka, Fartumo Kusow/Instagram

Qoraalka sawirka, Sahra Buulle iyo hooyadeed Fatuma Kusow

Waxaa maanta dalka Canada aas loo sameeyay Sahra Buulle oo ah haweeney Soomaali ah oo loo maleynayo in ninkeeda uu dilay.

Salaadda janaasada ayaa lagula tukaday Masjidka Windsor ee xaafadda Windsor, ee dalka Canada.

Booliska magaalada Windsor ayaa dhowaan dacwad dil ah kusoo oogay nin kasoo jeeda gobolka Maraykanka ee Michigan oo lala xiriirinayo in uu dilay xaaskiisa oo la waayey toddobaad ka hor.

Brian Aaron Marbury oo 45 jir ah ayey booliska Canada ka qabteen dhinaca Canada ee kanaalka isku xira Windsor iyo magaalada Detriot ee dalka Maraykanka wax yar uun ka dib sagaalkii fiidnimo ee Isniintii.

Booliska ayaa sheegay in xarigga ninkani ka dhashay natiijada baaritaan lagu sameeyay gabar Windsor degganayd- Sahra Bulle oo 36 jir ahayd taas oo aan meel lagu sheegin tan iyo 26kii Maajo.

Inkasta oo baaritaanka ku saabsan waayitaanka Sahra uu weli socdo, haddana booliska ayaa sheegay in qabashada Marbury ay u cuskadeen ”cadeymo lagu kalsoonaan karo” oo ay heleen.

”Baarayaashu waxay weli raadinayaan xog dheeraad ah oo ku saabsan meesha ay ku dambeysay Sahra Buulle,” ayey saraakiisha boolisku kusii dareen.

Sahra Bulle

Xigashada Sawirka, Windsor Islamic Association

Sida ka muuqata waraaqo baafin ah oo lagu dhejiyay darbiyada, Sahra waxay dhigaynaysay jaamacadda Windsor. Hooyada Sahra, Fartuumo Kuusow ayaa barah bulshada dadka isticmaala ka codsatay in ay la baafiyaan gabadheeda si loo helo raq iyo ruux mid uun.

Sylvia Guenther Madaxa fulinta ee barnaamijka Hiatus Haouse oo caawiya ka haweenka xadgudubyada dumar nacaybka ah ee loo geysto ayaa sheegtay in dilalka loo geysanayo haweenla ay yihiin dhibaato ku soo badanaysa bulshada.

”Waxaan ognahay in mid ka mid ah saddexdii dumar ahba ay la kulanto nooc ka mid ah xadgudubyada lammaanaha ama xad gudubyada qoyska ugu yaraan hal mar inta ay noolyihiin," ayay tiri. "Ma ahan xaalad ka soo raynaysa inta uu wakhtigu sii socdo. Waxaan aragnaa kiisas aad u daran oo xadgudubyo ah, sida aan hadda maqalnayna waxaa jira khasaare aad u xun oo soo gaaray bulshadayada." Ayey sii raacisay.

Hiatus House waa xarun xasaradeed oo muddo 24-saacadoo ah loogu talagalay dadka la kulma xadgudubyada qoyska ama lammaanaha dhow. Qadka taleefanka ee degdegga ah ayey ku shaqeeyaan.

Sahra Bulle

Xigashada Sawirka, CBC

Sahra Buulle

Xigashada Sawirka, Farumo Kusow/Windsor star

Qoraalka sawirka, Sahra Buulle
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Guenther waxay sheegtay in guud ahaan, waqtiga ay ugu nugul yihiin haweenka xadgudubyada xiriirka, ay yihiin marka ay go'aansadaan inay isbedel sameeyaan. Hiatus House wuxuu kala shaqeeyaa inay gartaan halista iyo khatarta, iyo sida loo yareeyo khatarahaas.

"Waan sii wadi doonnaa inaan qaybteena ka qaadanno sidii aan u hubin lahayn inaan u caawino haweenka intii karaankeena ah iyo ... si aan u hubinno inaan aqoonsan karno ... xadgudubyada ku saleysan jinsiga ee sida cudurka ugu faafaya bulshada si aan wax uga baddelno haweenka mustaqbalka. "

Dumarka la waayayo oo waliba qaarkood meydkooda la helayo ayaa kuso badanaya dalka Canada iyada oo toddobaadkan gudihiisa lasoo weriyey ilaa saddex dumar ah oo la la’yahay.

Gabriele vinall oo bishii Janaayo ee sannadkan la waayey ayaa kowdii bishan la helay meydkeeda, balse dhimashadeeda ayaan wax shaki ah oo kale sii bixin sida ay boolisku sheegeen, xog dheeraad ahna weli lamasoo deyn.

Dhawaan ayey sidoo kale ahayd markii gabadh Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka canada ay Soomaalida dalkaasi ka mudaharaadeen xukunka laga saoo saaray dilkeeda.

Hodan Xaashi, ayaa billowgii bishii November ee sanadkii hore lagu dilay magaalada Saskatoon ee gobolka Saskatchewan.

Paige Theriault-Fisher, oo 22 jir ah, ayaa lala xiriiriyay dilka Hodan oo 23 jir ahayd.

Paige ayaa xukunka kadib lagu sii daayay damaanad $5,000 oo lacagta Canada ah.