Boris Johnson: Shan arrimood oo ku saabsan xilka qaadista uu wajahayo ra'iisal wasaaraha Britain

Xigashada Sawirka, Reuters
Xildhibaannada xisbiga Conservative-ka ee Britain ayaa saacadaha soo socda go'aan ka gaari doona inuu xilka sii hayo ra'iisal wasaare Boris Johnson iyo in kale.
Codeynta ayaa dhici doonta caawa inta u dhaxaysa 18:00 ilaa 20:00 waqtiga dalkaas, waxaana natiijada la ogaan doonaa waxyar kadib xilligaas.
Maxaa keenay codeynta?
Qaar kamid ah xildhibaannada xisbiga talada haya ee Conservative-ka ayaa gudbiyay codsi ku aaddan inuu iscasilo ra'iisal wasaare Johnson.
Cadaadiska siyaasadeed ee haysta ra'iisal wasaaraha ayaa kordhay tan iyo markii ay soo baxday warbixin faahfaahinaysa xaflado ka dhacay xafiiskiisa Downing Street intii lagu guda jiray xayiraadihii ka dhashay Covid-19.
Warbixinta oo ay diyaarisay Sue Gray oo kamid ah xubnaha ugu sarreeya shaqaalaha rayidka ee UK ayaa lagu sheegay in xafladaas "aan la oggolaadeen inay dhacaan."
Muxuu yahay codka kalsooniga?
Iskudayga ay xildhibaannada xisbiga Conservative-ka xilka uga qaadayaan hogaamiyahooda ayaa loo yaqaanaa codka kalsoonida.
Si ay u qabsoonto codeyntaas, waa in ugu yaraan 15% xildhibaannada xisbiga ay qoraan warqad ay ku sheegayaan inay taageerada kala laabteen hogaamiyahooda. Tiradaas ayaa hadda ka dhigan 54 xildhibaan.
Warqadahaas ayaa loo diraa Sir Graham Brady, oo ah gudoomiyaha guddi loo yaqaan 1922 Committee, kaasoo metala xildhibaannada xisbiga Conservative-ka.
Isniinta maanta ah ayuu sheegay inay soo gaareen tirada loo baahan yahay si ay u qabsoonto codeynta.

Xigashada Sawirka, Downing Street
Qaabkee ayay u dhacdaa codeyntaas?
Si uu u guulaysto, ra'iisal wasaare Johnson ayaa u baahan aqlabiyadda codadka la dhiibtay, iyo inuu ka cod bato xildhibaannada doonaya inuu xilka banneeyo.
Haddii ay dhammaan codeeyaan xildhibaannada xisbiga, tirada uu u baahan yahay si uu u guulaysto ayaa ah 180 cod (kala bar xildhibaannada iyo cod dheeri ah).
Qasab ma aha in xildhibaannada ay sheegaan qaabka ay u codeeyeen, balse waxaa jiri doona qaar shaaciya inay ka codeeyeen Johnson iyo in kale.
Maxaa dhacaya haddii uu guulaysto Johnson?
Haddii uu guulaysto, Boris Johnson waxa uu sii ahaan karaa hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka iyo ra'iisal wasaaraha.
Xeerka hadda jira ayaa dhigaya in xildhibaannada xisbiga aanay cod kale u qaadi karin muddo sanad ah.
Hase yeeshee, waxaa jira hadal hayn ah in xildhibaannada ay doonayaan inay bedalaan xeerkaas si haddii loo baahdo ay markale ugu codeeyaan muddo kooban gudaheed.
Waxaa se dhici karta in haddii uu Johnson ku guulaysto codad yar in markaa lagu qancin doono inuu xilka banneeyo, maadaama uu lumiyay kalsoonida xildhibaanno badan.
Maxaa dhacaya haddii uu guulaysan waayo Johnson?
Haddii Boris Johnson looga guulaysto codka kalsoonida, waxa uu ku qasban yahay inuu xilka banneeyo.
Jadwalka doorashada ee hogaamiyaha cusub ee xisbiga ayaa waxaa dejin doona the 1922 Committee.
Qofka ku guulaysta codeynta cusub ayaa noqonaya ra'iisal wasaaraha UK.
Tani ayaa ka dhigan in ra'iisal wasaaraha cusub oo iman karo iyadoo aanu dalka aadin doorasho guud.
Codbixiyayaasha UK waxa ay doortaan xildhibaannadooda, halka xildhibaannada ay xushaan qofka noqonaya ra'iisal wasaaraha.











