Maxay dawladdu ka damacsan tahay dhulka qabuuraha ee ay amartay in meydadka laga saaro?

Xigashada Sawirka, SNTV
Dowladda Soomaaliya ayaa muddo 10 maalmood ah u qabatay in dadka ay eheladooda ku aasan yihiin Qabuuraha Iskool buluusiya in ay Meydadkooda la baxaan si ay dowladda u isticmaasho dhulkaas oo ay hadda u baahatay.
Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Booliska, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee gobolka Banaadir iyo culimo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo shalay galab shir jaraa’id ku qabtay qabuuraha Iskuul Buluusiya ee degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa daaha ka rogay in amar ka soo baxay dowladda, lagu dalbanayo in deg deg qabuurahaas looga saaro meydadka ku aasan.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mida Culimada magaalada Muqdisho kana mid ahaa mas’uuliyiintii shirka jeraa’id qabatay ayaa sheegay in maydadka laga saari karo Xabaalaha Iskuul Buluusiya oo ay dawladda Soomaaliya doonayso in ay la wareegto. Sheekh Bashiir ayaa sheegay in dhulka dadkaas lagu aasay uu yahay dhul dawladeed sidaas darteedna ay dawladdu dib ula wareegeyso lagana saari karo maydadka ku aasan.
Toddobaaddo ka hor ayay ahayd markii ay soo baxday sheekada la xiriirta in ay dawladda Soomaaliya baabinayso xabaalaha Iskuul Buulisya balse dawladda ayaa taa beenisay.
Go’aankan oo ay dowladda muddo ka meer-meeraysay shaacintiisa ayaa waxaa ka dhashay falcelino kala duwan. Shacab badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa si adag uga soo horjeestay tallaabadan ay dowladda ku dooneyso in qabuuraha looga saaro dhulka Iskool Buluusiya.

Dhanka kale waxaa gaashaanka u daruuray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo tallaabadan ay dowladda qaaday ku tilmaamay mid luminaysa aaminaadda shacabka iyo dowladda u dhaxeeya.
“Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin. Wiilka uu dhalay AUN Cabdi Muruudi Dheere (AJAKIS) markii uu maydka aabihii la baxay, waxaa lagu qasbay in uu beeniyo in dowladdu ay ku amartay arrinkaas oo ay dhulka doonaysay, laakiin taa bedelkeeda uu iskiis ula baxay,” ayuu bartiisa Facebook ku qoray xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur
“Maadaama ay ogyihiin in la aaminaynin, ayey madaxdii dawlada iska soo hormariyeen culimo si loo aamino. Waa arrin laga xumaado in culimadu ay noqoto marin wax lagu xalaalaysto.” Ayuu intaa ku daray xildhibaanka.
Maxay dawladda ka damacsantahay dhulkan qabuuraha ah ee ay dooneyso inay la wareegto?

Xigashada Sawirka, SNTV
Wasiirka Gaashaandhigga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in hadda ay dowladda u baahatahay dhulkan loona baahan yahay in lagu qabto danta qaranka.
Waxa uu sheegay in arrinta ay tahay arrin shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed qiimo weyn ugu fadhida.
“Inta xagga la iska dhigo wararka la faafi doono ha loo hoggaansamo awaamiirta dowladda, maadaama dhulkaan loo qorsheeyey howlo dan-guud ah oo la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha dalka.”
Halkee ayuu ku yaallaa dhulkan dowladda ay leedahay ee xabaalaha isku baddaley?

Xigashada Sawirka, SNTV
Xabaalahan oo ku yaalla degmada Xamar jajab waxa dhinaca ku haya xerada Booliska ee Jeneraal Kaahiya ama Iskuul Buulisiya waxa kale oo halkaas ku taalla barxadda caanka ah ee lagu toogto dadka dilka lagu xukumo.
Halista caafimaad ee ka dhalan karta qabuuraha loo faago si aan waafaqsaneyn nidaamka caafimaadka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ma ahan wax adduunka ku cusub in meyd laga soo saaro qabuurihii hore loogu aasay kaddibna la geeyo meelo kale.
Marka loo baahdo in dib loo isticmaalo dhulka qabuuraha waxaa jira habab adduunka ay u maraan.
Khatarta caafimaad uu leeyahay in meyd qabriga la soo saaro waxaa ka mid ah habka loo marayo iyo sida laysaga ilaalin karo in aadan ka qaadin wax caabuq ah. Taasna way adag tahay in dadka caadiga ah ay wax ka qabtaan. Inta badan howlahan waxaa qabta dad aqoon u leh.
Arrintan ugu muhiimsan ayaa ah in la ogyahay diwaanka qofka ku aasan goobta la faagayo, waxa uu u dhintay iyo goobta kale ee la doonayo in lagu aaso. Dr. Maxamed Xasan waxa uu ka mid yahay dhakhaatiirta ka shaqeysa UK. Waxa uu BBC-da u sheegay in qof aan aqoon u laheyn uusan howshan faraha la gelin Karin.
“Marka ugu horeysay waa in wasaaradda caafimaadka ay go’aanka gaartaa, ka hor inta aysan go’aankaas gaarin waa in ay ogtahay waxa uu u dhintay qofka, si loo ogaado hadii uu qabay meydka cudurada faafa sida TB-da” ayuu yiri Dr. Maxamed.
Habka meydkaas loo saarayo wuu ka duwan yahay hababka kale. Nidaam gaar ah ayaa loo maraa marka meyd laga soo saarayo qabuuraha. Khubarada caafimaadka ayaa qaba in meydadka waqtiga la aasay uusan fogeyn la fahmi karo waxa ka dhallan kara.
“Meyd lama soo bixin karo iyadoon la raacin talada caafimaadka. Si loo xakameeyo cudurada faafa waa in qofku haystaa gacmo gashi, afxir iyo ookiyaale, sababtoo ah waxaa laga baqayaa in qofku cudur ka qaado”
Hadaba su’aashu waxay tahay howlahaas oo dhan yey tahay in ay qabtaan? ma howl uu qof ama koox iskood ku qaban kartaa mise waa mid u taal maamulka markaas ka jira goobta qabuuraha laga faagayo.
Ha’yadaha caafimaadka ayaa laga doonayaa in ay arrimahaas wax ka qabtaan si looga hortgo in ay timaado waxyeelo ay adkaan doonto mustaqbalka in wax laga qabto.













