Koobka Adduunka 2022: Messi, Faransiiska, Marookada taariikhda samaysay - iyo sida loo arko nus dhammaadka tartanka Qadar

Guuldarradii Ingiriiska uu kala kulmay Faransiiska ayaa ka dhigan in rajadii ay ka qabeen Koobka Adduunka ay halkaas ku soo idlaatay.
Hasayeeshee afar kooxood oo kala ah - Argentina, Croatia, Faransiiska iyo Marooko - ayaa weli ku sugan waddanka Qadar, kuwaas oo midwalba uu rajaynayo inuu qaado koobkan.
Waa nus dhammaad ay dheelayaan kooxo dad badan aanay saadaalin inay isugu iman doonaan, hasayeeshee waa isku aad xiisa badan oo ay suuragal tahay inay falcelin badan ka dhalato maalmaha soo aaddan.
Ma xilligii Messi uu koobkan qaadi lahaa baa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xulka aadka loo filayay inuu halkan soo gaaro waa midkan uu hoggaamiyo Lionel Messi ee Argentina, iyadoo la iswaydiinayo in laacibka weyn ee dalkaasi uu markiisii ugu horraysay ku guulaysan karo Koobka Adduunka.
Messi ayaa xirfad wayn soo bandhigay muddadii uu dheelayay, oo waxa uu ku guulaystay 10 koob oo horyaalka Spain ah, koob kale oo uu ku qaaday Faransiiska, afar Champions League, Copa America oo uu qaaday 2021 iyo rikoor ah inuu toddoba jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d'Or – taas oo sannad walba la siiyo ciyaaryahanka ugu wanaagsan caalamka.
Hasayeeshee ciyaaryahankan ayaa ka duwan ciyaartoyda kale ee ugu waa wayneyd dunida sida Pele-ga reer Brazil iyo Diego Maradona-hii Argentina, oo uma aanay suuragelin inuu ku guulaysto biladda ugu wayn tartamada ciyaaraha caalamka.
Waxaa laga joogaa 36 sanadood markii Argentina oo uu Maradona hoggaaminayo ay ku guulaysatay Koobkii Adduunka ee ugu dambeeyay, Messi-se waxa uu xulka koonay fiinaalka koobkii 2014.
Haddaba Messi ma gaari doonaa fiinaalka tartanka Qatar, oo ma samayn doonaa taariikh ah inuu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsanaa abid ee caalamka soo mara?
Marooko ma waxay haysataa sababo badan oo ay ku dhiirran karto?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marooko waa dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah iyo weliba Carab ah oo inta badan dadkiisa ay Muslimiin yihiin ee soo gaara nus dhammaadka Koobka Adduunka.
Walow qaar kamid ah ciyaartoyda xulka Marooko ay leeyihiin khibrad badan oo ay ku jiraan ciyaartoy magac leh, sida weeraryahanka kooxda Chelsea Hakim Ziyech iyo daafaca kooxda Paris St-Germain ee Achraf Hakimi, haddana xulkan lagu naanayso the Atlas Lions ayaa ka dheereeyay heerkii laga filayay inay gaaraan.
Waxay kaalinta koobaad kaga soo baxeen koox ay ku jireen Croatia iyo Belgium, kahor inta aanay wareegga 16-ka kooxood ku soo garaacin Spain iyo Burtaqiiska oo rubac dhammaadka ay ku soo reebeen.
Guushooda ayaa waxaa gun u ah difaacooda oo adag iyo shaqo adag oo aan daal lahayn oo ay ciyaartoydu qabtaan. Illaa hadda ciyaartoy ka hortimid Marooko oo gool ka dhaliyay koobkan maba jiro – hal gool ayaase ka dhashay oo ay iyagu iska dhaliyeen, waa ciyaartii ay la lahaayeen Canada.
Xulkan ayaa kamid ah xulalka sida wayn loo taageerayay intii uu socday tartankan.
Dadka qabanqaabinayay tartankan ayaa sheegay in Koobka Adduunku uusan ku saabsanayn Qatar oo kaliya, ee uu yahay tartan ay martigelintiisa wada eeganayaan gobolka Bariga Dhexe iyo Muslimiinta oo dhan. Ma heli doonaan wax wayn oo ay dhammaadka tartakan u dabbaaldegaan?
Faransiiska koobka ma qaadi karaa markii labaad ee xiriir ah?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Faransiiska waa dal kale oo Yurub ah oo ay ku hor gudban yihiin xulka adag ee Marooko.
Xulkan lagu naanayso Les Bleus ayaa isku dayay in markii labaad oo xiriir ah uu qaado Koobka Adduunka, sida Brazil ay samaysay 60 sanadood kahor waa 1962-kii, markaas oo ay difaacatay Koobka Adduunka ee ragga.
Dhab ahaantii sanadihii dambe xulka koobkan haysto meelahan ma uusan soo gaari jirin. Talyaaniga, Spain iyo Jarmalka, ayaa laba iyo tobankii sanadood ee la soo dhaafay tartanka laga saaray xilli hore, hasayeeshee Faransiiska culeyskaas haatan waa uu ka soo gudbay.
Guushii Sabtidii ay ka gaareen Ingiriiska ayaa ka dhigtay xulkii ugu horreeyay ee haysta koobka loo tartamayo ee tan iyo 1998 soo gaara nus dhammaadka, waa taariikh Brazil u taallay.
Tababare Didier Deschamps ayaase diiradda saaraya Marooko.
“Inaad ka hor dhacayso ayaad mooddaa,” ayuu yiri, mar la waydiiyay in kooxdiisa ay gaari karto fiinaalkii labaad ee xiriir ah.
Croatia markale ma gaari kartaa fiinaalka Koobka Adduunka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa suuragal in fiinaalkii 2018-kii oo kale aynu daawanno, waa haddii Faransiiska uu ka soo adkaado Marooko, Croatia-yana ay ka soo baxdo Argentina.
Croatia ayaa soo gaartay afarta kooxood ee isku soo haray kaddib dhabar adayg kulul oo ay muujisay.
Afar sanadood ka hor waxay gool-ku-laadyo ku soo garaaceen Denmark iyo Ruushka sidaas oo ay ku yimaadeen nus dhammaadka, sannadkanna waxay gool ku laadyo uga soo gudbeen Japan iyo Brazil, sidaasna ay uga mid noqdeen afarta xul ee isu soo haray.
24 sanadood ayaa laga joogaa markii ugu dambaysay ee ay ciyaar kala bax ah oo ka tirsan Koobka Adduunka ay 90-ka daqiiqadood caadi u badiyaan – waa markii ay 3-0 uga adkaadeen Jarmalka rubac dhammaadka tartankii 1998-dii.
Dedaallada Croatia ee sannadkan ayaa ah mid aad loo qadariyo maadaama ciyaaryahanka Khadka dhexe uga dheela ee Luka Modric uu haatan 37-jir yahay.
Walow uu da’yahay haddana ciyaaro layaab leh ayuu soo bandhigayay.
Argentina, oo guuldarro 3-0 kala kulantay Croatia ciyaar ka tirsaneyd group-kii ay ku wada jireen Koobkii Adduunka ee 2018, ayaanan haatan dhayalsan doonin kartidooda.












