Koobka Adduunka: Waa kuma goolhayaha wacdaraha dhigay ee caawa ay isku beegan yihiin Kylian Mbappe?

Goolhaya xulka Morocco, Yaasiin Bono

Xigashada Sawirka, CATHERINE MUELLER

Qoraalka sawirka, Goolhaya xulka Morocco, Yaasiin Bono

Morocco waa xulkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo u gudba wareegga nus dhammaadka Koobka Adduunka kaddib markii uu dhawaan 1-0 kaga badiyay xulka qaranka ee Bortuqiiska.

Xulkan ayaa wacdaro ka dhigay Koobka Adduunka sanadakn 2022-ka, siddeed ciyaar waxaa laga dhaliyay hal gool ah oo iyagu iska dhaliyeen, ninka kaalinta weyn ka qaatay guulaha ay gaareen Morocco waa goolhaye Yaasiin Bouno oo loo garan og yahay Bono.

“Waxaan halkan u joognaa sidii aan wax uga baddali laheyn aragtida nalaga aaminsan yahay si aan meesha uga saarno cabsida” ayuu yiri Yaasiin.

“Morocco waxay diyaar u tahay inay wajahdo koob kasta oo adduunka ka dhisan”.

Bono wuxuu soo jiitay indhaha caalamka, wuxuu si weyn usoo caanbaxay markii uu rigooreyaal ka qabtay xulka Spain, wuxuu qabtay labo gool, muddo 130 daqiiqo ah ay ciyaartii Spain iyo Morocco wax gool ah lagama dhalin Yaasiin, waa taariikh cusub ay dhigeen reer Morocco.

“Aragtida nagala aaminsanaa wax weyn baa ka baddalnay, jiilka xiga waxay ogaan doonaan in ciyaartooyda reer Morocco ay mucjiso dhigeen” ayuu yiri gool haye Yaasiin Bouno.

Bono wuxuu Spain ka hor istaagay inay dhaliyaan rigooreyaal- Spain ayuu ka reebay inay u gudubto wareegga rubuc dhammaadka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bono wuxuu Spain ka hor istaagay inay dhaliyaan rigooreyaal- Spain ayuu ka reebay inay u gudubto wareegga rubuc dhammaadka

Inta badan goolhayahan wuxuu noloshiisa kusoo qaatay dalka Spain waana goolhaye guulo weyn gaarsiisay kooxda Sevilla ee ka dhisan dalkaas.

Bandhigyadii cajiibka ahaa ee Yaasiin waxay u horseedday in uu kaalinta 9-aad ka galo goolhayeyaasha ugu wanaagsan adduunka kadib tartanka Ballon d'Or sanadkan, wuxuu ku guuleystay abaalmarinta Zamora-wuxuu noqday goolhayihii goolashii ugu yaraa laga dhaliyo xilli ciyaareedka 2021-2022.

Bono wuxuu noqday halyeey bishii March 2021 kadib ciyaartii ay la dheeleen kooxda Valladolid, wuxuu dhaliyay gool daqiiqadii 93-aad.

Bandhiggii cajiibka ahaa ee uu soo sameeyay Bono bishii August 2020-kiii waxay sababtay in kooxdiisa Sevilla ay 2-1 uga badiso Manchester United, waxay markii lixaad ee ay ku guuleysteen koobka Europe League.

Yaasiin Bono la dabbaaldegayay wiilkiisa yar kadib markii ay badiyeen xulka Bortuqiiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Yaasiin Bono la dabbaaldegayay wiilkiisa yar kadib markii ay badiyeen xulka Bortuqiiska

Ciyaarta caawa ee Faransiiska iyo Morocco

Caawa marka ay saacadda Geeska Afrikada Bari tahay waxaa wada cayaaraya 10-ka fiidnimo.

Waxay Bono is hayaan gool-hayaha Kylian Mbappe ee xulka Faransiiska u dheela.

Waa kuma Yaasiin Bono?

Yaasiin Bono wuxuu ku dhashay magaalada Montreal ee dalka Canada.

Wuxuu dib ugu soo laabtay dhulkiisii hooyo ee Morocco markii 7 sano jir gaaray.

Markii uu yaraa wuxuu ku hammin jiray in uu meel ka gaaro kubadda cagta, wuxuu ku biiray kooxda ka dhisan dalkiisa ee Wydad Casablanca, inkasta uu aabbihii ka hor yimid go’aanka uu ugu biirayay kubadda cagta, si kastaba Bono wuxuu ku adkeystay in uu noqonayo xirfadle weyn oo kubadda cagta ah.

Wuxuu kasoo tagay Morocco isagoo ku biiray kooxda ka dhisan Spain ee Atlético de Madrid.

Wuxuuna markii dambe ku biiray kooxaha Zamora (2014-2016) iyo Girona (2016-2019), haatan waa ciyaartooy ka tirsan kooxda Sevilla.

Marka laga reebo xirfaddiisa, wuxuu si weyn u taageeraa xulka Argentine, “Funnaanaddii ugu horreysay uu aabbahay ii soo gado waxaa laga keenay Argentina”.

Yaasiin Bono

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Yaasiin Bono

“Aniga waxaan ahay nin Moroccan ah, waxaa dhacday markii aan Spain imid in aan barto luqadda Argentines, lahjaddeyda wax yar baa ka baddalmay” ayuu yiri Yaasiin.

Waxay saaxiib dhow ahaayeen Ariel Ortega, oo ah ciyaartooygii hore ee xulka Argentine ee loo yaaqaannay El Burrito Ortega, Bono wuxuu qirtay in uu ku dayan jiray ciyaartoygaas.

Hadda oo caalamka si weyn isha ugu hayo Morocco, Yaasiin wuxuu si weyn u caawiyay xulkiisa oo gaaray heerkii ugu sarreeyay, waxaa laga dhuursugayaa bandhigga goolhaye Bono ee ciyaarta ay la dheelan doonaan Arbacada xulka Faraniiska.